Qeeybaha| Qubane

Shabaabka oo been ku jiifanaya xasan Dahir

Posted on 04 October 2009 by dadweyne

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdishu waxay sheegayaan in shalay fiidkii ay kulmeen madax sare oo ka tirsan ururrada Xisbul Islaam iyo Al-Shabab iyagoo ka wada hadlay xallinta khilaafadka ka dhashay gacan-ku-haynta magaalada Kismaayo.

Madaxda maleeshiyada shabaab ayaa u muuqday kuwa madax salaaxid ugu tagay Xasan Dahir oo degaanka Lafoole ku sugan, iyadoo amaankana aad loo ilaalinayay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulanka madaxda kulantay ay kala hoggaaminayeen guddoomiyaha ururka Xisbul Islam Sheekh Xasan Daahir Aweys iyo Sheekh Mukhtaar Roobow “Abu Mansuur” afhayeenkii hore shabaab.

Wararka kale ayaa sheegaya in kulankaas uu fadhiyay hogaamiyaha shabaab Axmed Cabdi Godane “Abu Zubayr”.

Warar aynu ka helany ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kulanka ay codsadeen dhinaca Al-Shabab oo la sheegay inay ka kululaadeen go’aankii adkaa ee hogganaka sare ee ururka Xisbul Islaam uu ka qaatay khilaafka Kismayao kaasi oo ay ku tilmaameen inuu ka dhigan yahay dagaal lagu soo qaaday Xisbul Islaam.

laakiin shabaabka ayaa caan ku ah qiyaanada Siyaasadeed iyagoo madaxa ka salaaxa qofkii markaas ay rabaan in ay khaarajiyaan, sida cadna Xisbul islaam ayaa ku taagan ha lug oo kaliya saadasha laga bixinayo dagaal dhex mara labada dhinaca ayaa ah mid dhaw.

Leave a Reply