Keeydka | October, 2009

Dagaal iyo duqeyn ka dhacay Degmooyinka ka tirsan W/Muqdisho

Posted on 31 October 2009 by dadweyne

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda ayaa maanta ka dhacay Degmooyin ka tirsan W/Muqdisho.
Dagaalka iyo duqeynta oo ka dhacay xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere, Shibis iyo Yaaqshiid ayaa waxay geysteen dhimashada 2 ruux iyo dhaawaca 5 ruux oo kale, kuwaasi oo ahaa dad rayid ah.
Mid ka mid ah Dadka Degmada Boondheere ayaa wuxuu sheegay in madaafiic ku soo dhacday Degmadooda ay sababtay dhimashada labada ruux iyo dhaawaca shanta ruux oo kale, wuxuuna sheegay in dadka waxyeellada soo gaartay ay ahaayeen kuwo rayid ah oo qaarkood ay xoogsato ahaayeen.
Degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa muddo 6 bilood ka badan waxay yihiin kuwo ay dhinacyada isku haya Magaalada Muqdisho ku dagaallamaan, waxaana Degmooyinkaas ka mid ah Shibis, Boondheere, Yaaqshiid, qeybo ka mid ah C/casiis, Wardhigiley, Howl-Wadaag iyo Hodan, waxayna inta badan dadkii degmooyinkaas ku noolaa ay u barakaceen duleedyada Muqdisho iyo weliba dalka dibaddiisa.
Degmooyinka ay maanta dagaallada iyo duqeymaha ka dhaceen ayaa waxay muddooyinkan ahaayeen kuwo aaney dagaallo ka jirin, walow ay xoogagga labada dhinac is-horfadhiyeen.

Comments (0)

Terrorizing Aid to Somalia

Posted on 31 October 2009 by dadweyne

There is a new humanitarian crisis unfolding in Somalia, and the United States is partly to blame. Despite sending $2 million and 40 tons of arms and ammunition to the country’s Transitional Federal Government (TFG) earlier this year, now, the United States is withholding humanitarian aid until relief agencies agree to comply with strict, game-stopping conditions.

The decision to abruptly halt assistance came following suspicions that U.S. aid might be ending up with Somali “terrorists.” The main worry is an al Qaeda-linked group called al-Shabab, the leading Islamic militant group fighting against the feeble but internationally backed government. Al-Shabab controls most of south-central Somalia, while the TFG controls only a few areas of the capital, Mogadishu. The south-central region is home to 2.7 million of the 3.63 million Somalis in need of emergency assistance. So, reaching many of Somalia’s people with aid would likely entail operating on al-Shabab’s turf and interacting with elements of the group to facilitate logistics.

U.S. Treasury Department sanctions strictly prohibit any financial transactions or dealings with al-Shabab and other Somali groups labeled as “terrorists.” Yet clearly the concern is not absolute; the U.S. government seems less concerned that the guns and ammo sent as military assistance, intended to prop up the fragile government and keep control of a country brimming with violence, are allegedly being resold on the streets of Mogadishu.

The halt in humanitarian assistance will cripple the work of relief organizations and, as a consequence, hurt their Somali beneficiaries. U.S. officials justifiably fear that they and their partners could be held responsible, even prosecuted, for supporting terrorists if relief funds ended up in the hands of al-Shabab. At first, the U.S. government reviewed the situation and “delayed” funding. Subsequently, Washington issued conditions with which aid agencies must comply to legally operate in Somalia. But the conditions are so restrictive that it would be virtually impossible for operating agencies to meet them. (To preserve the security of those groups on the ground, specific conditions cannot be stated here.)

The damage is not just temporary. The new, politically charged rules would destroy relief organizations’ neutrality in Somalia. Humanitarian aid derives its legitimacy from impartiality — the notion that aid is provisioned on need alone, rather than politics. In Somalia, where the U.S. government is often viewed unfavorably, political impartiality is a practical consideration as well; it is central to the ability of relief agencies to function safely and effectively. The new U.S. conditions would undermine this core principle by making it nearly impossible for relief agencies to legally operate in al-Shabab-run territory, including many of the most desperate regions of Somalia. The country is already one of the most dangerous for humanitarian workers, so the United States’ attempt to bring relief workers under its purview will only increase Somali suspicion toward them and make the environment more precarious.

On top of this policy disaster, money for relief in Somalia is running out. The U.N. World Food Program estimates that its coffers will be empty within the next few weeks. Even if more funds were pledged today, it could require as many as four months for the money to reach beneficiaries on the ground. There will be an inevitable gap in assistance to Somalis.

The timing could not be worse. The country’s already catastrophic humanitarian crisis is being compounded by a drought that has struck much of the Horn of Africa. Nearly half the population is estimated to urgently need aid — some 3.63 million people.

The U.S. government is holding the Somalia relief enterprise and its beneficiaries hostage to its counterterrorism policy. Agencies have resolutely upheld their commitment to humanitarian impartiality and refused to be shut down by unreasonable conditions. Unfortunately, that precludes them from accepting U.S. funds — normally half of all aid to Somalia. Until Washington lets agencies fulfill their mission unhindered, the U.S. mission to win “hearts and minds” in Somalia, a feared up-and-coming stronghold of terrorism, will be completely undermined. Knowingly allowing millions of people to suffer is no way to win friends.

