Qeeybaha| Wararka

Shabaab oo bililaqo iyo boob u geystay Xaruntii Hey’adda Mine Action ee Magaalada Baydhabo

Posted on 18 December 2009 by dadweyne

Maleeshiyada Alshabaab ayaa boob iyo bililaqo kula dhaqaaqay Xarunta Hey’adda Mine Action ee Qaramada Midoobay ugu qeybsan ka hortaga Miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa, saacado kadib markii Bayaan ay ku mamnuuceen in ay dalka kaga howl gasho soo saareen.

Saraakiil ka tirsan Hey’adda Mine Action ayaa xaqiijiyay in Shabaab shalay la wareegeen xaruntii hey’addaas oo ku tiil magaalada Baydhabo, iyagoo ka qaatay wixii agab ahaa ee yiil xarunta.

Dablay ka tirsan Shabaab oo wajiyada u daboolan yihiin ayaa gudaha u galay xaruntaas shalay casir liiqii, waxaana la sheegay in ay ka qaatay agabyo muhiim ahaa oo ay hey’addu ku howl galeysay.

Agabyada laga qaatay xarunta ayaa waxaa ka mid ahaa qalab xafiiseedyo, gawaari iyo Qalabka Miino baarista iyo agab kale, kuwaasoo gawaari looga daadgureeyay xarunta.

Xafiiska Mine Action ee magaalada Baydhabo ayaa ahaa xaruntii Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, halkaasoo ay ku sugnaayeen shaqaale soomaali ah oo ka howl galayay.

Shabaab ayaa horay u bililaqeystay Xarumaha Hey’adda UNICEF iyo UNDP ee magaalooyinka Jowhar, Waajid iyo Baydhabo, halkaasoo ay kala baxeen qalab fara badan oo muhiim ahaa

1 Fikradaada

  1. Axmed saciid Says:

    Walaalayaal, aan isticmaalno Hal ku dhegyadaan.
    Waa Niman Isrnacayb dhuxu u ka galay. Waa Maryaan Beeleed Cimaamado faka ku soo duubtay. Waa Niman Gaala oo Muslimiinta Sooman Dhiigooda baneystay. Waa Gaalo. Waa waajib in lagu SHAHIIDO. Waa in ay Muslimiintu Iska qabato Mujrimiinta Caruuta, Hoyoyinka, iyo waxgaradka XASUUQAYA. Walaalayaal, aan isticmaalno Hal ku dhegyadaan. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB.
    Waan iska qabankarnae,Aan iska qabano Illahayna la kaashano.
    Axmed Saciid

Leave a Reply