Qeeybaha| Qubane

Barcelona,Inter iyo Chelsea oo sii adkeeyay hoggaankooda

Posted on 30 November 2009 by dadweyne

Kulankii xiisaha badnaa ee maalaayiin ruux oo caalamka ku nool ay sugayeen ee dhexmarayay labada koox ee ugu caansan dalkaasi Spain ee Barcelona iyo Real Madrid loona yaqaano El Clasico ayaa ku dhamaaday guul uu horseeday laacibka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic ka dib markii ay 1 iyo 0 ku badisay kooxda Barcelona.

Ciyaartii xalay oo aheyd mid  xiiso badan islmarkaana isku dheeli tirneyd marka loo ego labada gelin ee ciyaarta ayaa qeybtii hore waxa ay ku dhamaatay bar bar dhac goolal la’aan ah, waxaana waxooga fursado badan helay kooxda Real Madrid oo ka fiicneyd sanadkii hore markaasoo looga badiyay nus dersan goolal ah.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Spain e Barcelona ayaa sameysay bedel muhim ahaa ka dib markii ay soo geliyeen Zlatan Ibrahamovic oo lagu bedelay Henry, waxaana durbadii uu soo galay uu ciyaaryahankii hore ee Inter uu cadeeyay inuu gool la fadhiyay keydka waxaana kubad uu soo dhigay daafaca kooxda Barcelona ee Danial Alves uu Ibra sii dabamariyay gool haye Casilas.

Qadar daqiiqada ka dib markii uu goolku dhashay ayaa Barcelona waxay noqdeen 10 ruux ka dib markii uu calaamadii labaad ee hurdiga uu qaatay Sergio Busquets oo qadka dhexe uga ciyaara Barcelona, lakiinse Real kama faa’ideysan fursadii ay heleen ee ah 10 ka nine ee Barcelona, waxaana la bedelay Ronaldo oo u muuqday mid dhaq dhaqaaq muujinayay inkastoo hadana uu san aheyn mid xalaadiisa caafimaad ah ay aheyd 100% waana sababta loo bedelay.

Qeybihii ugu danbeeyay ee ciyaarta ayaa waxaa caalamada gaduudka isagan qaatay Lassana Diara oo Real Madrid u ciyaara waxaana taas ay mugdi sii gelisay rajadii Madrid inkastoo Madrid ay cuneen fursado goolal loo filan karay.

Tababaraha kooxda Real Madrid oo maalmahanba la dhaleeceynayay ayaa sheegay in kooxdiisa ay u qalantay inay barbareyso Barcelona waxaana fekerkaas la wadaaga kabtanka kooxdaasi Iker Casilas oo isagu qaba in nasiibku uu ka weekday habeenkii xalay ahaa.

Barcelona lafteeda ma aysan ciyaarin kubadii lagu yaqiinay waxaana taasi qaba ciyaaryahanka kubad sameeyaha ah ee Xavi oo isagu sheegay inaysan xalay ciyaarin kubadii lagu yaqiinay oo u badneyd weerar, lakiinse Barcelona ayaa guushani qiimo weyn ay ugu fadhisaa waa marka hore waxay dib ula wareegtay hogaanka kala horeynta oo ay haatan iyadu hogaamineyso, tan labaadna waxay u noqoneysaa soo noqosho cusub ka dib dhowr ciyaar oo ay barbaro galeen inkastoo weli aan laga badin intii uu horyaalkani bilowday.

Dhinaca Ingariiskana waxaa weli hogaanka sii heysay Chelsea oo sanadkani dad badan ay leeyihiin waa sanadkii The Blues ka dib markii kulanka derby ga ahaa ee ay la ciyaareen kooxda Arsenal ay kaga badiyeen 3 iyo 0 waxaana goolasha u dhaliyay labo ka mid ah laacibka Afrika Drogba iyadoo goolka kalena uu iska dhaliyay daafaca Arsenal.

Guushaasi Chelsea waxa ay dhigeysaa mid hogaan sii heysata waxaana ku soo xigta Manchester United oo iyadu 4 iyo 1 habeen hore kaga badisay kooxda Portsmouth, Tottenham ayaa kaalinta sedeexaad ku jirta iyadoo habeen hore bar bar dhac 1 iyo 1 ah la gashay kooxda Astonvilla , Kooxda Liverpool oo waayadan iska heystay dhibaato xaga guusha iyo dhaawac tiro badan oo ay qabeen ayaa xalay si nasiib ah ugu guuleystay kulankii derby ga ahaa ee ay wada ciyaareen koxda ay isku magaalada yihiin ee Everton.

Ciyaryahan Yabo oo daafaca ugu ciyaara kooxda Everton ayay xalay u aheyd habeen ka mid habeenadii ugu xumaa ee soo mara dib markii uu kama gool iska dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta qebtii danbe ee ciyaartana Everton waxaa laga dhaliyay goolkii labaad ka dib kubad uu lugta la gafay Yabo uu Gerrad u helay una baasay Reira ka dibna darbo xoogan uu tuuray goolhayaha kubad ka soo laabatay uu dhaliyay Kuyt taasoo Liverpool siisay guusha waxaana ay haatan ku jiraa Kaalinta 7aad.

Dhinaca Talyaaniga haadanu eegnana Inter ayaa la moodaa inay sii carbuunatay horyaalka Talyaaniga ka dib guul ay xalay ka gaartay kooxda Fiorentina iyadoo ay kaga badiyeen gool iyo waxba goolkaasoo ahaa rigoore uu na dhaliyay Deigo Milito lakiinse aaqrirkii ciyaarta ayaa waxaa gool aan laga filaneyn inuu qasaariyo waxaa cunay Eto oo kubad ku helay isaga iyo gool hayaha kaliya.

Inter haatan waxa ku heysaa hogaanka 7 dhibcood ka dib markii ku soo xigtay ee Juventus looga badiyay 2 iyo 0 oo ay ku tuntay kooxda Caigliari Waxa ay hada Juve ka dhacday kalainta sedexaad ka dibmarkii Milan ay soo gashay oo iyadu xalay kaga adkaatay kooxda Catania 2 iyo 0 waxaana goolasha u dhaliyay Huntlear oo isagu dhaliyay labada goolba daqiiqadii 90aad iyo wixii ka danbeeyay

Leave a Reply