Comments (0)

Xasan Dahir Aweys”Diyaar uma nihin inaan Wadahadal la galno Dowladda”

Posted on 31 October 2009 by dadweyne

Sheekh Xasan Dahir Aweys hogaamiyaha Xisbul Islaam ayaa ugu baaqay Culumaa’udiinka Soomaalida in ay ka shaqeeyan sidii loo mideyn lahaa Shabaab iyo Xisbul Islaam.

Aweys ayaa sheegay haddii aan la mideyn labadaas koox in dagaalada lagula jira Dowladda KMG ah aanay wax guul ah laga gaari doonin.

“Waxaa wanaagsan in labada Urur ama Islaamiyiinta Jihaadka ku jirta la mideeyo si xooga hal mid u noqdo,markaas ayaa laga guuleysan karaa Dowladda KMG ah iyo AMISOM”ayuu yiri Xasan Dahir.

Sheekh Xasan Dahir waxaa uu dhinaca kale beeniyay in kooxdiisa Xisbul Islaam ay soo dhaweeyen dadaalka Dowladda Liibiya ee ku dhexdhaxaadinayso kooxaha Somalida,wuxuuna ku tilmaamay war ka soo yeeray afhayeenkiisa mid isaga u gaar ah.

“Anaga diyaar uma nihin inaan wadahadal la galno Dowladda KGM ah “ayuu yiri Xasan Dahir

Comments (0)

Qarax miino oo lagu weeraray gaari ay saarnaayen Ciidamada Dowladda

Posted on 30 October 2009 by dadweyne

Qarax dhimasho iyo dhaawac sababay oo loo dhigay gaari ay la socdeen ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu goor dhaweyd ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Qaraxa oo loo adeegsaday Miinada Dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa loo dhigay Gaari ay la socdeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya, kuwaasi oo marayay meel u dhow degaanka ceelqalow ee degmada Wadajir.

Qaraxa oo dhawaqiisa laga maqlayay xaafado dhowr ah oo ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu geystay dhimashada 3 askari iyo dhaawaca 6 askari oo kale, kuwaasi oo saarnaa gaariga Miinada loo dhigay ee ay ku qaraxday.
Wax yar kaddib markii uu qaraxaas dhacay ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamada Amisom, kuwaasi oo gurmad caafimaad u sameeyay askartii dhaawacantay, halka ay xireen Waddooyinka u dhow halka uu qaraxa ka dhacay.
Sidoo kale Caruur yar yar ayaa dhaawacyo ka soo gaaray qaraxan.

Comments (0)

Women football vastly growing in Djibouti

Posted on 30 October 2009 by dadweyne

Women football is vastly growing in Djibouti, a small country in the horn of Africa region where former women football players have stepped up efforts relating to the development of the country’s women football, according to former national team goal keeper Kadan Ali Hassan.

Kadan who was a talented goal keeper for six years before she retired late in 2007 said that women in Djibouti have been gaining more understanding about football for the past two years and as the result the country has currently at least 20 women football teams.

“Women’s football was gradually growing in Djibouti, but fortunately for the past two years we have made a big progress and more teams were established in regions while we were previously confined only to the capital and very few cities” Kadan said adding that each year women’s football championship is held here in Djibouti.

“Women in the country have now mutual understanding about football and they are interested in it very much so we are very hopeful that this will lead us to catch up with the developed world’s women’s football” she stated.

The former national goal keeper who currently manages the Djibouti’s seaport football club was very optimistic that Djibouti’s women will have a very big involvement in the world’s women football competitions in the coming years

“We are grateful to the football federation president of Djibouti who gave us a constant encouragement and helped us in every manner” she said adding that particular thanks are also due to the school teachers and principals who assisted in establishing women’s football teams in schools.

“We are ready to assist our Somali sisters as much as we can” Kadan replied when asked about what they can do for Somali women footballers who are not currently able to continue their activities in the lawless nation because of Islamist restrictions.

Somalia, a chaotic country in the horn of Africa which has been experiencing lawlessness for nearly 20 years is now facing one of the most difficult times yet where men cannot perform sport everywhere, while women were totally banned from playing sport.

This week 14 young men were arrested by Islamists in the south western city of Luq after they were found of guilty of playing a ball, according to Islamist militia commander.

In the year 2006 Somali Islamists named sport “a satanic act” and as a result fans were arrested, lashed and killed for watching or playing football or other sporting events.

Shafi’i Mohyaddin Abokar
First vice president and head of international
relations of Somali sports press association

Comments (0)

C/raxmaan Mocow oo ka ashtakooday Sarkaal Xisbul Islaam oo Warbaahinta ka sheegay in Hub ka dhigis iyo Xil ka qaadis lagu sameeyay

Posted on 30 October 2009 by dadweyne

Sheekh C/raxmaan Ibraahim Mocow oo Xisbul Islaam ugu qeybsan Gobolka Hiiraan ayaa ashtako xoogan ka gudbiyay Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam, kaasoo maalin ka hor Warbaahinta ka sii daayay in xil ka qaadis iyo hub ka dhigisba lagu sameeyay.

Mr Mocow ayaa ugu baaqay Hogaanka Xizbiga in ay mowqif ka qaataan hadalka Sarkaalka iyo hadii ay wax ka og yihiin, isagoo ku goodiyay inuu go’aan qaadanayo hadii ay ka hadli waayaan.

