Hogaamiye kooxeedka Xassan Dahir Aweyys aya an helin meesha loogu dacwoodo koox dableeyda shabaab oo u aha qofka kaliya ee magac leh oo gacan saar ay leeyihiin, haatana wadaadku waxa u waayay cid ka qaban karta kadib marki ay kooxdiisa la baxday Xisbul Islaam ku qaadeen weerar cad dhinaca jubada hoose sidoo kalerna gaadmo ku dilayaan saraakiishiisa.
Shabaab waxa diiday shacabka Somaliyed oo an u kala harin culimo iyo caamo, rag iyo dumar, caruur iyo ciroole balse waxa ayaga oo ugaarsi lagu hayo dalka yimid Xassan Daahir Aweeys oo markiiba colaadi qabiil ka joojiyay, fursadna u siiyey dhulki ay ka haajireen ee Muqdisho ineey ku soo hooydaan.
Balse maanta wadaadki xassan waxa u waayay meel iyo cid looga dacwoodo dhalintan diinta iyo dalkaba ku fududaaday, waxana ku dhacday maradaadi kugu gubatay wixi ay Somalidu dhihi jireen.
Maleeshiyada shabaab sidoodaba malaha diin ku filin aqooonteed, malaha qof leh garasho waayeel, kumana xirna aqoonyahano kala taliya dhinacayada kala duwan ee siyaasada.
Waxay talo ka sugaan koox ku go’odoonsan Afghanistaan oo xata an si buuxda u aqoonsaneeyn, Eritrea oo gacan ay ka filayeen xataa waxay isku khilaafeen ninka Fransiiska ah ay afduubka u heeystaan oo ay diideen codsiga Eritrea ee aha in ay sii daayaao.
Laba maalmood ka hor waxa ay shabaab dileen in dableey sare aha oo ka tirsana kooxda xassan, waxay weerar ku qaadeen Bulo Xaji, dhinaca Kismaayo, oo ay ku sugnaayeen koox sheegatay Xisbul Islaam oo halka ciidan u degana.
Xassan waxa u ugu necebyahay Sharif Sheekh Axmed oo kursi hoosti ay iska arkeen, wuxuna qaba inu haddi u dagaal cad la galo shabaab ay taasi keeni karto guul u gaaro shariifku.
Waxa u talo Xassan ka dhigtay “u dul qaado waxa kasta oo an aheeyn sheiif sheikh Axmed.”
Dadka Muqdisgho ee ka faaliya siyaasadu waxay leeyiihiin “xassam waxa sabab u noqon doona shabaab,” balse waxa dhici doona ee maqan rabi aya u caalim ah, dadkuna aqoon Rabbi u siiyay ay wax ku miisaamaan oo marar badan ayeey dhacaan wax la sii sheegay.






October 21st, 2009 at 9:16 pm
salaamu caleykum dhamaanba bahda website-ka waan idin wada salaamay marka xigta waxaan rabaa inaan figradayda aan ka dhiibto waxa meesha ka socda
ma wuxuu ilaahay qadaray inuu maanta aweys geed uu ka galo waayo shabaabka waxaa horey loo yiri xaqii afka laga daboolo wuxuu ka dilaacaa feeraha horta marka hore waa ilaahay mahadi hadiiba tani ay dhacdayba waxaanan ilaahay ka rajeenayaa inay isku baaba,aan tan kale ilaahay waa qaadiree ilaahow naga qabo shaydaamada issa soo bahaystay halkaasna waxaa ku cadaaday inaysan jirin wax la yiraahdo diin waxaanse ilaahay maalin maalmaha ka mid ah inaan maqlo ayadoo maxkamad la soo taagayo hor joogayaasha shadaadiinta
waad ku wada mahadsantihiin dhamaanba scw
April 14th, 2010 at 8:41 pm
CAJIIB!!!! Asalamu Alaykum somalay waxaan dhanbaalkaan uga tala agaly in aw gaaro ama aqristaan dadka webkaan leh cajiib walle nin aduunjoogoow maxa aaragti kuu laaban walaal waxaan kuleeyahay marka aad leedahay Axmed Godane maxkamad halasoo taagoa am goormaan arki doonaa miyaad dhihi wayde nimanka Xasuuqsom=Amisom iyo dabadhilifyadooda marak ay muqdishu u qaybinayaan BMK wixii soo raaca miyaadan ka tanqanayn taas mise waxaa kamid atahy nimanka somalaidaa ee lacagta ka aqaada CIA si ay u baahiyaan beenta iyo wix aan diinta sal kulahayn aniga runta Alla aigu jecel mataageero ama uma janjeero qolo somalaia kajirta lakin waxaan u adkaysan waaye hadalkaan layaabka leh ee aad leedahay ma dhahaysid wixii Itoobiyaanka keenay maxkamad hala keeno ma dhahaysid mHAONKO midka amisom u taliya ee sanka wayn maxkamad hala keeno ee walaaloow sidee ku dhahday qof muslima gaal ha maxkamdeedo mise……… waa cajiib iyo layaab iyo amakaak wallee waalagu waydiinaa wixii aad fartaada ku qortay aakhiro ninkaasn haduu danbi agaly Alle s.w.t ayaa kula xisaab tama aee adiga danbi ha gelin
April 23rd, 2010 at 6:40 am
muxuu yiri?dagaalka ma joojinayo ka xaaxaabihee ummadda udaa wiilka yar oo shalay kula shaqeeynaayay doorashane ugu fadhiyo kursiga aad ummadaada ku leyneyso, ma dhoofikartid maanta manaku qaabilaayaan madaxda adduunka sababtoo ah gacmahaaga dhiig beyleeyihiin uff