Maleeshiyada Shabaab ayaa u kala baxay beel beel kadib markii caawa fiidkii kooxo ka wada tirsan shabaabka dagaal ku dhex maray degaanka dayniile ee magaalada muqdisho
Dagaalka ayaa yimid markii koox ka tirsan Alshabaab ay is hor taagtay in ay degmada Dayniile ka baxaan rag kale oo ururka ka tirsan oo ka carooday hab dhaqanka hor joogayaasha Shabaab ee Dayniile ku sugan.
Xubnaha beesha Murusade ee shabaabka ka midka ah ayaa gooni u baxay caawa iyagoo ugu baaqay maleeshiyaadka kale ee shabaabka ka tirsan in ay isaga guuraan oo ay ka baxaan degaanka dayniile.
Dagaalkan ayaa gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyay in uu dagaalka ku dhintay nin Shabaab ka tirsanaa oo la oran jiray Abuukar Mahdi Cali Fiidow oo ku magac dheeraa Jiis Mahdi.
Dagaalkani Alshabaab ka dhex dillaacay ayaa yimid ka dib markii qaar ka mid ah hor joogayaasha kooxdu ay gaalo ku tilmaameen rag kale oo kooxda kala tirsan oo uu ku jiro ninka geeryooday.
Caawa ayaa degaanka dayniile lagu arkayay dablayda murusade ee shabaabka ka tirsan iyagoo gooni u baxay oo iska ilaalinaya dablayda kale ee shabaabka.
Taasi waxay muujinaysaa in kala shaki soo dhexgalay shabaabka dhexdooda ayna u badan tahay in ay u kala jabaan beel bee lama qabiil qabiil.






December 18th, 2009 at 8:42 am
Walaalayaal, aan isticmaalno Hal ku dhegyadaan. Waa Niman Isrnacayb dhuxu u ka galay.
Waa Maryaan Beeleed Cimaamado faka ku soo duubtay. Waa Niman Gaala oo Muslimiinta Sooman Dhiigooda baneystay. Waa Gaalo. Waa waajib in lagu SHAHIIDO. Waa in ay Muslimiintu Iska qabato Mujrimiinta Caruuta, Hoyoyinka, iyo waxgaradka XASUUQAYA. Walaalayaal, aan isticmaalno Hal ku dhegyadaan. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB. XISBULSHEYDAAN. NAZISHABAAB.
Waan iska qabankarnae,Aan iska qabano Illahayna la kaashano.
Axmed Saciid