“Nin la yiraahdo Cabdi Qoorey oo Xizbigaa ka tirsanahay yiri ayaa wuxuu warbaahinta ka sheegay in Hub ka dhigis la igu sameeyay iyo xil ka qaadisba, ninkaas uma aqaano inuu Xizbiga ka tirsan yahay”ayuu yiri Mocow oo si gaar farta ugu goday in shaqsigaas uu isaga si gaar ah u colaadinayo.

Waxaa uu sheegay inuu jawaab cad ka bixin doono hadii mar kale lagu soo xad gudubo, isla markaana ninka sheegtay sarkaalka uu tallaabo ka qaadayo waa sida uu yiri.

Hadalka Mocow oo ahaa mid aad u kululaa ayaa laga dheehanayay caro weyn oo uu ka qaaday hadal uu sii daayay Sarkaalkaas oo ahaa in markii uu Xizbiga ku soo biirayay uu heshiiska ahaa in Hubkiisa ku soo wareejiyo, isla markaana loo baahday Hubka lagana wareejiyo

Comments (0)

Dahir Riyaale oo ka hadlay Xaaladda Somaliya

Posted on 29 October 2009 by dadweyne

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay Xaaladda Soomaaliya ka taagan, waxaanu baaq u jeediyay Beesha Caalamka, Bulshada Soomaalida iyo dalalka la deriska ah Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale wuxuu ka hadlay Ficillada Argagixiso ee ka socda Soomaaliya, Pakistan iyo qaar ka mid ah Dalalka Dunida Islaamka. ”Caalamka Islaamka waxa ka soo baxay fidnad Diinta Islaamka lagu fidnaynayo oo Islaamnimada lagu dhaawacayo. Waxa haddaba inaga inala gudban in habka loola dagaallamo aynu kaga dayano Dalalka Islaamka, sida Sucuudiga. Culimada waxaan u soo jeedinayaa oo ay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu hormood ka tahay in la qabto fadwooyin lagaga hadlayo Dagaalkan nooca cusub ah ee umaddeena u horseedaya Diin-la’aanta.” Ayuu yiri Madaxweyne Rayaale oo maanta ka hadlayay Xus loo sameeyay sanad-guuradii ka soo wareegtay maalintii Somaliland lala beegsaday Qaraxyada Argagixiso 29 October 2008.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Xukuumad ahaan ay heleen Kutub la baro Ubadka oo ay ku qoran tahay in dilka Hooyada iyo Aabbahu ay xaq tahay. “Umaddeena waxa kale oo aan leeyahay, Ubadkeenii baa la kaxaysatay oo wax kale loo sheegay. Hadda waxaanu haynaa Kutub Ubadkeena loo akhriyo oo Xadiisyo badhna laga tago, badhna la soo qaato. Kuwaas oo la leeyahay, Jihaad baad ku jirtaa oo xitaa haddii aad Hooyadaa iyo Aabbahaa disho waa kuu xalaal. Sidaa darteed, looma baahna in laga aamusee, waxa loo baahan yahay in laga hadlo.” Ayuu yiri Madaxweynuhu. Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Maanta waxa Pakistan ka socda waad ogtihiin, waxa Caalamka Islaamka ka taaganna waad la socotaan. Dadka inaga ah ee lagu soo qabto Falalka noocaas ah, Madaxweyne ayaan ahay oo waa laygu yimaaddaa oo waxa la yidhaahdaa hebel ha la soo daayo. Waxaan idhaahdaa, waar ninkani reerba maahee waa nin ina wada laynaya ee aynu iska hayno. Waxyaabahaas oo dhan baa maanta taagan, ee waa inaynu ogaano, Caruurteenu way fidnaysan yihiin ee waa inaynu isweydiinaa, sidee looga hortegi karaa waxa socdaa waa Afkaar.

Madaxweyne Rayaale wuxuu ka hadlay habka looga hortegi karo Afkaaraha Argagixisada. “Waxaana lagaga hortegi karaa oo kaliya waa Fikir ee maaha in xabbad lagaga hortego. Waayo, waa fikrad socota oo koraysa oo qaar inaga mid ahi ay wadaan. Waynu is-ognahay oo Derin baynu ku wada fadhinaa. Waa inaynu runta isu-sheegno oo aynu Fikir kula dagaallano oo ay waliba ka timaaddo Culimada oo ay hormood ka noqdaan. Waa inaynu Manhaj tababar ah siinaa umaddeenan, ugana dignaa inay ina gaadhsiiyaan halka ay maanta Xamar marayso. Waayo, shalay Dagaal-ooge ayay isku haysteen (Soomaaliya), maanta wax alla wax ay isku haystaan lama garanayo. marka Diinta layska soo galo waa masiibo wayn oo masiibo ka wayni ma jirto. Dad Muslimiin wada sheeganaya oo haddana is-laynaya fidmo ka wayni ma jirto. Waxaan Umaddeena u soo jeedinayaa oo aan ku boorrinayaa inay arrintaa u feejignaadaan oo ay u soo jeedaan. Nin kasta oo wax garanayaana in uu ka hadlo ayaa waajib ah. Waalidkeenaan waxaan leeyahay Ubadkeena aynu ka war hayno oo aynu Saaxiib la noqono oo aynu ogaano waxay ku jiraan. Maalintii waxbarasho ayay tegayaan, habeenkiina inta ay yimaaddaan ayay seexdaan, waxaan aaminsanahay in waajib inaga saaran yahay in aynu la socono waxay ku jiraan.”

