Qeeybaha| Wararka

Dagaal ka socda duleedka magaalada B/weyne

Posted on 04 November 2009 by dadweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ayaa sheegaya in dagaal hubka noocyadiisa kala duwan la isku adeegsanayo uu goor dhaw oo saaka ka bilawday degaanka loo yaqaano buurta Jante kundishe halkaas oo fariisan ku lahaayeen Ciidamada Dowladda.

Maleeshiyaadka Xisbul Islaam ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday buurta Jante kundishe oo saldhig u ah Ciidamada Dowladda kadibna waxaa bilawday dagaal toos ah.

Lama oga ilaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay dagaalka maadama uu bilaw yahay oo labada dhinac mid walba uu ku howlan yahay arrimaha dagaalka uusana jirin mid saxaafadda la hadlay.

Magaalada B/weyne ayaa laga dareemay dagaalka iyadoo la xiray goobaha ganacsiga.

Leave a Reply