Mid ka mid ah Wasiirada ugu muhiimsan Dowkadda uu Madaxweynaha ka yahay Shariif Sh Axmed ayaa u sheegay beesha Caalamka in dowladdiisu aysan awood u lahayn in ay iska difaacdo kooxaha ka soo horjeeda oo mar walba weeraro hubeysan la beegsada saldhigyada ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda KMG ah Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in kooxaha ka soo horjeeda aysan Soomaalida kaligeed waxba ka qaban karin, wuxuuna caddeeyay in ay u baahan yihiin kaalmo caalami ah si ay u xoojiyaan ciidamada Somaaliyeed.
Isagoo ka hadlaya waajibaadka AMISOM ama Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa waxaa uu xoojiyay baaqii ahaa in la bedelo waajibaadka dhinaca howlgalada Ciidamada AMISOM markaas ayuu sheegay in wax badan laga qaban doono xaalada dalka.
C/qaadir Cali Cumar oo la weydiiyay eedeymo loo jeediyo oo ku saabsan in saraakiil isaga la shaqeeya oo dowladda ku jira ay hub u gudbiyaan kooxaha Dowladda ku kacsan, sidoo kalena ay ciidamadiisa ka tirsanaayeen rag afduubtay labo sarkaal oo faransiiska u dhashay ayaa arrintaas ku gacan-seray.
“Waqtigeyga oo dhan iyo dadaalkeyga waxaan geliyay sidii ay Soomaaliya nabad ku noqon lahayd, sidaas darteed sidee bey suurtagal ku noqon kartaa in aan khatar ku noqdo nabadda dalkeyga”ayuu yiri Wasiirka arrimaha Gudaha.