Barkhad M. Kaariye

Comments (0)

Wararkii ugu dambeeyay dagaaladii iyo duqeyntii qeybo ka mid ah muqdisho lala beegsaday

Posted on 28 October 2009 by dadweyne

Ugu yaraan Lix qof ayaa ku dhimatay 14 kalena wey ku dhaawacmeen dagaalo iyo madaafiic culus oo maanta ka dhacday magaalada muqdishu .
Dagaalka ayaa bilowday markii ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa dowladdu ay bilaabeen inay xiraan qaar ka mid ah waddooyinka magaalada si loo sugo ammaanka Madaxweynaha oo maanta Muqdisho ku laabtay.
Xaafadaha Hodan iyo Howlwadaag ayaa ka mida meelaha madaafiicda lagu doqeeyey oo dad rayada waxyeelo u geystay.
Dadka ku dhintay duqeynta ayaa waxaa ka mid ahayd haweyney uur 9 bilooda lahayd oo horeyna 2 caruur ah u haysatey sida uu sheegay ninkii haweydaasi qabay.
Garoonka diyaaradaha ayaa Hoobiyayaal lagu garaacay markii madaxweynuhu soo degeyey, hasa yeeshee dadka deegaanka ayaa sheegaya in Hoobiyaalkaasi ay ku dhaceen meel u dhow Garoonka diyaaradaha.
Maahan markii ugu horeysey oo madaafiic ay isweydaarsanayaan kooxaha dagaalamaya ay dad rayada waxyeelo u geystaan, horey ayaa dad badan oo rayad ahi wax ugu noqdeen duqeymo loogeystey suuqa Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal magaalada Mugadisho

Comments (0)

Madaxweyne Shariif oo ku laabtay Muqdisho

Posted on 28 October 2009 by dadweyne

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa daqiiqado ka hor ku soo laabtay magaalada Muqdisho, isagoo diyaarad gaar ah ka soo qaaday magaalada Sanca ee dalka Yemen oo maalin ka hor uu tagay.

Soo laabashada Madaxweyne Shariif ee Caasimada Soomaaliya ayaa sabab u noqotay dhimashada tobanaan ruux oo rayid ah, taasoo ka dambeysay markii Ciidamada AMISOM oo wehliya kuwa Dowladda KMG ay isku fidiyeen Maka Al-Mukaramada iyo qeybo ka mid ah degmada Hodan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si nabad ku soo caga dhigtay magaalada Muqdisho, inkastoo soo dagitaankiisa magaalada oo idil ay isla gariirtay hugunka Madaafiicda culus

Dagaalo iyo Duqeymo ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah Degmooyinka Hodan iyo H/wadaag, halkaasoo Ciidamada isku fidiyeen ka hor inta aanu soo caga dhigan Madaxweyne Shariif iyo wafdigiisa.

Inta badan mararka Madaxda Dowladda ay dhoofayaan amaba ay soo dagayaan ayaa waxaa ka dhashay qasaaro nafeed oo Rayidka soo gaara, marka wadsooyinka la xiro, deetana ay weeraro waali ah ku qaadaan Xoogaga Mucaaradka.

Khamiistii la soo dhaafay ayay aheyd markii Madaxweyne Shariif oo ka dhoofayay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho weeraro Hoobiyeyaal lagu qaaday diyaaradiisa, taasoo Ciidamada AMISOM jawaab culus ay ka bixiyeen

Comments (0)

Madaafiic ku socota Suuqa bakaaraha iyo Xaaladda oo sii xumaatay

Posted on 28 October 2009 by dadweyne

Suuqa Bakaaraha ayaa maanta ku jira marxalad aan caadi aheyn, kadib markii Taangiyada AMISOM ay kubaareeyeen, isla markaana uu Suuqa yahay Quful albaab iyadoona duqeyn culus ku socota.

Ciidamada AMISOM oo saaka ku faafay Xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan ayaa waxaa markii dambe lagala hortagay dagaal iyo duqeymo Xoogaga Hubeysan ay ku qaadeen, iyadoo Magaalada waqtigaas gashay jawi aad u kacsanaan ah.

Wadada dheer ee Maka Al-Mukarama ayaa ah mid xiran, iyadoona Wadada Dabka ee Gaadiidka ka geli jireen dhinaca Suuqa Bakaaraha ay iyana tahay mid go’an oo Taangiyada ay taagan yihiin.

Duqeynta ku socota Suuqa Bakaaraha ayaa aad u sii xoogeysanaya saacadba saacada ka dambeysa, waxaana xaalada tahay mid cakiran.

Ganacsiga Suuqa Bakaaraha ayaa ah mid albaabada u laaban, waxaana dadka fara ku tiriska ee saaka galay Suuqa Bakaaraha ku kala carareen Dhismayaasha Shubka oo ay kaga gaashamayaan Madaafiicda tooska ee ku socota

Comments (0)

Sarkaal u shaqeynayay Qaramada Midoobey oo Jowhar lagu xiray

Posted on 27 October 2009 by dadweyne

dablayda Shabaab ee magaalada Jowhar ayaa xabsiga u taxaabay Sarkaal u shaqeynayay Hey’adda UNHABITAD oo ka mid ah Hey’adaha Qaramada Midoobey ee qaabilsan dhismayaasha gaar ahaan Kawaanada iyo dhismayaasha guud.

