Qeeybaha| Wararka

Bililaqo xoogan oo lagu haayo Warshadii Dharka degmada Balcad

Posted on 30 December 2009 by dadweyne

Wararka ka imaanaya degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa sheegaya in Bililaqo xoogan ay ka socoto tan iyo saaka Warshadii Dharka Degmada Balcad oo ka mid ah warshadaha fara ku tiriska ee ka bad baaday bililaqada bur burkii Dowladii hore.

Sida ay sheegayaan wararka Bililaqadan ayaa la sheegayaa inuu gacan ku leeyahay Maamulka Degmada Balcad ee hoos taga maleeshiyada Alshabaab, iyadoo xalay ilaa saaka laga daad gureynayo agabyadii yiil Warshada.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo codsaday in aan la xusin magaciisa ayaa sheegay in Gawaari xamuul ah la keenay Warshada, kuwaasoo lagu daabulayo agabyadii ay ku howl geli jirtay.

“Walaalow wax aan aad uga naxnay ayaa ka bilowday Warshadii Dharka Balcad, waxay ka xishoodeen ragii hogaamiye kooxeedka ahaa ayay nimankaan diinta sheeganaya ku kacayaan, waxay qaadanayaan agabyadii Warshada yiil”ayuu yiri mid ka mid ah dadka deegaanka.

Mashiinadii waa weynaa ee Warshada, Matooradii kanaalka degmada Balcad iyo alaabo kale oo muhiim ah ayaa laga daad gureynayaa, waxaana hareeraha Warshada ku sugan maleeshiyo  aad u hubeysan oo wajiyada u xiran.

Ilaaladii iyo shaqaalihii Warshadaas ayaa xabsiga loo taxaabay, waxayna wararku sheegayaan in ay ka hor yimaadeen oo ay diideen in la bililaqeysto, iyagoo horay ugu soo dhabar adeegay bad baadinta warshadaas intii uu bur burka jiray.

Maamuladii soo maray degmada Balcad ee isaga kala dambeeyay ayaa wax xad gudub ah ku sameyn, waxaana Maamulkii Muuse Suudi, kii Maxkamadaha Islaamka iyo kii u dambeeyay ee Dowladda KMG ayaa ahaa kuwo aanay u bareerin boobka iyo bililaqada Warshadaas oo ka turjumeysay astaanta qaranka Soomaaliyed

Leave a Reply