Keeydka | November, 2009

Ciidamo ka socda dalalka Bariga Afrika dhoolatus ciidan uga socda dalka Jabuuti

Posted on 30 November 2009 by dadweyne

Ciidamo loogu talgalay inay ka shaqeeyaan amaanka Bariga Afrika oo laga soo ururiyay dhowr dalal oo gobolka ku yaala ayaa waxaa dalka Jabuuti uga bilowday carbis socon doona muddo hal todobaad ku dhow maalintii shalay ahayd.

Xaflad loo sameeyay furitaanka cabiskan oo ka dhacaya deegaanka Holol ee koonfurta dalka Jabuuti ayaa waxaa ka qaybgalay xubno sarsare oo ka socda dalalka bariga Afrika, waxayna u jeediyeen askartaa hadalo guubaabo u badan.

“Ciidamadan waxay noqon doonaan kuwo ka shaqeeya amaanka guud ee Bariga Afrika, tiradoodana waa la kordhin doonaa, balse intan waa intii ugu horeysay oo carbis loo furo tan iyo markii Iskaashigan ciidan ay dalalka Gobolku ku heshiiyeen” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Jabuuti Dileyti Max’ed Dileyti.

Waxaa xaflada goobjoog ka ahaa Taliyaha guud ee ciidamadan oo u dhashay dalka Jabuuti laguna magacaabo Gen. Cusmaan Nuur Subagle, waxaana sidoo kale goobjoog ka ahaa Wasiirka Difaaca dalka Jabuuti Hurre Kifle Axmed iyo Taliyaha Difaaca Qaranka Zakariye Sheekh Ibraahim.

Ciidamadan oo tiradoodu tahay 3,000-askari ayaa ka socda dalal ay ka mid yihiin Somalia, Sychillis, Commoros, Tanzania, Uganda, Ethiopia, Jabuuti iyo Burundi, waxaana dhoolatuskoodan uu la mid noqon doonaa mid sax ah sida uu sheegay taliyahooda.

Dalka Somalia ayaa lagu wadaa inay ciidamadan qaab howleed sugida amaanka ah u tagaan, maadaama ay qayb ka tahay isbahaysigan, uuna ka jiro qalalaase soo jiray 18-kii sano ee uu dalka ka jirtay Qaran-jabka.

Comments (0)

Barcelona,Inter iyo Chelsea oo sii adkeeyay hoggaankooda

Posted on 30 November 2009 by dadweyne

Kulankii xiisaha badnaa ee maalaayiin ruux oo caalamka ku nool ay sugayeen ee dhexmarayay labada koox ee ugu caansan dalkaasi Spain ee Barcelona iyo Real Madrid loona yaqaano El Clasico ayaa ku dhamaaday guul uu horseeday laacibka reer Sweden Zlatan Ibrahimovic ka dib markii ay 1 iyo 0 ku badisay kooxda Barcelona.

Ciyaartii xalay oo aheyd mid  xiiso badan islmarkaana isku dheeli tirneyd marka loo ego labada gelin ee ciyaarta ayaa qeybtii hore waxa ay ku dhamaatay bar bar dhac goolal la’aan ah, waxaana waxooga fursado badan helay kooxda Real Madrid oo ka fiicneyd sanadkii hore markaasoo looga badiyay nus dersan goolal ah.

Kooxda difaacaneysa horyaalka Spain e Barcelona ayaa sameysay bedel muhim ahaa ka dib markii ay soo geliyeen Zlatan Ibrahamovic oo lagu bedelay Henry, waxaana durbadii uu soo galay uu ciyaaryahankii hore ee Inter uu cadeeyay inuu gool la fadhiyay keydka waxaana kubad uu soo dhigay daafaca kooxda Barcelona ee Danial Alves uu Ibra sii dabamariyay gool haye Casilas.

Qadar daqiiqada ka dib markii uu goolku dhashay ayaa Barcelona waxay noqdeen 10 ruux ka dib markii uu calaamadii labaad ee hurdiga uu qaatay Sergio Busquets oo qadka dhexe uga ciyaara Barcelona, lakiinse Real kama faa’ideysan fursadii ay heleen ee ah 10 ka nine ee Barcelona, waxaana la bedelay Ronaldo oo u muuqday mid dhaq dhaqaaq muujinayay inkastoo hadana uu san aheyn mid xalaadiisa caafimaad ah ay aheyd 100% waana sababta loo bedelay.

Qeybihii ugu danbeeyay ee ciyaarta ayaa waxaa caalamada gaduudka isagan qaatay Lassana Diara oo Real Madrid u ciyaara waxaana taas ay mugdi sii gelisay rajadii Madrid inkastoo Madrid ay cuneen fursado goolal loo filan karay.

Tababaraha kooxda Real Madrid oo maalmahanba la dhaleeceynayay ayaa sheegay in kooxdiisa ay u qalantay inay barbareyso Barcelona waxaana fekerkaas la wadaaga kabtanka kooxdaasi Iker Casilas oo isagu qaba in nasiibku uu ka weekday habeenkii xalay ahaa.

Barcelona lafteeda ma aysan ciyaarin kubadii lagu yaqiinay waxaana taasi qaba ciyaaryahanka kubad sameeyaha ah ee Xavi oo isagu sheegay inaysan xalay ciyaarin kubadii lagu yaqiinay oo u badneyd weerar, lakiinse Barcelona ayaa guushani qiimo weyn ay ugu fadhisaa waa marka hore waxay dib ula wareegtay hogaanka kala horeynta oo ay haatan iyadu hogaamineyso, tan labaadna waxay u noqoneysaa soo noqosho cusub ka dib dhowr ciyaar oo ay barbaro galeen inkastoo weli aan laga badin intii uu horyaalkani bilowday.

Dhinaca Ingariiskana waxaa weli hogaanka sii heysay Chelsea oo sanadkani dad badan ay leeyihiin waa sanadkii The Blues ka dib markii kulanka derby ga ahaa ee ay la ciyaareen kooxda Arsenal ay kaga badiyeen 3 iyo 0 waxaana goolasha u dhaliyay labo ka mid ah laacibka Afrika Drogba iyadoo goolka kalena uu iska dhaliyay daafaca Arsenal.

Guushaasi Chelsea waxa ay dhigeysaa mid hogaan sii heysata waxaana ku soo xigta Manchester United oo iyadu 4 iyo 1 habeen hore kaga badisay kooxda Portsmouth, Tottenham ayaa kaalinta sedeexaad ku jirta iyadoo habeen hore bar bar dhac 1 iyo 1 ah la gashay kooxda Astonvilla , Kooxda Liverpool oo waayadan iska heystay dhibaato xaga guusha iyo dhaawac tiro badan oo ay qabeen ayaa xalay si nasiib ah ugu guuleystay kulankii derby ga ahaa ee ay wada ciyaareen koxda ay isku magaalada yihiin ee Everton.

