Qeeybaha| Wararka

Dagaalo goos goos ah ayaa ka socda duleedka magaalada b/weyne

Posted on 29 December 2009 by dadweyne

Dagaalo goos goos oo mar marka qaarna u muuqda kuwo culus ayaa duleedka Magaalada Beledweyne waxaa uu ku dhaxmarayaa Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kooxaha al shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam oo is garabsanaya.
Â
Dagaalka ayaa wajigiisa hore waxaa uu saakay ka dhacay halka lagu magacaabo Xujuub oo aan wax badan ka durugsaneyn Magaalada Beledweyne, waxaana dad ku dhaw dhaw goob uu dagaalku ka socdo ay  sheegayaan in ay maqlayaan rasaas culus oo ay is weydaarsanayaan dhinacyada iska soo horjeeda waxaana ay intaa ku darayaan in meelaha qaar deegaanka ay ku nool yihiin ay ku soo dhaceyso rasaas habow ah.
Â
Dagaalka la sheegay in uu ka socdo halka lagu magaabo Xujuub oo masaafo aan badneyn u jirta Jante-guundisho ayaa waxaa siweyn looga dareemayaan gudaha Magaalada Beledweyne oo ay ka wadaan kooxaha Islaamiyiinta ah dhaq dhaqaaqyo Militari, waxaana xusid mudan in gudaha Magaalada lagu arkayo Ciidamo ku labisan Dareyska Tutaha oo meelaha qaar taagan baaritaana ku sameynaya  gadiidka isaga gooshaya Magaalada Beledweyne.
Â
Ciidamada Dowladda ayaa kaabiga ku haaya Magaalada B/weyne iyagoo doonaya in ay meesha ka saaran maamulada islaamiyiinta kooxaha isku sheega kuwaas oo ay la socdaan dagaalyahano ajanabi ah.

Leave a Reply