Qeeybaha| Cayaaraha

Man Utd oo horyaalka hoggaamineysa

Posted on 17 October 2009 by dadweyne

Aston Villa ayaa 2 iyo 1 uga badisay Chelsea ka dib markay maanta ku wada cayaareen Birmingham.

Halkaa waxay jug weyni ku soo gaartay rajadii ay Chelsea ka qabtay in ay ku guuleysato koobka horyaalka oo ay iyadu hadda dhibacaha tartankiisa hoggaamineyso.

Chelsea iyada ayaa goolka ku horreysay ka dib markii Brad Friedel uu ku guul darreystay in uu daafaco darba dheer oo Didier Drogba uu soo laaday.

Laakiin Chelsea in ay taa sii ceshato wey ku guul darreysatay.

Richard Dunne ayaa goolka koowaaad u dhaliyay Aston Villa.

James Collins ayaa goolka guusha Aston Villa madaxa ku xaqiijiyay

Labada goolba waxaa soo sallaxay cayaartooyga dhallinta yar Ashley Young.

Cayaartani waxay qeyb ka tahay horyaalka England ee kubbadda cagta.

Chelsea waxaa iska leh Roman Abramovich, waxaana tababbare u ah, Carlo Ancelotti.

Man Utd ayaa iyadu hadda 22 dhibcood ku hoggaamineysa horyaalka, ka dib markii ay 2 iyo 1 ugu xoog sheegatay Bolton.

Cayaartu waxay ka dhacday garoonka Old Trafford.

Arsenal ayaa 3 iyo 1 uga guuleysatay Birmingham ka dib markay ku cayaareen garoonka Emirates ee London.

Sunderland 1 iyo 0 ayay uga adkaatay Liverpool

Leave a Reply