Ciyaryahan Yabo oo daafaca ugu ciyaara kooxda Everton ayay xalay u aheyd habeen ka mid habeenadii ugu xumaa ee soo mara dib markii uu kama gool iska dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta qebtii danbe ee ciyaartana Everton waxaa laga dhaliyay goolkii labaad ka dib kubad uu lugta la gafay Yabo uu Gerrad u helay una baasay Reira ka dibna darbo xoogan uu tuuray goolhayaha kubad ka soo laabatay uu dhaliyay Kuyt taasoo Liverpool siisay guusha waxaana ay haatan ku jiraa Kaalinta 7aad.

Dhinaca Talyaaniga haadanu eegnana Inter ayaa la moodaa inay sii carbuunatay horyaalka Talyaaniga ka dib guul ay xalay ka gaartay kooxda Fiorentina iyadoo ay kaga badiyeen gool iyo waxba goolkaasoo ahaa rigoore uu na dhaliyay Deigo Milito lakiinse aaqrirkii ciyaarta ayaa waxaa gool aan laga filaneyn inuu qasaariyo waxaa cunay Eto oo kubad ku helay isaga iyo gool hayaha kaliya.

Inter haatan waxa ku heysaa hogaanka 7 dhibcood ka dib markii ku soo xigtay ee Juventus looga badiyay 2 iyo 0 oo ay ku tuntay kooxda Caigliari Waxa ay hada Juve ka dhacday kalainta sedexaad ka dibmarkii Milan ay soo gashay oo iyadu xalay kaga adkaatay kooxda Catania 2 iyo 0 waxaana goolasha u dhaliyay Huntlear oo isagu dhaliyay labada goolba daqiiqadii 90aad iyo wixii ka danbeeyay

Comments (0)

Dagaalo goos goos ah ayaa laga soo sheegaya Waqooyiga Magaalada Muqdisho

Posted on 30 November 2009 by dadweyne

Xiisado ayaa saaka ka jira qeybo ka mid ah Waqooyiga Muqdisho, halkaasoo bilihii u dambeeyay aheyd furun dagaal, waxaana saaka ka dhacay dagaalo goos goos ah oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga Hubeysan.

Dagaaladan oo daba socday duqeymo aan sidaa u buurneyn ayaa ka dhacay Degmooyinka Shibis, C/casiis iyo Boondheere waxaana dadka fara ku tiriska ee ku dhaqan xaafadahaas la soo darsay cabsi hor leh.

Ciidamada Dowladda oo aagag kaga jira qeybaha Waqooyiga ayaa saaka la sheegay in ay soo weerareen Xoogaga ka soo horjeeda, waxaana dhex maray dagaal kooban.

Wararka ayaa sheegaya in wali rasaas goos goos ah ay ka socoto qeybaha ay isku hor fadhiyaan, waxayna xaalada u muuqataa mid kacsan.

Dagaalada u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Xoogaga ka soo horjeeda ayaa mudooyinkii u dambeeyay ahaa mid taagan, iyadoo qeybaha Waqooyi ay marti u noqdeen dagaalada soo noq noqda ee dhex mara labada dhinac

Comments (0)

Faroole oo Magacabay Lataliyaha dhinaca Warfaafinta

Posted on 29 November 2009 by dadweyne

Warqad Digreeto ah oo ka soo baxday Xafiiska Madaxawayanaha Dowladda Puntland ee C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa uu magacaabay La-taliyaha Madaxayanaha ee Arrimaha Saxaafada iyo La-taliyaha Madaxawaynaha ee Hidaha iyo Dhaqanka.

Kaddib markii uu Madaxyanaha Dowladda Puntland arkay Dastuurka, islamarkaana uu xeeriyay waxa uu Madaxawaynuhu u magacaabay  La-taliyaha Madaxwaynaha ee Hidaha iyo Dhaqanka Xasan Xaaji Maxamed (Xasan Guul-Wade) oo warqada lagu magacaabay uu Tirsigeedu ahaa lamberka 98-daad.

Madaxwayanuhu waxa kaloo uu u magacaabay La-taliyaha Madaxayanaha ee Arrimaha Saxaafada  Maxamed C/raxmaan Maxamed oo ay isna warqada lagu magacaabay Tirsigeedu ahaa lamberka 99-aad.

Digreetadan uu maanta Madaxwaynuhu ku magcaabay labadan Masuul ayaa waxa ay dhaqan galaysay marka uu saxiixo Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole maanta oo Axada oo ay Taariikhdu ku beegnayd 29/11/09.

Waxa uuna Madaxwaynuhu Islamarahaantiiba ku duugay qalinka warqadii Digreetada ahayd markii ay ka soo baxday Xafiiskiisa sidaas ayayna ku dhaqangashay Digreetadu sida uu sheegay Madaxwaynuhu.

Magacaabistan uu Madaxwayne C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole uu ku magcaabay labadan masuul xilalka kala gadisan ayaa imanaysa, kaddib markii uu dhawaan ku magacaabay Digreeto Gudoomiyaha Gobolka Karkaar oo uu u magcaabay C/quraan Maxamed Aadan. .

Maxamed Cali Royter

Comments (0)

Jen Cadde Muuse” Ciidamada Puntland waxay ku biireen Burcad Badeeda”

Posted on 29 November 2009 by dadweyne

Madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Cadde Muuse Xirsi ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka Puntland ay noqdeen Burcad badeeda ka qowleysata Xeebaha Soomaaliya iyo kuwa gacanka cadmeed.

Gen. Cadde Muuse ayaa sheegay in ilaa shan boqol oo ka mid ahaa Ciidamadii Ammaanka Puntland ay ku biireen Burcad badeedka, waxaana uu sheegay in hada ay socoto howlo la isku diiwaan gelinayo.

“Waxaan xaqiijinayaa in Ciidamadii Ammaanka ay intooda badan ay Burcad badeed noqdeen, marka ammaankii laga sugayay sidaas bey ku cidleeyeen”ayuu yiri Cadde Muuse oo rajo xumo ka muujiyay xaalada xilligan ee Puntland.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta Puntland ayuu Cadde Muuse sheegay in falalka dilalka iyo ammaan darada ku soo kordhay magaalooyinka waa weyn ee Puntland ay yihiin kuwo ay ka dambeeyaan arrin qabiil.

“Aniga ma aaminsani in dilalka ka dhacaya Boosaaso, Galkacyo, Garowe iyo Qardho, in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabab iyo Xisbul Islaam, dadka u dhashay Puntland ayaa ka dambeeyay oo waliba si qabiil dadka u leynaya”ayuu yiri Cadde Muuse oo intaa ku daray in aan laga been sheegin xaqiiqda.

Mr Cadde Muuse ayaa ku faanay in xilligii uu maamulayay Puntland uu la dagaalamay Burcad badeedka, isla markaana uu in badan Xabsiga dhigay, waxaase uu Maamulka hada jira ku eedeeyay in ay sii korinayaan Burcad badeeda.

