Dagaal qasaare badan geystay ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda KMG ah Somaliya oo gacan ka helaya Ciidamada Nabad ilaalinta u jooga dalka AMISOM iyo maleeshiyaad daacad u ah ururka Xisbul Islaam
Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii maleeshiyada Xisbul Islaam ay weerar ku qaadeen Fariisinka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku kala leeyihiin Isgoyska Dabka,Wadada Shaqaalaha iyo Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho waxaana xiligaasi kadib halkaasi ka bilowday dagaal fool ka fool ah.
Dagaalka ayaa waxaa barbar socday duqeyn AMISOM u geysanaysay Xaafado ka mid ah magaalada muqdisho sida ay sheegayan wararka naga soo gaaraya caasimadda.
Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ku dhaw 16 ruux oo qaarkood rayid ahaayen sidoo kalena waxaa ku dhaawacmay ilaa iyo 35 ruux sida laga soo xigtay goobaha caafimaadka
Maleeshiyada weerarka soo qaaday ayaa dagaalka looga dilay 8 dablay sida uu xaqiijiyay goobjooga ku sugan magaalada muqdisho