Eng, C/qaadir Nuur ayaa la sheegay in maleeshiyada al shabaab ee magaalada ay xabsiga dhigeen shalay gelinkii isagoo xalay ku hoyday Xabsi, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysa xarigiisa.

Wararka aanu ka heleyno Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in sarkaalkan uu gacanta ku hayay howlo guryo loogu dhisayay dadka barakayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Jowhar, iyadoo sidoo kale Hey’adiisa ku howlaneyd dhismaha Xafiis ay ka furato magaalada iyo Warshad sameysa Bulukeetiga si ay ugu kaashato dhismayaasha ay ka hirgelineyso Magaalada.

Ilaa 450 guri ayay wararku sheegayaan in uu wado dhismayaashooda Sarkaalkaas ay xabsiga dhigeen Maleeshiyaadka Shabaab, inkastoo aan wali la ogeyn sababaha loo xiray.

Inta badan Hey’adaha sama falka ayaa si culeys ku jirta uga howl gala Magaalada Jowhar, halka qaarkoodna albaabada loo laabay, waxaana gaabis ah howlihii sama falka ee ka jiray Gobolka, waxaana saameynta ugu weyn ay tahay in Hey’adihii Qaramada Midoobey aanay ka howl gelin magaalada kadib markii laga mamnuucay, waxaana jirtay boob iyo bililaqo ballaaran oo loo geystay xarumihii Hey’adaha Qaramada Midoobey ku lahaayeen Jowhar

Comments (0)

SHARIIF XASAN MA MUDNA,MUXUUSE NAGA MUDAN YAHAY?

Posted on 27 October 2009 by dadweyne

Shariif Xasan Sh Aadan, Waa Ra’iisal wasaare kuxigeen ahna Wasiirka Maaliyadda, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin horumar ka sameeyay dhinaca wadahadalada iyo Siyaasadda, dadka qaarkiisana waxay ku sheegaan inuu yahay maskaxdii ka dambeysay wadahadalkii Jabuuti ee Dowladda Shariif Sheekh Axmed madaxweynaha ka yahay.
2004-tii Shariif Xasan waxaa loo doortay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya,sidoo kale waxaa soo noqday guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysigii Dib u xoreynta xaruntiisa ahayd magaalada Asmara.
Waxaa uu qeyb weyn ka qaatay wadahadaladii Jabuuti ku dhex maray Isbaheysigaas iyo Dowladda Federaalka isagoo sidoo kalena abuuray tanaasulaad fara badan.
Haatan oo ah Wasiirka Maaliyadda waxaa sameeyay dhaqaaq muhiim ah kadib markii heshiis la galay shirkad Caalami ah oo ilaalinaysa hantida Dowladda.
Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya, Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa wareysi uu hadda ka hor siiyay BBC-da waxaa uu ku sheegay in wasaaraddiisu ay heshiis la gashay shirkadda Price Water House Cooper PWC, oo xagga xisaabaadka qaabbilsan.

Heshiiskan waxaa amaan ballaaran u jeedisay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Ciliton mar ay Magaalada Nairobi kula kulantay Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed
Laga billaabo 1-da November 2009, badeecad kasta oo Soomaaliya uga imaaneysa dibadda waa in ay haysataa shahaado ay soo siisay sharikadda Bureau Veritas, oo ay dowladda Soomaaliya heshiis kula gashay in ay baarto tayada badeecadaha tegeya Soomaaliya
Wasiirka Ganacsiga ee Soomaaliya, Cabdirashiid Maxamed Cabdi, ayaa BBC u sheegay in heshiiskan oo hadda dhaqan gelaya uu yahay mid uu hore u saxiixay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Adan.
Haddaba dad ayaa bilaabay in ay si qaldan u fasiraan waxqabadka uu sameeyay Wasiirka Maaliyadda, kooxdaas waxay sameeyen dacaayado raqiis ah oo waxba u dhimi karin tayada waxqabadka Wasiirka.
Hadalada been abuurka ah ee la sameeyay Wasiirka Maaliyadda waxaa ka mid ah inuu isago maamulo Siyaasadda Dowladda taasina waa mid xaaran ah oo dad waxmagarato faafiyeen.
Dowladda waxay leedahay Baarlamaan,madaxweyne, Xukuumad uu madax ka yahay Cumar C/rashiid, Shariif Xasana waxaa uu ka mid yahay Golaha wasiirada Cumar hoggaamiya waxaa uu golahaas ku dhex leeyahay kaliya fikirkiisa wuxuuna la mid yahay Wasiirada kale ee Xukuumadda ka mid ah.
Mas’uul kasta waa la eedeyn karaa laakiin ma aha in la abuuro dacaayado micno ku dhisnayn oo raqiis ah kuwaas oo la dhihi karo waa cadawtinimo,xaasidnimo iyo dadnimo xumo la ciif ah.
Dadka Soomaaliyed waxaa looga baahan yahay in ay fahamaan micnaha uu leeyahay hadalka wanaaga, waayo xumaanto Diinteena Islaamka ma ogola xitaa haddii aad xumaan aragto waxaa fiican inaad hakameyso oo aad talo fiican ka dhiibato si loo bedelo xumaantaas loona helo wanaag.
Shariif Xasan waxaa ka mid yahay sidan kor ku soo xusnay xubnaha dib-u-heshiisiinta horumar weyn ka sameeyey oo qaar ka mid ah maanta ka mid ah Golaha wasiirada qaar kalena Sida Axmed C/salaan iyo Mustaf Dhuxulow jagadii ay haayan ka doorteen Maslaxada Umadda Soomaaliyed, iyagoo tanaasulaad aan horey loo arkin sameeyay.
Shariif Xasana waxaa uu ka tanasulay markii Jabuuti la isugu tagay jagada Guddoomiyaha baarlamaanka oo uu si aad u doon doonayay ka hor inta uusan ka tanaasulin