Si kastaba ha ahaatee Waa mas’uulkii u horeeyay ee qira in Puntland si toos ugu lug leedahay falalka burcad badeednimada ee afduubka sharci darada u geysata Maraakiibta shisheeye, kuwaasoo ka qaata lacago fara badan

Comments (0)

Sh Xasan Dahir Aweys oo ka cawday Al Shabaab

Posted on 28 November 2009 by dadweyne

Xasan Dahir Aweys oo ah Hoggaamiyaha maleeshiyada Xisbul Islaam ayaa si cad ugu eedeeyay maleeshiyada shabaab in ay ka mas’uul yihiin dagaalada ka socda jubbooyinka.

Aweys ayaa si la ciif ah u yiri dagaalka anaga ma wadno,waxaa ka mas’uul ah Shabaab, wax kasto oo xal lagu gaari lahaa waxaa diiday kooxda shabaab.

“Marna ma ogolaanayno in dagaal la sii wado dagaalkaas oo u dhaxeeya shabaab iyo Xisbul Islaam”ayuu yiri Xasan Dahir oo sheegay in ay xaaladda ay fogeeyan kooxda shabaab.

Maleeshiyaadka shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ku dagaalamaya gobolada jubbooyinka iyadoo sidoo kalena deegaano kale isku hor fadhiyaan labada dhinaca.

Comments (0)

Somali health sector underfunded: WHO

Posted on 27 November 2009 by dadweyne

A senior WHO official warned Friday that the health sector in Somalia was not receiving the funding needed, even though almost one in four Somali children under five is suffering from acute malnutrition.

 

“The health sector is completely underfunded,” said Eric Laroche, who is WHO assistant director general of the cluster on health action in crises.

“This year is probably of all the 18 last years of humanitarian crises the worst year and for the time being in health, it’s the worst funded for all the activities. This is not normal at all,” he added.

Somalia has one of the worst child and maternal health in the world, with a under five mortality rate of 142 per 1,000 children, according to WHO data.

 

Maternal mortality is also “extremely high,” said the WHO, as 1,400 mothers die in every 100,000 births.

Some 39 million dollars is required to fund the health sector in Somalia, but almost a month before the end of the year, only 37 percent of the sum has been received, said Laroche.

In 2008, 55 million dollars in funding was sought, and 44 percent covered.

The humanitarian situation in Somalia has deteriorated sharply in 2009 amid fighting in Mogadishu and other parts of south-central Somali.

Some 3.64 million people across the country are in need of aid relief, and 1.55 million have been displaced, according to the WHO

Comments (0)

Jangeli”Cid iibin karta ma jirto Hantida Qaranka, Kenya iyada ayaa Mas’uul ka ah”

Posted on 26 November 2009 by dadweyne

Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa dowladda Kenya waxaa ay ku eedeysay in ay ku fashalintay ilaalinta hantida qaranka Soomaaliyeed ee kuyaala dalkaasi Kenya.

Wasiirka arimaha dibadd dowladda KMG ee Soomaaliya Cali Jaamac Jangale ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in ay ku fashilantay ilaalinta hantida qaranka Soomaaliya ee dalka Kenya.

 

Eedeyntaan uu wasiirka arimaha dibadda dowladda KMG uu u soo jeediyay dowladda Kenya ayaa timid kadib markii labo qofood oo lagu kala magacaabo Sulaymaan Raxmatulaahi Oomar  iyo Sariina Sulaymaan Raxmatulaahi la sheegay in lacag dhan 28.5 milyan ay ku iibsadeen dhismaha Safaaradda Soomaaliya ay ku laheyd Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

 

Wasiirka arimaha dibadda dowladda KMG ayaa beeniyay in hanaanka kala iibsiga ay ka warheysay dowladda KMG ee Soomaaliya sida ay sheegteen dadka ku doodaya iibsiga dhulkaasi.

 

Waxaa uu isweydiiyay sababta loo dacweyn waayay Salmaan oo magangalyo siyaasadeed ku heysta dalka Britian islamarkaana loo sii xiro waayo iyadoo lala xariirinayo arinta lagu eedeeyay.

 

Wasiirka waxaa kaloo sheegay in labo sarkaal ay waxyeelo soo gaarsiiyeen dadka sheegtay in ay iibsadeen dhismaha Safaaradda isagoo intaasi ku daray in ay tahay Sharci daro in la iibsadaan dhul ay dowladdi leedahay.

Comments (0)

Wariyayaashii u dhashay Canada iyo Australia ee Soomaaliya ku afduubnaa oo la sii daayay

Posted on 25 November 2009 by dadweyne

Waxaa la sii daayay oo xoriyaddoodii dib u helay  Amanda Lindhout oo Canada u dhalatay iyo Nigel Brennan oo Australia u dashay oo muddo sanad ka badan ku af-duubnaa Soomaaliya.

Sii deynta labadan wariye ayaa waxaa ka qeybqaatay Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Axmed Diiriye Maxamed iyo Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.

 

Xildhibaan Axmed Diiriye Maxamed ayaa xaqiijiyay in Amanda Lindhout iyo Nigel Brennan ay ka soo daayeen gacanta kooxihii af-duubtay, ayna ku jiraan iyagoo bed-qaba Hotelka Saxafi International ee Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa uu sheegay Xildhibaan Axmed Diiriye in ay labada wariye ka soo kaxeeyeen halka loo yaqaano Sar-kuusta oo u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, halkaasi oo uu sheegay in ay keeneen kooxihii af-duubka ku heystay.

 

Xildhibaanka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Gabadha Amanda Lindhout ay dhashay canug ay uurkiisa qaadday intii ay ku jirtay gacanta kooxihii af-duubtay, wuxuuna sheegay in uu warkaas yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn.

 

Ma sheegin Xildhibaanka wax madax furasho ah oo lagu sii daayay labadan wariye oo dowladahooda ay dhawaanahan dadaal ugu jiri sidii ay u sii deyn lahaayeen.

 

Amanda Lindhout iyo Nigel Brennan ayaa 23-kii Agoosto 2007waxaa laga af-duubtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, halkaasi oo ay u tageen in ay ka soo tebiyaan warar ku saabsan dad badan oo u barakacay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Comments (0)

Shabaabka oo digniin u diray WFP

Posted on 25 November 2009 by dadweyne

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa hay’adda WFP waxaa ay ku amreen in aysan raashin ka keenin meel ka baxsan dalka Soomaaliya iyo amaro kale kadib warsaxaafadeed ay soo saareen.

War ka soo baxay dablayda  Al Shabaab ayaa lagu sheegay Marka laga hadlayo howlaha ay qabato Hay’ada WFP in loo arkay inay wadanka ay kusoo daabulayso tiro aad u badan oo ah raashin bilaash ah gaar ahaan xilliyada ay beeruhu soo go’ayaan taas oo dhabar jab weyn ku ah beeraha iyo wax soosaarka Soomaaliya sida lagu sheegay war saxafadeedkaasi ka soo baxay Al Shabaab.

 

Sidoo kale waxay si weyn uga niyad jebisay shacabka Soomaaliyeed ganacsigii beeraha, iyadoo dhanka kalena jidgooyo u dhigatay in bulshadu isku filaansho gaarto baa lagu yiri war saxaafadeedka.

