Qeeybaha| Wararka

Madaxweyne Shariif oo ku sugan Liibiya

Posted on 11 October 2009 by dadweyne

Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray caasimada dalka Liibiya isagoo ka soo duulay dalka Mareykanka oo maalmo kulamo kula soo yeelanayay jaaliyadda somalida halkaa degan.

Madaxweyne Shariif Sh Axned oo mudooyinkii ugu danbeeyay safar kumarayay qar ka mid ah wadamada caalamka sida wadanka Maraykanka ayaa soo gaaray magaalada caasimad ee Tripoli kadib markii uu casuumaad ka helay dhigiisa wadanka libiya mucamr Al Qadaafi.

 

Col Qadaafi oo xilligan ah Guddoomiyaha wareega Midowga Afrika waxaa la filayaa in uu madaxweynaha Somaliya kala hadlo arrimo dhawr ah oo xaalada dalka somaliya ay ka mid tahay.

 

Waxaa laga yaaba in wadahadalada lagu soo qaado arrinta ku saabsan tahriibayaasha somalida ee ka gudbaya Liibiya iyagoo ku sii jeeda Qaaradda Yurub.

Leave a Reply