Wasirka wasaaradda gaashaandhiga dalka Faransiiska Herve Morin ayaa sheegay in xukuumadiisu ay dhawaan dalka Jabouti uga furi doonto tiro kumanaan askari ah oo ka tirsan ciidamada badda DKMGS kuwaasoo uu sheegay wasiirku inay ugu talo galeen inay wax ka qabtaan hananka nabadda ee dalka Somalia iyo caalamiga ah ee lagula jiro kooxaha burcad badeeda Somalied.
Wasiirka oo u waramayay wakalada wararka ee AFP ayaa sheegay inay ku talo jiraan hanaan lagu tababaro 3000 oo ciidamada dalka Somalia waxaana wasirku sheegay in qorshuhu yahay sidii loo heli lahaa ciidamo dhameys tiran oo dhinaca badda ah kuwaasoo awood u yeesha inay la dagaalamaan kooxaha burcad badeeda Somalied ee inta badan falalka afduubka ah ka geysata xeebaha Somalia xaduudaha la leh.
Herve Morin wasiirka difaaca dalka Faransiiska waxaa uu sheegay in arrintani ay qeyb ka tahay go’aan kasoo baxay ururka Midawga Europe asagoona intaa ku daray in qorshahaan ay ka qeyb qaadanayaan wadamo reer Europe ah.
“Somalidu waa inay helaan ciidamo dhameys tiran oo isku filan mana loo baahna in Somalia noqoto xarunta qalalaasaha adduunka, Ayuu yiri Wasiirka gaashaan dhiga dalka Faransiiska oo waresysi siinayay wakaalada wararka ee AFP waxaana uu intaa ku daray in siyaasada dawladiisuay tahay in la dhameystiro tababarka ciidamada dawlada KMGS.
Dawlada Faransiiska ayaa sheegtay in dhawaan inay DFKMGS ay u tababareyso ciidamo dhinaca amaanka ah oo garaya illaa iyo 500 oo askari
Hadalkaan kasoo baxay dawlada Faransiiska ayaa ku soo beegmaya xilli dalka Jabouti uu ku suganyahay wasiirka dawlada Faransiiska ee Midawga Europe halkaasoo u kula kulmay ciidamada badda ee wadanka Faransiiska ee hawl galka burcad beeda Somalied ka dhan ka wada xeebaha Somalia





