Qeeybaha| Wararka

Taliska Booliska oo ka hadlay qaabkii loo dhaawacay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka

Posted on 27 December 2009 by dadweyne

Taliska Booliska Dowladda KMG ayaa markii u horeysay ka hadlay dhaawac shalay mid ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka uu u geystay Askari ka tirsan Booliska, xilli uu Xildhibaanka ku soo jeeday Xarunta Baarlamaanka.

Taliye Kuxigeenka qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir G/Sare Cali Maxamed Cali ayaa sheegay in Ciidamada Booliska aanay ku talagal u dhaawicin Xildhibaanka, hase ahaatee uu ka dhaga adeegay amar ay Ciidamadu fareen.

“Ciidamada si ula kac uma aanay u dhaawicin, xildhibaanku wuxuu gaarigiisa soo jiiray Bar Koontarool oo Ciidamada Booliska ammaanka ku sugayeen, waa la joojiyay, markaas baa xabad lagu riday, inlee ammaanka waa garan kartaa sida uu yahay”ayuu yiri Taliye Kuxigeenka.

G/Sare Cali Maxamed Cali ayaa sidoo kale tilmaamay in ay Gudi u saareen qaabka Xildhibaanka u dhaawacmay, waxaana uu tilmaamay in baaritaankaas dhowaan la soo gudbin doono.

Maalintii shalay ayay aheyd markii Xildhibaan lagu magacaabo C/risaaq Maxamed Yuusuf lagu dhaawacay agagaarka Xarunta Baarlamaanka, xilli uu watay Gaari, iyadoo gaarigiisana la joojiyay, deetana uu ka dhaga adeegay, taasoo keentay rasaas uu ku furay askari ka tirsan Booliska uu dhaawac ka soo gaaro

Leave a Reply