 

Sidaa daraadeed waxaa la go’aamiyay in Hay’ada WFP aysan dib dambe dalka u keenin raashin  ay ka keentay meel ka baxsan Soomaaliya ayaa lagu yiri warka ka soo baxay maleeshiyada  Al Shabaab hase ahaatee taasi badalkeedana ay raashinka ka iibsato beeraleyda Soomaalida ah si loogu qeybiyo dadka u baahan raashinkaas ee ku sugan gudaha Soomaaliya .

 

Dhamaan Ganacsatada Maxalliga ah ee qandaraas-ka kula jirta Hay’ada WFP waa inay soo afjaraan qandaraaskooda inta ka horeysa 1-da bisha Janaayo 2010 ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay al shabaab.

Comments (0)

AFP: Ex-Somali fighters tell why they abandonned jihad

Posted on 24 November 2009 by dadweyne

MOGADISHU — The gunfire outside does not disturb them as they speak, explaining what led them to leave behind their lives as Islamist fighters and defect to the side of Somalia’s weak transitional government.

One of them tells the AFP journalist interviewing him he would have killed him if they had met a month earlier.

“If I’d met you in the street, I wouldn’t have spared you,” Mohamed Sheikh Abdullahi said, only half smiling, his face distinct with finely chiselled features and penetrating dark eyes.

Their accounts provide a window into the world of the Shebab and Hezb al-Islam, the two Islamist groups fighting the government, and it’s clear why the Somali presidency has arranged the interviews with them.

Officials want to show the Islamist groups have weakened and lost the support of the population.
But the only thing it may demonstrate is just how ephemeral and complex allegiances are in this Horn of Africa country, embroiled in a virtually non-stop civil war since 1991.

The interview is conducted in a shady spot in the rocky gardens of Villa Somalia, the headquarters of the transitional government and where President Sharif Sheikh Ahmed spends his time holed up.

He is protected by Ugandan troops from AMISOM, the African peacekeeping force largely responsible for propping up his government.

As the interview is underway, automatic weapons fire can be heard in the distance. No one pays much attention as the sound is just normal background noise here.
Mohamed says he began fighting in 2006 “to kick out the Ethiopian invaders,” but defected a month ago, “disgusted by the false interpretations the Shebab give of Islam”.

“First I fought in the ranks of the Islamic Courts and that’s where I met the Shebab,” he said, referring to the Islamic Courts Union, which took charge of much of the country in 2006. “They were very good fighters.”

Based in the south of the country, he said he took part in all the major battles against pro-government forces in Mogadishu.

He says he met on several occasions the group’s presumed chief, the “Emir” Ahmed Abdi Godane. He also met numerous foreign volunteers who came to fight alongside the Shebab.

He remembers in particular two Americans, Abu Mansur al-Ameriki, made famous in Islamist propaganda videos on the Internet, and Farouk al-Assadi, whom he described as a “younger but better trained” fighter.

He estimated the number of these jihad fighters at around 400 and said the majority “come from sub-Saharan Africa if you exclude Somalis from the diaspora.”
The Shebab “have special units, who are trained separately in the greatest secrecy to commit assassinations and suicide attacks”.

According to Mohamed, such tactics were acceptable against the Ethiopians, but can no longer be justified. Ethiopia invaded the country for two years beginning in 2006 to end the advance by the Islamic Courts Union.

Everything Mohamed says is punctuated by quotes from the Koran and the fact that he wears his trousers rolled up above the ankle — Wahhabi style — is proof of his religious fervour.

Abderahman Shuke Abdi Adowe, the other ex-fighter, said he commanded 19 Hezb al-Islam fighters and a pick-up truck mounted with an anti-aircraft gun.
His eyes hidden behind dark glasses, Abderahman explains that two of his men were killed by Shebab.

“Our commanders said we couldn’t take revenge so we decided to join the government forces,” he said.

Before that, one of his family members, a Hezb al-Islam commander, was killed by the Shebab as punishment for having escorted a UN convoy.

“If you don’t want to fight anymore, there’s no point. That’s why I quit,” he said.
Neither man wants to mention which clan he belongs to, a crucial factor in Somalia.

Both claim that despite the risk of reprisals from the groups to which they used to belong, they want to fight the enemies of the government

Comments (0)

Ciidamada Dowladda KGM ah oo guulo waa weyn ka gaaray dagaalo ka socda Muqdisho

Posted on 24 November 2009 by dadweyne

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda KMG ah ay guulo waa weyn ka gaareen dagaaladii barqadii maanta ka bilawday Xaafadaha C/casiis iyo Shibis.

Ciidamada Dowladda ayaa dagaalkaas ku dilay ilaa iyo 20 maleeshiyada shabaab iyo Xisbul Islaam,iyagoo furtay hub iyo rasaas fara badan oo ay lahaayeen kooxahaas nabad diidka ah.

Sida ay sheegayan wararka ciidamada ayaa ku sii socda degaano ay horey ugu sugnaayen maleeshiyaadkaas u adeega argigixisada caalamiga ah.

Comments (0)

Bambaanooyin lagu weeraray Xarun ay shir ku lahaayeen Culumaa’udiinka Ahlu Sunah K/Galkacyo

Posted on 24 November 2009 by dadweyne

Kooxo hubeysan ayaa xalay weeraro kala duwan ku qaaday xarumaha Maamulka Galmudug ee koonfurta magaalada Gaalkacyo xilli xarun ay shir ku lahaayeen Culumaa’udiinka Ahlu Sunah ee gacanta ku haya Ammaanka K/Galkacyo.

Ilaa iyo sadex ruux oo rayid ah ayaa ku dhaawacantay weeraradaasi oo ah kuwo lagu fuliyey bambooyinka gacanta laga tuuro, waxaa intooda badan ay ahaayeen kuwo la fuliyey waqtiyo isku dhow.

Goobaha lagu weeraray bambooyinka ayaa waxaa ka mid ah hotelka Madiina, xarunta maamulka iyo xarunta madaxtooyda walow laba bam oo lagu tuuray xarunta madaxtooyada ay qarxi waayeen.

Saraakiisha maamulka Ahlu Sunah ee ku sugan koonfurta magaalada Gaalkacyo ayaa ku eedeeyey weeraradaasi in ay ka danbeeyaan Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab oo dagaalo kala dhaxeeyay.

Weerarkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee ka dhaca Koofurta Galkacyo, iyadoo qaraxyada maalmahan ay wehel u noqdeen deegaanada Puntland, gaar ahaan Waqooyiga Galkacyo

Comments (0)

Xasan Dahir Aweys oo ka hadlay dagaalada ka socda Jubbooyinka

Posted on 23 November 2009 by dadweyne

Hogaamiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa maanta sheegay in uu ka xunyahay dagaalada ka soo cusboonaaday gobolada Jubooyinka ee u dhaxeeya kooxdiisa iyo Shabaab

 

Aweys oo kula hadlayay garoonka diyaaradaha ee Cisileey ee duleedka magaalada Muqdisho Wariyaasha ayaa waxaa uu sheegay in uu aad uga xunyahay dagaalada ka soo cusboonaaday gobolada Jubooyinka.

