Dablayda Shabaab ee gacanta ku heysa Magaalada Kismaayo ayaa awaamiir hor leh ku soo rogay magaaladaas iyo deegaanada Jubooyinka, iyagoona Ragga ku amray in ay Garka daayaan, Shaaribkana xiiraan, isla markaana Surwaalkana ay gaabiyaan.
Amarkan oo ah kii u horeeyay ee noociisa ay soo rogaan Shabaabka ayaa ah mid Shabaabku sheegeen in ay u qaadeen dhinaca Shareecada Islaamka oo ay waajib tahay in Garka la daayo shaaribkana la xiiro.
Madaxa Dacwada Jubooyinka ee Shabaabka Sheekh Ibraahim ayaa ku amray dadweynaha Magaalada in muddo saddex cisho ugu hogaansamaan amarkaas, isla markaana uu yahay mid waafaqsan shareecada Islaamka.
Sheekha oo xalay ka qeyb galayay Barnaamij su’aalo lagu weydiinayay oo ka baxayay Idaacada ku hadasha Afka Shabaabka oo ka howl gasha Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Maamulkooda go’aansaday in amarkaas lagu soo rogo.
Waxaa uu kaloo sheegay in Ragga aanay jeego xiiran karin, isagoo sheegay in cidii lagu arko isagoo jeego xiiran tallaabo adag laga qaadi doono.
Amarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee si gaar ah Ragga u saameeyay, bedelkii horay amaro ay soo saareen uu ahaa mid Haweenka kaliya farayay in ay qaataan Xijaabka isla markaana ay is asturaan





