Tababaraha kooxda Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa la ganaaxay ilaa iyo afar kulan uusan macalin u noqon doonin kooxda Manchester ciyaaraha horyaalka inagriiska isagaa sidoo kalena la dul dhigay ganaax lacageed oo gaaraya 20 kun oo ginni.
Ganaaxa tababrahan ka mid ah tababarayaasha ugu guulaha badan dalkaasi Ingariiska ayaa la ganaaxay ka dib hadalo uu saxaafada ku weeraray garsooraaal ingariiska oo dhex dhexaadinaayy ciyaarihii ay Manchester ciyaartay ee u danbeeyay.
Lakiin dacwada ay FA xiriirka inagariisku qaadeen ayaaa waxaa aheyd mid ku saabsan hadaaladii uu ka sheegay garsoorihii dhex dhexaadinayay ciyaartii Sunderland iyo Manchester ee ku dhamaatay 2 iyo2 isagoo garsoore Welley ku eedeeyay inuusan u qalmin garsoore xiriirkana uu talaabo ka qaado.
Ganaaxa ku dhacay tababarahan rug cadaaga ah ayaa waxa uu yahay mid labo kulan uu san tababare u noqon doonin kooxda Manchester ciyaaraha soo socda iyo labo kulan oo uusan garsooee noqon doonin dhaamaad xilli ciyaareedka soo socda 2010-2011
Waxaa sidoo kale xiriirka kubada cagta inagriisku uga digay Ferguson inuu hadalaadaas ku hadlo islamarkaana dabcigiisa uu hagajiyo, arintan ayaa ku soo beegmeysa xilli Fergusen lagu tilmaamayo inuu yahay tababare dabeecad xun, iyadoo goor sii horeysayna uu ciyaaryahan Nani uu ku eedeeyay Fergusen inuu yahay balanta aan oofinin islamarkaana ciyaartoyda ku qeyliya mararka qaarkoodana aflagaadeeyo.
Nani oo u waramayay wargeys ka soo baxa dalka Portugal oo la yiraahdo “I”ayaa u sheegay in dhibaatada canaantu ay inta badan ku dhacdo Giggs iyo Neville mararka qaarna uu ku hadlo hadalo aan anshax aheyn, tasoo loo aneyn karo sababihii ay garoonka Old Trafford isaga tageen ciyaartoyda kala ah David Beckham, Roy Keane iyo Jaap Stam.
Ciyaaraha kalena Liverpool ayaa ku jirta xaaladihii ugu xumaa iyadoo dhaawac aad u tiro badan uu kooxdasi hareeyay, Fernanado Torres ayaa kooxdaasi ka maqnaandoona ilaa muddo seddex todobaad ah sida uu tabaraha kooxdaasi shegay, Benayoun iyo Reira ayaa iyagan labo todobaad maqnaan doona, Agger ayaa weli dhaawac isna ah waxaan kulanka soo aadan ee wada ciyaari doonaan kooxda Manchester City.





