Culumaa’udiinka Ahlusuna ayaa guulo ballaaran ka sheegtay dagaal maanta ka dhacay duleedka Magaalada Beldweyn, kaasoo ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen maleeshiyada Xisbul Islaam ee gacanta ku haya.
Afhayeen u hadlay Ahlusuna oo ku sugan Gobolka Hiiraan oo lagu magacaabo Aadan Cabdule Cawaale ayaa sheegay in dagaalkaas ay ka dambeeyeen Ahlusuna, isla markaana ay guulo ka gaareen.
Aadan Cabdulle Cawaale oo ahaa Gudoomiyihii hore degmada Maxaas ayaa intaa ku daray in gaari dagaal iyo qoryo gacmeedyo ay ka qabsadeen Xisbul Islaam, waxaana uu sidoo kale sheegay in ay ka gubeen gaari dagaal.
Waxaa uu sheegay in ay haatan ku wajahan yihiin magaalada Beledweyn si ay halkaas ula wareegaan, isagoo xusay in Ciidamadooda ku sugan yihiin hareeraha Beledweyn.
Culumaa’udiinka Ahlusuna oo haatan gacanta ku haya Gobolka G/gaduud ayaa quudareynaya in ay la wareegaan deegaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, iyadoo weerarka ay ku qaadeen duleedka B/weyn uu yahay kii u horeeyay oo ay soo qaadaan