 

Waxa uu sheegay Sheekh Xasan Daahir in la isku ogaa oo kaliya in la joojiyo dagaalada ka dhacaya qaybo kamid ah gobolada Jobooyinka hase ahaatee dagaalada haatan ka soo cusboonaaday halkaasi uu aad uga xunayahay.

 

“ Dagaalada ka dhacaya gobolada Jubooyinka dhowr jeer waan ka hadlnay,runtii aad baan uga xunahay dagaaladaas,dad aan mudnayn in ay dagaalamaan dagaalkooda  runtii waan ka xunahay,waxaan rabnaa in dagaalkaasi uu joogsado,wixii qalad ah oo jirana in Ilaahay SWTC Kitaabkiisa lagu xaliyo,waana isku ogayn Walaalaha Shabaabka”ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aways.

Comments (0)

Burcad Badeed Somali ah oo qabsaday Markab laga leeyahay dalka Greek

Posted on 23 November 2009 by dadweyne

Kenya, ayaa sheegtay in burcad badeed ay afduubtay markab ganacsi oo Greek-ga laga leeyahay.

Markabka ayaa la sheegay in laga afduubay meel ka baxsan xeebaha dalka Yemen.

Sarkaal ka tirsan adeega badaha, Andrew Mwangura ayaa sheegay in rag hubaysan ay qabsadeen markabka Khamiistii, balse warka ka soo baxayo uu gaabis ahaa.

Burcad badeeda Soomaalida, ayaa weeraro ku haya maraakiibta xeebaha ka baxsan bariga Africa inkastoo ay gobolka joogaan ciidamo ajnabi ah oo kormeera gobolka.

Wararka, ayaa sheegaya in kooxaha hubaysan ee burcad badeeda ay haystaan ugu yaraan 13 markab iyo in ka badan laba boqol oo shaqaalihii saarnaa ah.

Ku dhowaad labaatan kun oo markab ayaa marta gacanka cadmeed sanad walba

Comments (0)

New York-US: UNICEF seeks humanitarian support for Somali children

Posted on 22 November 2009 by dadweyne

The UN Children’s Fund (UNICEF) has urged the international community to step-up response to humanitarian crisis facing Somali children.

UNICEF Deputy Executive Director Hilde Johnson, who visited Somalia late last week, said the number of people affected by hunger and severe food insecurity doubled in the last year to more than 3.6 million, according to a statement from the UN agency Saturday

It said almost half of those affected are children, warning that without immediate funding, UNICEF will have to close many feeding centers for undernourished children.

“This is about making it possible for Somalia’s children to live and see the New Year,” Johnson said after the visit.

She also said it was a paradox that funding was not forthcoming when it is needed the most, amidst a bigger crisis than the country has seen in several years.

“When I asked the mothers in Somalia what is different this year, one of them said: `This is the worst year I can ever remember’,” Johnson said, adding that the agency needs US$10 million by the end of the year to provide essential life-saving programmes for the children and their families

Comments (0)

Shabaabka oo soo qalday dhalinyaro somali Canada ah

Posted on 22 November 2009 by dadweyne

Saraakiisha dabagalka magaalada Toronto ee dalka Canada, ayaa bilaabay war doon ku saabsan dhalinyaro Soomaali ah oo qoysaskoodu muddo todobaadyo ah la’yihiin meel ay ku dambeeyay, iyadoo qaarkooda ugu war dambaysay dalka Kenya iyagoo sii maraya.

Sarkaal ka tirsan dabagalka, ayaa dhowaan su’aalo waydiiyay qoys Soomaaliyeed oo sheegay in wiilkooda ay waayeen kadib markii uu tagay dalka Kenya.

Naasir Cabdi Baalle, oo ka mid golaha Somali Canadian National Council, madaxna u ah guddiga waayeelka iyo waxgaradka magaalada Toronto, ayaa in aysan ka war haynin dhalinyaradaas meel ay aaden iyo halka ay ku sugan yihiin.

Waxaa uu Naasir sheegay in aan si rasmi ah loo ogayn halka dhalinyaradu qabatay, balse laga shaki qabo in ay yeeleen si la mid ah kuwii laga waayay Miniapolis.

Mid ka mid ah wiilasha ayuu sheegay in ay ugu war dambaysay isagoo hooyadii soo korisay uu geeyay dalka Kenya.

In ka badan 20 dhalinyaro somali ah ayaa laga waayay aqaladooda oo ku yaala Miniapolis kuwaas oo qaarkood ku dhintay dagaalada ka socda somaliya iyagoo ka barbar dagaalamaya kooxda mayalka adag ee shabaab, mid ka mid ah dhalinyaradaas ayaa ka mid ahaa rag qaraxyo ka fuliyay magaalada Hargeysa 29 octobar 2008.

Qoysaska ku nool Canada ayaa hadda soo wajahay welwel, hal qoys oo kaliya ayaa waxaa ka maqan labo wiil sida uu sheegay aabahooda.

Comments (0)

Liverpool 2-2 Man City

Posted on 21 November 2009 by dadweyne

Cayaar kulul oo garoonka Liverpool ee Anfield ku dhexmartay labada kooxood ee Liverpool iyo Manchester City ayaa ku dhamaatay Liverpool 2-2 Man City.

Kooxda Liverpool ayaa waxa daqiiqaddii 50aad goolka koowaad u dhaliyay cayaaryahan Martin Skrtel.

Kooxda Manchester City waxaa goolka koowaad u dhaliyay daqiiqadii 69aad Emmanuel Adibayor.

Cayaartan ayaa ka tirsan horyaalka naadiyada England ee kubbadda cagta

Comments (0)

Dowladda KMG ah oo soo bandhigtay Lacag Dollar ah oo Shabaabka…

Posted on 21 November 2009 by dadweyne

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdishu ku soo bandhigtay lacag ay sheegtay inay been abuur tahay oo gaaraysa hal milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Lacagtan oo dowladdu ay sheegtay in lagu qabtay garoonka dayuuradaha ee Muqdisho ayaa la sheegay inay ku socotay magaalada Hargeysa.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in la doonayay in xasillooni darro looga abuuro Somaliland.

Dowladdu waxay ku eedaysay kooxaha islaamiga inay ka dambeeyeen soo gelinta lacagtan, gaar ahaan kooxda shabaab ee u adeegta al qaacida.

Comments (0)

Qeybdiid oo sheegay in Hay’adda UNDP ay aqbashay in ay dib u bilowdo bixinta mushaarooyinkii Ciidamada Booliska

Posted on 21 November 2009 by dadweyne

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa sheegay in Hay’adda UNDP ee Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta barnaamijyada ay aqbashay in ay bixiso mushaarooyinka Ciidamada booliska Soomaaliya, kuwaasi oo aysan ciidamadu helin muddo labo sano ku dhow.

Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in ay magaalada Nairobi kulan ku wada qaateen mas’uuliyiin ka tirsan Hay’adda UNDP, ugu dambeyntiina ay isku af-garteen in ay bixiyaan mushaarooyinka Ciidamada.

