Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere iyo saraakiil sar sare ayaa gaaray deegaanada Afarta Tuulo ee Gobolka Shabellaha Dhexe oo ah deegaano uu ka soo jeedo Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed.
Xubnaha Alshabaab oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa qiimeynaya xaaladaha deegaanadaas oo caan ku ah ganacsiga xoolaha, iyagoo gaaray Tuulooyin ay ragaadiyeen Colaad beeleedyo soo noq noqday.
Wararku ayaa sheegaya in Saraakiisha Shabaab ay labadii maalmood ee u dambeeyay joogeen Magaalada Jowhar, iyagoo kadib u gudbay Degmada Mahadaay oo ah halka uu ku dhashay Madaxweyne Shariif.
Afhayeenka Alshabaab Sheekh Cali Dheere waxaa wehliya Sarkaal kale oo la yiraahdo Sheekh Xasan Afrax, waxayna ku sugan yihiin Deegaanka Ceelbaraf.
Socdaalka Saraakiishan ayaa waxaa lagu sheegay mid ay ugu kuur galayaan Xaaladaha deegaanadaas, oo bilihii u dambeeyay ka jireen dhaq dhaqaaqyo ciidan, waxaana halkaas ay xarun u aheyd Gudoomiyihii Maxkamadaha Islaamka G/Sh/Dhexe Macalin Dahir Caddow Calasow.





