Qeeybaha| Wararka

Dablay Shabaab ka tirsan oo afduubtay Ganacsade caan ah

Posted on 25 December 2009 by dadweyne

Kooxda Alshabaab ayaa muddo saacado ah haystay ganacsade soomaaliyeed oo lagu magacaabo Daahir Bakiin.

Daahir Bakiin ayay maleeshiyaad ka tirsan Alshabaab ka qafaasheen deegaanka Km13 ee duleedka Muqdisho , xilli uu ka qayb galayay aaska walaashiis oo geeryootay.

Dhowr saacadood ka dib ayuu ganacsade Daahir Bakiin dib u helay xorriyaddiisa, mana jirto wax sabab ah oo loo xiray ganacsadahan soomaaliyeed.

Ma ahan markii ugu horeysay ee kooxda Shabaab ay falal isugu jira Afduub, Dil iyo dhac kula kacdo dad soomaaliyeed oo aan wax lug ah ku lahayn murannada siyaasadeed ee dalka ka jira.

Horay kooxda Alshabaab waxay si gar darro ah ugu dishay dad badan oo soomaaliyeed oo isugu jiray ganacsato,aqoon yahanno iyo howl wadeenno u shaqeynayay hay’ado sama fal.

Waxaana dadkaasi laga xusi karaa Maxamad Maxamuud Jimcaale Cumar oo ahaa guddoomie ku xigeenkii  hay’adda DBG iyo Cumar FIyaasko oo ahaa ganacsade, kana shaqeynahay howlaha samafalka

Leave a Reply