Waxaa uu sheegay Jen. Cabdi Qeybdiid in sidoo kale ay ogolaatay Hay’adda UNDP in ay tababarro u furto Ciidamada Booliska Soomaaliya, ayna mushaarooyinkooda bixiso.

“Kulamadii aan yeelannay Madaxda Hay’adda UNDP waxay ku soo dhamaaday jawi is-afgarad ah, waxayna hadda u taageeri doontaa Ciidamada Booliska sidii ay horay ugu taageeri jirtay”ayuu yiri Jen. Cabdi Qeybdiid.

Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay wax weyn qabteen, wuxuuse sheegay in ay u baahan yihiin kaalmo caalami si tayo u yeeshaan, waayo ayuu yiri Dowladda Soomaaliya ma heysato awood dhaqaale oo ay ciidamadeeda ku habeyso.

Dhanka kalena, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Jen. Cabdi Qeybdiid waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah  Ciidamada Booliska ay tababarro u aadi doonaan dalalka Kenya, Suudaan iyo Burundi, wuxuuna intaas ku daray in dhamaadka bishan ay dalka Talyaaniga tababar muddo kooban ah ugu diri doonaan 10 Sarkaal oo ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Comments (0)

Shabaab iyo Al qaacidda looma afduubanaan doono

Posted on 20 November 2009 by dadweyne

Hoggaamiyeyaasha Bulshada ku dhaqan Gobolka Banaadir ayaa ka dhawaajiyay inaan loo dul qaadin doonin dhaqmada foosha xun ee ay dalka la yimaadeen kooxda shabaab iyo calooshad u shaqeystayaasha ajanabiga ah ee ka tirsan Al qaacida.

Cabdulle Ibraahim Muumin oo ka mid ah odayaasha degaanka Xamar ayaa sheegay in aab loo afduubanaan doonin al qaacida iyo kooxda shabaab,wuxuuna sheegay in loola dagaalami doono sidii loola dagaalamay gumeystayaashii Afrika soo gumeystay.

 

:Ma aha in la fiirsado dhaqmada xun ee Shabaabka la yimaadeen dalka, maalin walba dad ayaa la dila haddana lama yaqaano kooxda wax dishay macquul ma aha, wadada kaliya inoo furan ayaa waxay tahay iyadoo loo dhinto dalka iyo dadka si loo helo xoriyad ballaaran:,yuu yiri Nabadoonkaas.

 

Waxaa uu ku baaqay in nafta loo hibeeyo xoreynta dalka oo laga saarayo kooxda shabaab iyo al qaacida ayuu sii raaciyay warkiisa.

 

Maleeshiyada shabaab ayaa ah koox laga nacay guud ahaan dalka Somaliya, mana haystaan taageerada shacabka.

Comments (0)

Kadeedka kooxda shabaab ku hayaan shacabka Kismaayo

Posted on 20 November 2009 by dadweyne

(bandow dhinaca safarka dadka ah oo lagu soo rogay dadka kismaayo)

Waxaa dadweynaha degan magaalda kismaayo lagu soo waramo inay soo foodsaartay dhibaatooyin badan oo kaga imanayaa dhinaca xarakada alshabaab oo  ay ka mid tahay cadaadis nololeed waxa markii hore la xadiday dhaqdhaqaaqa qofka sida ganacsiga, hadalka,  balwada, lebiska iyo dhamaan iyo waxyaabaha daruuriga ah waxaa had iyo jeer dadkaas lagu sameeyaa hanjabaad iyo hatigaad joogto ah  waraysi aan la yeeshay dad degan deegaanka iyo oo dhalinyaro iyo waayeel isugu jira oo ka gaabsaday  inay magacyadooda sheegaan ayaa waxay sheegeen inay ku jiraan xabsi dusha ka furan ka dib dagaaladii maalmahii lasoo dhaafay ka dhaca degmada xagar waxaa lagu soo rogay awaamiir culus oo faraysaa bandowgii habeenkii in loogu daro bandoow safarka ah dhinaca socdaalka qofka amarkan kama danbaysta ah oo  dhigaya in uusaan qofnaba banaanka ama daafaha iyo deegaanada hareeraaha caasimada gobolka jubada hoose aadi karin amar la,aanta maamulka islaamiga ah ee xarakada alshabaab haddii uu baxayona inuu keeno damiin  weliba ka mida xarakada oo ama mamulka islaamiga ah ee jubada hoose kaasoo damaanad qaadaya safarka qofka doonaya inuu meel aado.

Taas oo ah arin cusub oo aan hore loo arkin iyada oo dhamaan deegaanada maamulka islaamiga ah ee alshabaab ka taliyaan ay samaayn ku yeelatay caadaadiska iyo caburinta shacabka lagu hayo dadka ayaan jeclayn hadaad wax ka waydiso inay ka jawaaban ama in magacooda la sheego waxaana iska daba imanayaa cabashada shacabka dhinaca nolosha nabadgelyada xoriyada iyo amaanka intaba oo ay dhibaato wayn ku hayaan dhalinyarada aan lahayn ama u carbisnayn la dhaqanka bulshada iyo maamulka madaniga ah iyo la noolaanshaha  shacabkooda ee waxii ka horyimaadaa awaamiirtooda u adeegsanayaa  awood iyo amar nin weliba jiibkiisa ku sito  iyo aayaad quraan oo aan meel aan ku haboonayn lagu jidaynayo ama daliil looga dhigayo.

By C. H .galayr
abdirihiin1@hotmail.com

Comments (0)

Aden Muhumed Hassan, “I am better at collecting charcoal than my friends who have hands”

Posted on 19 November 2009 by dadweyne

HARGEISA, 19 November 2009 (IRIN) – Aden Muhumed Hassan, 46, a divorced father of one, lost his hands 11 years ago after he accidentally picked up unexploded ordnance [UXO] planted during fighting between the Somali National Movement (SNM) and former President Siad Barre’s army in Somaliland’s liberation struggle between 1981 and 1991, and during the Ogaden war between Somalia and Ethiopia in the late 1970s.

Ethiopian by origin, Hassan has lived in the self-declared republic of Somaliland since 1977. He told IRIN of his experience.

“It was about 10 in the morning [in 1988] when I was herding my cows in the Bali-Abane area [Somaliland]. When I tried to remove a piece of stick close to the place where I was watering the animals, I suddenly felt something explode; my hands were gone and I fell to the ground in shock.

“A few minutes later, I got up and walked back to the watering point where there were some people who knew me. They had nothing to stop the bleeding, so I asked them to get the leaves of the local Karir plant to control it.

“I was then loaded on to a camel and taken to Masajidka [where the SNM used to take its injured].

“Despite having no hands I was with the SNM veterans during the Somaliland liberation struggle. The war ended after the ouster of [former President] Barre [in 1991] and the capture of the northwestern regions of Somalia by the SNM. [Later the self-declared republic of Somaliland was declared.]

“I was then registered as an SNM war disabled veteran and stationed at the disabled centre in Hargeisa. The newly established government used to feed us there.