19 sano oo nidaam la’aan ka jirtay Somaliya dadkii oo dhan sidu dalka isku bedelay ayay isku bedeleen,waxay eegaan oo kaliya dhinaca xumaanta, waxaa wanaagsan in la eego dhinaca wanaaga xitaa waa la is barbar dhigi karaa labada dhinaca.
Aan eegno xaalada dalkeena ku jira, aan la shaqeyno nidaamka hadda madaxda ka yahay Shariif Sh Axmed si looga baxo nidaam la’aanta.
Haddaba Shariif Xasan Sheekh ma mudna in laga faafiyo hadalo iyo eriyo been abuur ah, waxaan qabaa in lagu amaano waxqabadkiisa laguna taageero dadaalkiisa fara badan ee dhinaca nabadda ah.

Comments (0)

Shabaabka oo dhacay Xawaladda Hodan Global

Posted on 26 October 2009 by dadweyne

Dabley hubeysan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta waxay dhac u geysteen Laanta Ceelasha Biyaha ee Shirkadda Xawaaladda Hodan Global Money Transfer.
Dableyda dhacday Xaruntan Xawaaladeed oo dhowr ruux ka koobneyd markii ay gudaha u galeen xarunta Xawaaladda waxay qasnajigii Xawaaladda ku amreen in uu soo bixiyo lacagta qasnadda ugu jirta, waxayna sidaas ku qaateen lacag dhan 15 Kun oo Doollar ah.
Deegaanka Ceelasha Biyaha uu gacanta ku hayo Ururka Xisbul Islaam oo ka taliya deegaanno dhowr ah oo ku yaalla Koofurta Soomaaliya ayaa loo soo gacan dhaafay maamulkooda waxaana dhaca ka dambeeyay kooxda shabaab
Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku yaalla inta u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ayaa waxaa ka furan n Goobo Ganacsi iyo kuwo deegaan ah oo aad u faro badan kuwaasi oo si weyn loo degay horraantii sanadkii 2007, xiligaas oo ay dalka Soomaaliya soo galeen Ciidamo Itoobiyaan ah, waxaana deegaankaas inta badan ku nool dad ka qaxay magaalada Muqdisho.

Comments (0)

Dhalinyaro Kubada cagta ciyaareysay oo si layaab leh loogu garbaashay magaalada Jowhar

Posted on 26 October 2009 by dadweyne

Maleeshiyada al Shabaab ee ka arimiya magaalada Jowhar ayaa shalay meel fagaare ah ku garbaashay dhalinyaro da’yar ah oo Kubada cagta ku ciyaareysay magaalada Jowhar, taasoo ay la yaabeen dadkii loogu yeeray in ay daawadaan xukunka Tacsiirta loogu yeero.

dablayda Maamulka magaalada ayaa howl galo ku qab qabtay dhalinyaro tobaneeyo ah oo shalay gelinkii dambe Kubad ku ciyaareysay Garoonka Magaalada Jowhar, kuwaasoo lagu eedeeyay in Kubad si maalayacni u cayaarayeen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in gawaari cod baahiyeyaal lagu rakibay lagu farayay dadka in ay u soo daawasha tagaan xukunka Garbaashka, waxaana dhalinyaradan oo da’ahaan lagu sheegay 10-15

Garbaashka oo ka dhacay fagaare ku yaala Xaafada Hanti-wadaag ayaa min 38-jeydal lagu garbaashay wiilkiiba taasoo dhalinyarada qaar ay fagaarihii lagu garbaashay ku ooyeen, iyagoo aad uga xanuunsaday garbaashka.

Maalmihii u dambeeyay ayaa Shabaab dadka farayay in Kubad cagta la ciyaari karin, taasoo ay ku sheegeen mid maalayacni ah oo mashquulineysa waqtiga cibaadada, isla markaana laga soo minguuriyay dalalka reer galbeedka, waxaana bedelka ay cayaarayaan kubada loogu baaqay dhalinyarada inay safka jihaadka ku soo biiraan

Comments (0)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya”Labada Bilood ee soo socota Ciidamo cusub oo afrikan ah ayaa tagi doona muqdisho”

Posted on 25 October 2009 by dadweyne

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli ayaa shaaca ka qaaday in labada bilood ee soo socota la geyn doono Soomaaliya ciidamo Afrika ah oo hor leh.

“Waxaan rajeyneynaa in labada bilood ee soo socota ay walaalaheena Afrika ay soo dhameystiri doonaan ciidamadii dheeraadka ahaa ee laga filayay”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jengeli.

