John Terry kubad uu madax ku dhaliyay ayaa waxa ay Chelsea siisay inay ka badiso kooxda ay xafiiltanka ka dhaxeeyso ee Manchester United taasoo u sahashay inay sii adkeyso hogaanka horyaalka Inagriiska, ciyaartii xalay oo aheyd mid aad adag aheydna mid uu ka muuqday xafiiltan sarre.
Chelsea ayaa shan dhibcood ku hogaamineysa horyaalka Ingariiska, iyadoo kaalinta labaad ay soo gashay kooxda Arsenal oo iyadu 4 iyo 1 kaga badisay kooxda Wolverhampton , waxaana goolasha u kala dhaliyay laacibiinta kala ah Febregas iyo Arshavin labadana gool kalena waxaa iska dhaliyay daafacyada kooxda Wolverhampton.
Kooxda Manchester ayaa kalinta sedaxaad ku jira oo ay Arsenal isla leeyihiin 25 dhibcood lakiin Arsenal ayaa ka goolal badan, waxaa guul darrada xalay ay ku tahay dhabar jab xoog leh iyadoo hami ka qabtay inay hogaanka u qabato lakiin guul darada ku dhacday xalay ayaa ah mid sii adkeyneysa rajadooda inkastoo horyaalka weli uusan faro ka qodneyn.
Liverpool iyadoo xaalkeeda alow sahal yahay ayaa caawa waxa ay la ciyaari doontaa kooxda Birmingham city, Fernando Torres ayaa ciyaari doona isagoo weli xanuunsan, wuxuuna ka dhega adeegay digniintii ka timid dhaqtarka dalka Spian oo aheyd inuu nasto 3 todobaad lakiin wuxuu ku adkeystay inuu ciyaaro, Aquillani oo talyaani ah ayaa kulankiisii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool u ciyaari doona kulanka caawa ee Anfield ka dhici doona.
Kulamada kale ee horyaalka Ingariiska waxa ay u dhaceen sida tan:
Astonvila 5 iyo 1 ayay ku garaacday kooxda Bolton, Blackburn 3 iyo 1 ayay ku garaacday kooxda Portsmouth, Manchester City iyo Burnley waxay ku kala baxeen bar baro 3 iyo 3 ah, Tottenham ayaa 2 iyo 0 kaga badisay kooxda Sunderland, Hull city oo xaalka ku xumaa waxa ay 2 iyo 1 kaga badisay kooxda Stoke City, West Ham ayaa guul daro ku dhacday kulankii ay la yeesheen kooxda Everton oo ay 2 iyo 1 kaga adkaadeen, Wigan Iyo Fulham bar baro 1 iyo 1 ah ayay ku kala baxeen.
Dhinaca horyaalka Spain waxaa weli hogaanka u heysa kooxda Barcelona oo iyadu kulankeedii Malorca kaga badisay 4 iyo 2, waxaa labo gool u dhaliyay ciyaaryahan Rodriguez, Henry iyo rigoore uu dhaliyay ciyaaryahan Messi, Kooxda Real Madrid ayaa weli hal dhibic lagu hogaaminaya iyadoona 3 iyo 2 kaga badisay kooxda Atletico Madrid , kaka, Marcelo iyo Higuin ayaa goolasha u kala saxiixay.
Dhinaca horyaalka Talyaaniga Juventus ayaa si xoogan boorka isaga jaftay ka dib markii ay 5 iyo 2 kaga adkaatay kooxda Atlanta, Comeronesi ayaa 2 gool u dhaliayy, goolasha kalena waxaa kala dhaliyay Filip Melo, Diego iyo David Treguet. Ac Milan waxa ay 2 iyo 1 kaga adkaatay kooxda Lazio, Interna waxay bar baro ku kala baxeen kooxda Roma golal 1 iyo 1.Inter ayaa weli hogaan u heysa, Juventus ayaa ku xigta Mlilana kaalita seddexaad ayay ku jirtaaa