“But when the SNM term [in office] ended, we were told to go look for a livelihood. The government provided some money for those who had the worst injuries.

“I came to the city and my first job was collecting money at a company’s lavatory. I then started my own business selling charcoal in Daruraha [a settlement in the Ga’an libah District of Hargeisa] with some 200,000 Somaliland shillings [about US$32] I had saved.

“When you cannot use your hands, it is difficult eating or getting dressed. Before, when someone would give me some clothes, I did not like it because I believed I could not wear them; but later, I adapted.

“I can now wear my clothes; I can also use a spoon when eating. I am [even] better at collecting charcoal than my friends who have hands.

“Before I wanted to die but now I am able to work and I am surviving. I earn about 15,000-20,000 Somaliland shillings daily ($2.41 to $3.22).

“[Allah] has ordered us to work and promised that he will provide for our livelihood. It is for this reason that Alhamdullilah [thank God], he provides for me and my child.”

Comments (0)

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo ka hor yimid dalab ka yimid kooxda shabaab

Posted on 19 November 2009 by dadweyne

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa iska diiday in ay bixiyaan Lacago shabaabka ka dalbadeen ganacsatada in ay bixiyaan taas oo ay shabaabka ku sheegeen in ay tahay mid jihaadka looga qeyb qaadanayo.

Mid ka mid ah Ganacsatada ayaa u sheegay dadweyne.com markii uu kulan dhex maray iyaga iyo kooxda shabaab la isku afgaran waayay dalab ka yimid shabaabka oo ahaa bixinta lacago loo baahan yahay waa sida  uu yiri.

 

“Waxay naga dalbadeen lacag, waxaan u sheegnay in ganacsigeenu uu liito xilligan ma awoodno inaan bixino lacag sidaas ayaan u sheegnay rag uu ka mid ahaa afhayeenka Shabaab, Cali Dheere, Fu’aad Shangole iyo xubno kale”ayuu yiri ninkaas u hadlay ganacsatada.

 

Haddaba diidmada Ganacsatada bixinta Lacagaha shabaabka dadka ku dilaan ayaa waxay qeyb ka tahay guul ay gaareen Umadda Somaliyed oo manta garwaaqsadeen dhibaatada shabaabka kala kulmayaan.

Comments (0)

Yaa soo baxay World Cup 2010?

Posted on 19 November 2009 by dadweyne

Markanna aan eegno guud ahaan dalalka u soo baxay koobka ciyaaraha adduunka ee ka dhacaya dalka Koonfur Africa sanadka foodda nagu soo haya ee 2010-ka.

Kooxaha u soo baxay koobka adduunka 2010 ayaa kala a,Koonfur Africa oo martigalinaysa.

Africa waxaa kaloo ka qaybgalaya ciyaarahaasi kooxaha Cameroon, Ghana, Ivory Coast, Nigeria iyo Algeria oo Masar ka soo badisay si ay u buuxiso booskii ugu dambeeyay ee Africa.

Asia: waxaa u gudbay koobka adduunka South Africa 2010, Australia, Japan, Kuuriyada Waqooyi, Kuuriyada Koonfureed.

Europe: waxaa ka soo baxay kooxaha Denmark, England, Germany, Greece, Italy, Netherlands, Portugal, Serbia, Slovakia, Slovenia, Spain, Switzerland iyo France oo kooxda Jamhuuriyadda Ireland kadib barbaro iyo waqti dheeraad ah gool muran dhaliyay uga badisay.

Koonfurta Ameria: waxaa ka soo baxay Argentina, Brazil, Chile iyo Paraguay.

Waqooyiga iyo Bartamaha America: waxaa u gudbay ciyaaraha adduunka, Honduras, Mexico, United States.

Iyo ugu dambayntii oo kooxda New Zealand ay ku soo baxday kala saarka kooxaha Asia/Oceania, oo waxay ka badisay kooxda dalka Bahrain.

Dhinaca qaaradda Africa ciyaarta ugu xiisaha badan waxay ahayd tii xalay dhexmartay Masar iyo Algeria.

Labadan koox, ayaa Group C oo ay ku wadajireen oo hal koox ay ka soo bixi lahayd ciyaartii ugu dambaysay ay ku badisay 2-0 kooxda Masar, taas ayaa dhalisay in labadan koox ay isku dhibco noqdaan, barbaro ah.

Xalay, ayaa ciyaar kala bax ah loo qabtay oo sidii aad warbixinadii hore ku maqlayseen ciyaartii dhexmartay ay 1-0 ku guulaysatay kooxda Algeria, oo uu u dhaliyay ciyaaryahankooda Cantar Yaxya oo laad uu ganay qabtii hore ee ciyaarta uu birta ku dhacay gudahana u sii galay shabaqa goolka.

Tababaraha Algeria, Rabah Saadane, ayaa ammaanay kooxdiisa guusha kadib, isagoo sheegay in niyadooda oo dhan ay ciyaareen, taasna ay dhalisay in ay badiyaan, wuxuu intaas ku daray in ay waqti u heli doonaan ay isugu diyaariyaan koobka adduunka oo hadda ka dhacay gudaha Qaaradda Africa

Comments (0)

Somali woman stoned for adultery

Posted on 18 November 2009 by dadweyne

A 20-year-old woman divorcee accused of committing adultery in Somalia has been stoned to death by Islamists in front of a crowd of about 200 people.

A judge working for the militant group al-Shabab said she had had an affair with an unmarried 29-year-old man.

He said she gave birth to a still-born baby and was found guilty of adultery. Her boyfriend was given 100 lashes.

It is thought to be the second time a woman has been stoned to death for adultery by al-Shabab.

The group controls large swathes of southern Somalia where they have imposed a strict interpretation of Islamic law which has been unpopular with many Somalis.

‘Lenient’

According to reports from a small village near the town of Wajid, 250 miles (400km) north-west of the capital, Mogadishu, the woman was taken to the public grounds where she was buried up to her waist.

She was then stoned to death in front of the crowds on Tuesday afternoon.

The judge, Sheikh Ibrahim Abdirahman, said her unmarried boyfriend was given 100 lashes at the same venue.

Under al-Shabab’s interpretation of Sharia law, anyone who has ever been married – even a divorcee – who has an affair is liable to be found guilty of adultery, punishable by stoning to death.

An unmarried person who has sex before marriage is liable to be given 100 lashes.

BBC East Africa correspondent Will Ross says the stoning is at least the fourth for adultery in Somalia over the last year.

Earlier this month, a man was stoned to death for adultery in the port town of Merka, south of Mogadishu.

His pregnant girlfriend was spared, until she gives birth.

Last month, two men were stoned to death in Merka after being accused of spying.

President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed, a moderate Islamist, was sworn in as president after UN-brokered peace talks in January.

Although he says he also wants to implement Sharia, al-Shabab says his version of Islamic law would be too lenient.

The country has not had a functioning national government for 18 years

Comments (0)

24 saac gudahood Wariyihii Labaad ayaa lagu dhaawacay Somaliya

Posted on 18 November 2009 by dadweyne

Waxaa saaka ku dhaawacmay Magaalada Muqdisho Wariye C/raxmaan Warsame oo Soomaaliya u jooga Wakaaladda Wararka Shiinaha ee Xinhua.