Magaalada Muqdisho xarunta dalka Somaliya ayaa waxaa ku sugan hadda Ciidamo ka socda dalalka Brundi iyo Uganda kuwaas oo ilaaliya oo kaliya Dekedda,garoonka, madaxtooyada iyo Sedexda mas’uul ee ugu sareysa Dowladda.

“Waxaa jira dalal sheegay in ay soo diri doonaan Ciidamo hadda tababar ku jira oo ay Qaramada Midoobay tababareyso, kuwaasi oo tababarka ka hor aan khibrad fiican u lahayn howlaha nabad ilaalinta”ayuu mar kale yiri Wasiirka Arrimaha Dibadd Soomaaliya.

Waxaa jiray dalal badan oo horay u ballanqaaday in ay ciidamo u dirayaan Soomaaliya, hayeeshee qalalaasaha ku soo kordhay dalka Soomaaliya aawgiis dib u dhigay ciidamadii ay diri lahaayeen. Dalalkaas waxaa ka mid ah Nigeria, Ghana, Malawi, Siera Leone iyo Jibouti.

Comments (0)

Maleeshiyada Shabaab diyaar uma aha wadahadal laakiin anaga waa sii wadaynaa wada xaajoodka

Posted on 25 October 2009 by dadweyne

Jaamacadda Carabta ayaa qaati ka taagan maleeshiyaadka shabaab iyo Xisbul Islaam kadib markii ay diideen sida uu sheegay Sarkaal u hadlay Jaamacadda Carabta wadahadal ay la galaan Dowladda KMG ah.

Ibrahim Al-Shuwaymi oo ah Safiirka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya ayaa sheegay in ay in muddo ah isku dayayeen in ay wada hadallo ka dhex furaan Dowladda Soomaaliya iyo Kooxaha ka soo horjeeda balse aysan dadaalladaas noqonin kuwo miro dhalay

Safiirka ayaa sheegay in Dowladda KMG ah ee Madaxweynaha ka yahay Shariif Sh Axmed ay diyaar u tahay wadahadal iyo wada xaajood isagoo dhinaca kale Shabaabka iyo Xisbul Islaam ku sheegay in aysan rabin wadahadal.

Shabaabka ayaa ah koox u adeegaysa Al qaacida halka Xisbul Islaam iyagana tabar badan aan lahayn xilligan oo ay qarka u saaran yihiin burbur.

Comments (0)

Iska hor imaad hubeysan oo ka dhacay muqdisho

Posted on 24 October 2009 by dadweyne

Iska hor-imaad waqti kooban socday ayaa saaka wuxuu ka dhacay nawaaxiga Kuliyaddii Jaalle Siyaad ee Magaalada Muqdisho.

Iska hor-imaadka ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamada Amisom ee fariisinka ku leh Kuliyaddii Jaalle Siyaad iyo maleeshiyada shabaab, iyadoo iska hor-imaadkana uu bilowday kaddib markii ay shabaabka weerar ku qaadeen saldhigaas

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in labada dhinac ee dagaallamay ay isu adeegsadeen madaafiic uu ku jiro qoriga Hoobiyaha, sidoo kalena ay isweydaarsadeen rasaas aad u xooggan oo dhawaqeeda laga maqlayay meelo ka baxsan halka uu dagaalka ka dhacayay.
Wararka ayaa sheegaya in kooxda shabaab dagaalka looga dilay tiro maleeshiyo ah.
Sidoo kale shabaabka waxay halkaas ka qaateen dhaawacyo fara badan.

Comments (0)

Uganda rebukes Somali Islamists

Posted on 24 October 2009 by dadweyne

Kampala: Ugandan President Yoweri Museveni has said Somali Islamists will “pay” if they attack Uganda’s capital, Kampala.

He spoke after a commander of the Somali Islamist group al-Shabab said it would target Uganda and Burundi, which have peacekeepers in Somalia.

Islamists threatened Uganda after shelling in Mogadishu
The commander said al-Shabab wanted to retaliate after at least 20 civilians were killed as peacekeepers shelled insurgent strongholds in Mogadishu.

A spokesman for the peacekeepers said militants had caused the deaths.

The peacekeepers, who are part of the African Union force Amisom, were responding to an insurgent attack on the airport that occurred as Somalia’s president was leaving for a conference in Uganda.

After heavy shelling left at least 20 dead and more than 50 injured, al-Shabab commander Sheikh Ali Mohamed Hussein said militants would attack Kampala and Bujumbura, the capital of Burundi.

“We shall make their people cry,” he said. “We will move our fighting to those two cities and we shall destroy them.”

Peacekeeper denial

Mr Museveni rebutted the threat.

“Those terrorists, I would advise them to concentrate on solving their problems,” he said.

“If they try to attack Uganda, then they will pay because we know how to attack those who attack us.”

A spokesman for the Amisom peacekeeping force, Maj Barigye Ba-hoku, said peacekeepers were not responsible for Thursday’s civilian casualties, including those in Mogadishu’s main market, Bakara.

“Al-Shabab wants to drag us into their war,” he told Reuters news agency.

“They shell us and then they also shell Bakara, then they tell people there it was Amisom who killed civilians.”

Somalia has been plagued by conflict since 1991.

An estimated 1.5 million Somalis are internally displaced and living in makeshift camps and hundreds of thousands have fled the country.

