Qeeybaha| Cayaaraha

Wenger Oo Noqday Macalinkii Ugu cimriga dheeraa Arsenal

Posted on 04 October 2009 by dadweyne

LONDON (AP)—13-sano ka hore wax uu ahaa ma jirin , mana aheyn macalin la yaqaan iyadoo markii uu shaqada kooxda codsanayay la lahaa “Arsene Who?”, xitaa waxaa dhacay in ay Arsenal maamulkeedii xilkaa ay shaqada u diidaan isla markaana uu iska tago , hayeeshee shalay ayaa awrbaahinta aduunka oo dhan si weyn ugu hadaleen macalin Arsene Wenger oo taariikh u dhigay kooxda waxaana cinwaanadu ahaayeen “Arsene Wenger made Arsenal history.”

Markii uu imaanayay kubada cagta English soccer ma aheyn nin la yaqaanay, hadase waa macalinka ugu waqtiga dheeraa taariikhda kooxad Arsenal, isagoo taariikhdaasi u dhigay one of the world’s most famous clubs.

Wenger wuxuu xilkaasi taariikhiga ah kala wareegay George Allison oo kooxda soo mamulayay 4,749 days

60 sano jirkaasi ay 3-todbaad ugu harsantahay dabaaldaga dhalshadiisa, wuxuu iska hilmaamay fikirkii ahaa inuu ciyaaraha iskaga fariisto marki uu u qaaday three Premier League iyo four FA Cup, wuxuu sidoo kale Arsenal gaarsiiyay in aan hal xilli ciyaareed oo kaamil ah aan laga badin horyaalka iyo waliba Champions League final.

Wenger wuxuu diidmo kala kulmay maamulka Gunners sanad ka hore intii uusan imaan bishii October 1996, xilligaaso macalin ajanabi ah uu aad ugu yaraa kubada cagta England.

“isku daygii 1-aad igama yeelin iney I qaataan,” ayuu yiri. “waxey markaa shaqada siiyeen Bruce Rioch waxaana laga yaabay sidii ay islahaayeen iyagu inuu iga fiicnaa xiligaasi. Markaa anigu waxaan aaday dalka Japan (oo aan macalin u noqday Grampus Eight) mana niyad jabin maxaaa yeelay waxey ii noqtay a fantastic time. Mar kale ayaan go,aansaday in aan dib ugu soo laabto Europe si aan u helo big club.”

Markii uu shaqada helay Wenger wuxuu sumcada badan ku helay guulo isdaba joog ah oo uu gaaray isago al yimid style cusub oo xag ciyaarta ah.

Wuxuu u qaaday Gunners horyaalka iyo waliba FA Cup hal sano gudahood.

Bilowgiisii garoomada la yaab ayuu la yimid isagoo Wenger uu ka dhigay Arsenal koox kubad fiican ciyaarta oo wlaiba most creative and imaginative teams in the game, wuxuu aad ugu dhisay defenses , passes iyo waliba qaabka goalasha xusuusta ah loo dhaliyo (scoring memorable goals).

Xidigaha magaca ku leh maantay ee uu soo saray waxaa ka mid ah Ian Wright, Thierry Henry and Dennis Bergkamp, to Robin van Persie, Cesc Fabregas and Andrei Arshavin,

Wenger wuxuu aad can ugu yahay soo saarista ciyaartoyda (talented players), isagoo si weyn ugu faaiideysta dhalinta yar yar laga soo bilaabo 16-sano jirka.

Siyaasada Wenger waxey mar waliba tahay inuu soo saaro ciyaartoy dhalin yar oo magac leh. Waxaa laga soo qaadan karaa Fabregas — wuxuu ka soo qaatay Barcelona isagoo 16 sano jir ah, hada waa Arsenal captain waaan mid ka mid ah xidigaha loogu jecelyahay aduunka gaar ahaan midfielders in the game.

Wenger inta badan ciyaartoydiisa dayarta ah ee mustaqbalka leh wuxuu ku soo saaraa tartamada lower-tier competitions loo yaqaan . todobaadkii hore marka aad eegto lineup-kiisii League Cup ee uu kaga badiyay West Bromwich Albion waxaa ku jiray 8 ciyaartoy oo aad u da’yar.

Inkastoo uu magacaasi iyo taariikhu uu gaarsiiyay Gunners hadana waxey mudo 4 sano ah ka gaajeysan tahay iney wax horyaal ah qaado.

Si kastoo ay tahay Wenger wuxuu xalay u dabaal dagay 14 sano oo uu kooxda hogaankeeda yahay, iyadoo laga sugayo inuu 4-ta koob ee uu ciyaarayo sanadkaan uu wax ka keeno. Wallow sanadkii 5-aad oo xiriir ah uu hanan la yahay wax horyaal ah, xitaa hadii uusan qaadi wuu sii joogi doonaa kooxda.

Sunni Said Salah
sunnijournalist@gmail.com

Leave a Reply