Wariye C/raxmaan Warsame oo ay xabad kaga dhacday garabka bidix ayaa wuxuu ku dhaawacmay nawaaxiga Dugsigii sare ee Banaadir ee Degmada Hodan, iyadoo xiligaasna uu watay howl-maalmeedkiisa saxaafadeed.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan dhaawaca Wariyaha ayaan xiriir la sameynay isla Wariyaha, wuxuuna noo sheegay in uu hadda wanaagsan yahay caafimaad ahaan, xabaddii ku dhacdayna ay weli jirkiisa ku jirto.

“Caafimaadkeyga waa fiican yahay, kaliya xabaddii ayaa uun jirkeyga ku jirta oo aan dareemayaa mararka qaarkood”ayuu yiri Wariye C/raxmaan Warsame oo sheegay in xabadda ku dhacday ay ahayd mid habow ah oo qeyb ka ahayd dagaal saaka ka dhacay xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, iyadoo dagaalkaasna uu u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Dhaawaca Wariye C/raxmaan Warsame ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo xalay Magaalada Gaalkacyo lagu dhaawacay Wariye Maxamed Yaasiin Isxaaq oo Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da uga soo warrama Magaalada Gaalkacyo.

Comments (0)

Ciidamada Booliska Puntland oo dhaawacay wariye ku sugan magaalada Galkacyo

Posted on 18 November 2009 by dadweyne

Ciidamada Booliska Maamulka Puntland ayaa xalay dhaawac u geystay mid ka mid ah Wariyeyaasha ku sugan magaalada Galkacyo, xilli uu wato gaari yar oo ay rasaas la dhaceen Ciidamada.

Wariyahan oo lagu magacaabo Maxamed Yaasiin ayaa ahaa Wakiilka Laanta Afka Soomaaliga ee VOA uga soo warama Magaalada Galkacyo, waxaana dhaawaciisa uu dhacay xilli fiid ah.

Ciidamada Booliska ayaa tacshiirad huwiyay Gaariga uu watay wariyaha xilli uu marayay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska, waxaana ka soo baxaya warar is khilaafsan qaabka lagu weeraray.

Xaalada Wariyaha ayaa ah mid wanaagsan, waxaana la dhigay Cusbitaal ku yaal Magaalada Galkacyo, halkaasoo lagu dabiibayo.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Puntland oo ku aadan weerarka lagu dhaawacay wariyaha, hase ahaatee dhowr bilood ka hor ayaa Xabsiga la dhigay Wariyahan

Comments (0)

EU to Train Somali Security Forces

Posted on 17 November 2009 by dadweyne

The European Union plans to train hundreds of Somali security forces and possibly expand its anti-piracy mission off Somalia’s coast in an effort to bring stability to the war-torn Horn of Africa nation.

The agreement to train Somali forces was reached during a meeting of European Union defense ministers in Brussels. The details of the plan remain sketchy, but the idea is to train the Somalis in Uganda in close collaboration with the Ugandan government – a main supplier of African Union peacekeeping troops in Somalia.

At a press conference on Tuesday, EU foreign policy chief Javier Solana said up to 2,000 Somali security forces had requested special training to fight against a growing armed insurgency in Somalia.

“How much we’re going to do [train] and how much it’s going to be [must be discussed] with the forces of the African Union and Uganda in particular is something to be discussed. and the same thing goes with the duration,” he said.

“Then what is the speed of the distribution of tasks between Ugandan trainers and our trainers. But it will not be a big operation in the sense it will not require trainers in the thousands. It will probably be in the hundreds, not the thousands,” he added.

EU officials say they do not believe the Somali operation will dilute separate efforts to build up a European police training mission in Afghanistan.

The EU also plans to extend its anti-piracy mission Operation off Somalia’s shores into 2010. Solana said the 27-member bloc is also considering broadening the operation to target Somali ports and so-called “mother ships” that provide support to the pirates.

“Now some ideas have been placed on the table on making some focalization of the ports in which we know the pirates operate and something with the mother ships, which are really deep into the sea, where…some pirates get their help from there,” he said. “This is going to analyzed by the military authorities and by us to see if something can be done.”

Somali pirates have attacked hundreds of vessels in recent years and they are now expanding their terrain. On Tuesday, an EU naval force reported that Somali pirates had captured a chemical tanker with a North Korean crew off the Seychelles Islands. Separately, Spain announced Somali pirates had release a trawler after holding a crew of 36 hostage for more than six weeks

Comments (0)

Shabaabka oo Haweenay dhagax ku dilay

Posted on 17 November 2009 by dadweyne

Maamulka Al-Shabab ee Gobolada Bay iyo Bakool ayaa maanta meel fagaare ah oo ku yaal Degmada Waajid kula fuliyay Haweeney la sheegay inay sameysay gogol dhaaf taasoo soo martay Guur hore, waxaana fagaarahaas lagula dilay Xukun dhagax ah.

In kastoo aan la ogeyn in gabadhaas qiratay dambiga ay gashay haddana kooxda shabaab ayaa waxay sheegeen in gabadha ogolaatay in dambigaas ay gashay waa sida ay yiraahdeen.

Sida ay sheegayaan wararka Haweeneyda dhagaxa lagu dilay iyo nin la sheegay inuu isna ka sineystay ayaa goobtaas lagu fuliyay Shareecada Islaamka, iyadoo ninka la sheegay inuusan wax guur ah soo marin, isla markaana lagu garbaashay 100- Garbaash.

Haweeneyda oo qaarka dambe laga aasay godna la geliyay ayaa la sheegay in Dhagax nafta lagaga qaaday qaarka hore, waxaana halkaas goob joog ka ahaa Saraakiil ka tirsan Alshabaab.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya inuu arkayay Haweeneyda oo dhagax lagu dhifanayo qaarka hore, ilaa ay ay qudh baxday waxaana ka qeyb galay halkii lagula fuliyay xukunka dadweyne fara badan.

Xukunada ceynkan oo kale ah ayay Al-Shabab ka fuliyeen deegaanada ay gacanta ku hayaan, waxaana u badnaa Ragga oo dhowaan nin isna guur soo maray oo kufsaday Haweeney lagu dilay dhagax Magaalada Marka isla bishan gudaheeda.

Laakiin sida ay qabto shareecada Islaamka waxaa loo baahan yahay in la helo ilaa iyo 3 ruux oo marqaati ah marka uu qofka dambiga lagu soo eedeeyo la xukumayo, sidaas darteed shabaabka ma raadiyaan cadeymo iyaga ah garsoorka, marqaatiga iyo xukun fulin.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Gabar muran badan uu ka dhashay xukunka lagu fuliyay gudaha Magaalada Kismaayo oo dhagax lagu dilay, iyadoo Gabadhaas da’deeda la sheegay in ay aad u yareyd, waxaana dhacdooyinkan ay yihiin kuwo Al-Shabab ku qaado Shareecada Islaamka

Comments (0)