Qeeybaha| Wararka

Dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti oo si isku mid u soo dhoweeyay cunaqabateynta Eritrea

Posted on 24 December 2009 by dadweyne

Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Jabuuti ayaa si isku mid ah u soo dhoweeyay qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey uu cunaqabateynta ku saaray Eritrea, iyagoo ku tilmaamay tallaabo loo baahnaa.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey Cilmi Axmed Ducaale ayaa sheegay in tallaabadaas ay tahay mid in muddo ahba la sugayay, isagoo sheegay in Eritrea horay loogu caal waayay in ay faraha kala baxdo Arrimaha Soomaaliya.

Cilmi Ducaale ayaa sheegay in Golaha Ammaanka uu go’aan dhaxal gal ah qaatay, kaasoo uu sheegay in ay tahay mid loogu qaaday xasiloonida Gobolka oo uu sheegay in Eritrea ay carqalad ku aheyd.

Sidoo kale Safiirka Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobey Rooble Colhaye ayaa sheegay in ay si weyn u taageerayaan qaraarkaas, isagoo ku eedeeyay Eritrea in ay xataa aqoonsan weysay sharcigii Geneva Convension, kadib markii uu tibaaxay in ay diiday Maxaabiis ay Jabuuti ka cabsatay in ay tusto ICRC.

“Cunaqabateynta mid loo baahnaa ayay aheyd, waxay aheyd mid Goluhu muddo ka shirayay, marar badan ayaa looga digay, wayna ka dhaga fureysatay”ayuu yiri Rooble Colhaye.

Waxaa uu sheegay in Eritrea xoog ku heysato dhul Jabuuti ay leedahay, isla markaana ay diiday in ay wareejiso, isagoo sheegay in Madaxda dalka Eritrae ay yihiin keli talis, taasoo cadeyn u ah buu yiri sidii ay uga goosteen dalka Kenya ciyaaryahanadii xulka Eritrea ee ka qeyb galay Koobkii bariga iyo bartamaha Afrika.

Golaha Ammaanka ayaa isku raacay qaraar muddo ay ka fikiriyeen, kaasoo ay soo diyaarisay Dowladda Uganda, waxaana Golaha Ammaanka u codeeyeen qaraarkaas ilaa 13-dal, halka Liibiya ay diiday, dalka Chine uu ka aamusay

Leave a Reply