Saraakiisha dabagalka magaalada Toronto ee dalka Canada, ayaa bilaabay war doon ku saabsan dhalinyaro Soomaali ah oo qoysaskoodu muddo todobaadyo ah la’yihiin meel ay ku dambeeyay, iyadoo qaarkooda ugu war dambaysay dalka Kenya iyagoo sii maraya.
Sarkaal ka tirsan dabagalka, ayaa dhowaan su’aalo waydiiyay qoys Soomaaliyeed oo sheegay in wiilkooda ay waayeen kadib markii uu tagay dalka Kenya.
Naasir Cabdi Baalle, oo ka mid golaha Somali Canadian National Council, madaxna u ah guddiga waayeelka iyo waxgaradka magaalada Toronto, ayaa in aysan ka war haynin dhalinyaradaas meel ay aaden iyo halka ay ku sugan yihiin.
Waxaa uu Naasir sheegay in aan si rasmi ah loo ogayn halka dhalinyaradu qabatay, balse laga shaki qabo in ay yeeleen si la mid ah kuwii laga waayay Miniapolis.
Mid ka mid ah wiilasha ayuu sheegay in ay ugu war dambaysay isagoo hooyadii soo korisay uu geeyay dalka Kenya.
In ka badan 20 dhalinyaro somali ah ayaa laga waayay aqaladooda oo ku yaala Miniapolis kuwaas oo qaarkood ku dhintay dagaalada ka socda somaliya iyagoo ka barbar dagaalamaya kooxda mayalka adag ee shabaab, mid ka mid ah dhalinyaradaas ayaa ka mid ahaa rag qaraxyo ka fuliyay magaalada Hargeysa 29 octobar 2008.
Qoysaska ku nool Canada ayaa hadda soo wajahay welwel, hal qoys oo kaliya ayaa waxaa ka maqan labo wiil sida uu sheegay aabahooda.





