Kooxda shabaab ayaa maanta dilal qorsheysan ka geystay Xaafada Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay noqotay kawaan dadka lagu qaarijiyo.
Sida ay sheegayaan wararka dilalkan oo dhacay waqtiyo isu dhow ayaa waxaa dilkii hore loo geystay wiil dhalinyaro ah oo lagu dilay gudaha Suuqa Towfiiq, kaasoo watay Mooto xilliga la dilayay.
kooxdii shabaab ee Wiilka dilay waxay tageen goobtaas iyadoo meydka wiilka yaala bartamaha suuqa.
Sidoo kale kama soo wareegan saacad gudahood waxay isla koox kale waxay dil qorsheysan ku fuliyeen wiil dhalinyaro ah oo ku sugaa agagaarka TV-gii hore ee Qaranka ee Xaafada Towfiiq.
Dilalkan ayaa ah mid maalmihii la soo dhaafay ka dhacaya Degmada Yaaqshiid, waxaana ay isugu jiray kuwa kala duwan oo intooda badan dadka la dilay lagu gowracay.





