Qeeybaha| Wararka

Dowladda Soomaliya oo sheegtay iney xalinayso khilaafka Mudug

Posted on 25 December 2009 by dadweyne

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay iney dadaal ugu jiirto joojinta qalalaasaha ka jira Magaalada Galkacyo ee xarunta gobalka Mudug.

Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Dowladda KMG ee Soomaliya S/gaas Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in ay xiriiro la sameeyeen Maamulada Puntland iyo Galmudug si loo dhameeyo khilaafka dhiigu ku daatay ee ka jira gobalka Mudug.

 

Wuxuu sheegay wasiirku in Maamuladu ay soo dhaweeyeen talaabadan ayagoo ballanqaaday iney joojin doonaan dagaaladda isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay dhameynta dhibaatooyinka ka bilowday Galkacyo.

 

Wasrrirka macdanta iyo Biyaha Soomaaliya ayaa  ku eedeeyay dagaalada ka soconaya magaalada Galkacyo iney ka dambeeyaan kooxo qas wadayaal ah oo nabada ka soo horjeeda, kuwaa oo dagaalo iyo qaraxyo ka wada dhamaan dalka Soomaaliya, doonayana  iney baabi’iyaan shacabka Soomaaliyeed.

 

Hadalka wasiirka Macdanta iyo Biyaha Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid ayaa ku soo beegmaya xilli maalmihii la soo dhaafay dagaalo dad badani ku dhinteen ay ka soconayeen magaaladaa Galkacyo taasoo dhalisay barakac xaagan, iyo xiisad sabababi karta dagaal aan habooneyn oo ka dhaca gobalka Mudug

Leave a Reply