Waxaa maanta dib loo furay wadooyin muhiim ah oo ay horay u xireen Ciidamada AMISOM ee ku sugan Muqdisho, kadib markii qaraxyo lala beegsaday Ciidamada AMISOM ay u xirmeen wadooyinkaasi.
Ciidamada AMISOM ayaa wadooyinkasi waxa ay xireen Markii qaraxyo lala beegsaday, waxayna wadooyinka maanta ay yihiin kuwo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ka mid ah waddooyinkaas la furay midda Isgoyska KM-4.
Gaadiidka iyo dadka ayaa mari jiray hal waddo oo ay ogolaadeen ciidamada AMISOM waxaana saakay la arkayay iyagoo maraya dhanka kale ee waddada, waxaana halkaas ku sugnaa ciidamo Booliis ah oo la sheegaya kuwa AMISOM eek u sugan wadadaasi
Dhanka kale waxa iyana manta la furay jidka hormara garoonka diyaaradaha Muqdisho, taasoo iyadana dib loo furay maanta , waxaana halkaas saakay isticmaalayay gaadiidka iyo dadweynaha, gaar ahaan kuwa ka shaqeeya Madiina





