Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdishu ku soo bandhigtay lacag ay sheegtay inay been abuur tahay oo gaaraysa hal milyan oo dollarka Maraykanka ah.
Lacagtan oo dowladdu ay sheegtay in lagu qabtay garoonka dayuuradaha ee Muqdisho ayaa la sheegay inay ku socotay magaalada Hargeysa.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in la doonayay in xasillooni darro looga abuuro Somaliland.
Dowladdu waxay ku eedaysay kooxaha islaamiga inay ka dambeeyeen soo gelinta lacagtan, gaar ahaan kooxda shabaab ee u adeegta al qaacida.





