Qeeybaha| Wararka

Alshabaab oo war saxaafadeed ku mamnuucay Hey’adda Mine Action in Soomaaliya ka howl gasho

Posted on 17 December 2009 by dadweyne

Alshabaab ayaa maanta soo saaray war saxaafadeed ay ku mamnuucayaan in dalka Soomaaliya kaga howl gasho Hey’adda Mine Action oo ah hey’ad baarta Miinooyinka.

Warka Maleeshiyada shabaab soo saareen ayaa waxaa uu u qornaa sidan

Aqri War saxaafadeedka

Bayaan ku aadan Howlaha Hay’ada Mine Action.

Laga bilaabo taariikhdu marka ay tahay 17-12-2009, Hay’ada hoostagta qaramada Midoobay ee loo yaqaano Mine Action waa mid xiran.

Tilaabadan ayaa waxaa qaaday Xafiiska Lasocodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah kadib markii diraasad qoto dheer uu ku sameeyay dhaqdhaqaaqyada iyo ujeedooyinka ka dambeysa Hay’adan.

Waxaa cadaatay in ay Mine Action bixiso Mishaaraadka Booliska xukuumada Riddada ah Sida lagu yiri warsaxaafadeedka, waxayna dhanka kale ku kacaysay isku dayo farabadan oo lagu carqaladeynayo nabada iyo cadaalada ka jirta Wilaayaat-ka Islaamiga ah iyadoo laaluush ku harqinaysay madax dhaqameedyada bulshada si ay u abaabulaan kacdoon ka dhan ah Maamullada Islaamiga ah.

Waxaa intaas sii dheer inay sahan iyo calaamado tilmaam bixinaya ku sameyneysay qaybo kamid ah goobaha ugu muhiimsan uguna xasaasisan dhulka ay ka taliyaan Mujaahidiinta.

Ugu dambayntiina waxaa baaritaanka lagu xaqiiqsaday in Mine Action ay si qarsoodi ah u qaban jirtay howlo iyo shaqooyin ay lahaayeen Hay’ado uu horey u mamnuucay Xafiiska La socodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah sida Hay’ada UNDP.

Xafiiska Lasocodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah wuxuu sii wadi doonaa isku duba ridka iyo kormeerida Hay’adaha Ajnabiga ah ee ka howl gala Soomaaliya wuxuuna Bulshada Muslimka ah ka difaaci doonaa dhamaan wixii hagardaamo ah oo kasoo horjeeda Diinteeda, Jiritaankeeda, Badbaadadeeda iyo Caafimaadkeeda.

Allaah ayaa nagu filan Rabigeena ah.

Xafiiska Lasocodka Arimaha Hay’adaha Ajnabiga ah.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab

Leave a Reply