Mukhtaar Roobow Cali ilaa iyo 2006 kii looga yeero Abuu Mansuur ayaa muujinaya dhaqan caado u noqday ee ah inuu la soo baxo dhuumasho marka uu labo toddobaad ka hor uu soo shaaca bixiyo magaciisa iskuna muujiyo qof siyaasad qabow, taasina waxay ka dhigtay inuu noqdo hoggaamiye maleeshiyo oo ka baxa ballamaha uu la galo odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka iyo weliba waxgarad soomaaliyed.
Muddo dhawr jeer ah ayuu ballan qaaday Abuu Mansuur inuu sameynayo dariiq ay ku shaqeeyan hay’adaha samafalka ee ka howlgala gobolada koonfur dhexe ee somaliya balse markii la cadaadiyay hay’adahaas Abuu Mansuur waxba uma arko balse waxaa uu si daba dhilifnimo ah u taageera go’aanada ka soo baxa wax magarato uu ka mid yahay Axmed Cabdi Godane hogaamiye gabalkiisu dhacay.
Dad badan baa is weydiiyay Mukhtaar Roobow ma culeys Siyaasadeed baa haysta, ma garashadiisa ayaa hooseysa mise dabadhilifnimada waa u dhashay, dadka aqoonta u leh waxay ku soo gabagabeeyen abuu Mansuur wuu biixiyaa magaca daba dhilif.
Maalmahan waxaa soo baxayay in Abuu Mansuur uu si buuxda uga soo horjeestay Godane balse sida dhaqankiisu yahay waxaa la arki doonaa isagoo leh Amiirka waan aqoonsanahay.
Inta badan Abuu Mansuur waxaa raadiyaa wax isaga ka dhigaya nin caan ah oo ka kooban eriyo dadka ay soo dhaweeyan oo loo maleeyo inuu ka aqoon badan yahay kuwan isaga u adeega ee ay ka mid yihiin Godane, Fu’aad Shangole, Maxamed Ibraahim, Xasan Abuu Ceynab iyo xubno ajanabi ah oo dalalkooda ka soo baxsaday dhamaantoodna ah gacan ku dhiigliyaal maalin kasta burburiya nafta dadka soomaaliyed.
Roobow haddii uu yahay qof wax ku ool ah waxaa laga rabaa inuu mowqifkiisa cadeysto oo isku duba rido intii diidan hanaanka waalida ku dhisan ee Godane oo ku faraxsan in la yiraahdo Abuu Zubeyr iyo amiir maleeshiyo.