Islamist militants dominate much of southern and central Somalia, while the UN-backed government of moderate Islamist President Sheikh Sharif Sheikh Ahmed runs only parts of the capital.

Thursday’s fighting in Mogadishu began as President Ahmed was leaving for a conference of African heads of state in Kampala.

On Friday, the conference adopted a convention on the rights of displaced people that calls on member states to provide assistance to the displaced and rebuild communities emerging from wars

Comments (0)

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo bilaabay in ay alaabtooda ka rartan suuqa

Posted on 24 October 2009 by dadweyne

Suuqa Bakaaraha ayaa soo wajahday marxalad aad ugu culus marxaladihii hore, iyadoo uu qarka u saaran yahay xaalad kala guur ah, kadib markii ay badatay duqeymaha suuqa lala dhaca maalin walba.

Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa ku jahwareersan Madaaficida lagu duqeeyo Suuqa, iyagoo wal wal ka qaba hantidooda taala Suuqa oo marar badan madaafiicda ay baabi’iyiin.

Inta badan qeybihii ganacsiga xowliga ka jiray Suuqa ayaa ah mid albaabada u xiran yihiin, waxaana qaar ka mid ah ganacsatadu bilaabeen in alaabahooda ganacsi iyo hantidooda kala baxaan.

Mid ka mid ah dadka ku ganacsada Suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in aanay u dul qaadan karin duqeymaha oo ay ku waayeen naf iyo maal, waxaana uu cadeeyay inay isaga guurayaan suuqa.

Gudoomiyaha Ganacsatada Suuqa Bakaaraha Cali Maxamed Siyaad (Cali Dheere) ayaa ku eedeeyay Ciidamad AMISOM in hambadii dadka ka soo hartay ay sii ciribtirayaan, waxaana uu sheegay in Suuqa ay mar walba beegsadaan.

“Artileriga ay Suuqa ku ridaan ma ahan mid loo adkeysan karo, waliba Madaafiic mamuuc ayay nagu duqeeyaan”ayuu ku cataabay Mr Cali Dheere oo intaa ku daray in ay ka codsanayaa Hey’adaha Xuquuqda aadanaha inay la xisaabtamaan.

Cali Dheere ayaa beeniyay in suuqa madaafiic laga gano oo mar walba ay duqeynta lagu soo qaado jawaab u tahay tan laga tuuro, waxaana uu sheegay in warkaas uu yahay qiil ay sameysteen AMISOM.

Ganaacsatada qaar ayaa dalbanaya in laga joojiyo Suuqa oo ah dhaq dhaqaaqa kaliya ee ganacsiga Soomaaliya ka jira, waxaase haatan u muuqda mid ku socda in lagu kala tago.

Inta badan Ganacsatada ayaa alaabahooda u rartay gobolada dalka, kuwa aan dhibaatooyinka ka jirin waxaana ganacsatadu ku andacoodeen in aanay ku ganacsan karin Suuqa inta ay duqeynta socoto.

Kooxaha Islaamiyiinta ayaa la rumeysan yahay in Hoy iyo gabaad u tahay Suuqa Bakaaraha, iyagoo ku soo rogay Nidaam islaami ah, waxaana Dowladda KMG ay sheegtaa in suuqa laga soo agaasimo weerarada joogtada ah ee xarumahooda lagu soo qaado

Comments (0)

Culimada Ahlu Sunna Waljameeca oo Maamulo u sameynaya deegaanada ay gacanta ku hayaan

Posted on 23 October 2009 by dadweyne

Xog-haya guud ee Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ee gacanta ku haya inta badan bartamaha Soomaaliya Sheekh Axmed C/llaahi Ilka-case ayaa sheegay in uu jiro qorshe la doonayo in Maamulo loogu sameeyo dhulka ay gacanta ku hayaan gaar ahaan degmooyinka uu ka kooban yahay Goballka Gal-gaduud.

Axmed C/llaahi waxaa uu intaa ku daray in Culimadu wadaan wada tashiyo iyo kulamo ay lala qaadanayo dadka ku dhaqan deegaannada lagu wado in Maamulada loo sameeyo, si markaa ayuu yiri Maamulku uu noqdo mid laga wada qeyb-galo islamarkaana ku yimaada rabitaanka Bulshada.

Gaar ahaan waxaa uu carabka ku dhuftay degmada Gure-ceel oo durbaba la bilaabay dhismaha Maamul ay yeelato kaa oo maalmaha soo socda la shaacin doono sida uu sheegay Xog-haya Culimada Ahlu Sunna Waljameeca ee Goballada dhexe.

Mar uu ka hadlay habka loo dhisayo Maamulka waxaa uu sheegay in Xubnaha ka koobnaan doonaan 21xubnood kuwaa 3 ka mid ah ka soo dhax bixi doonaan Culimada Ahlu Sunna halka 18-ka soo harayna laga soo dhax dooran doono bulshada qeybaheeda kala duwan, maadaama ayuu yiri taladu tahay mid la wada leeyahay,

Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa ka mid ah garabyada hubeysan ee ka jira dalka Soomaaliya, gaar ahaan waxaa ay siweyn isaga soo horjeedaa Ururo Diimeedyada kale ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam oo dhowr jeer oo hore uu dagaal dhaxmaray, waxaana la sheegeen in Culimada Ahlu Sunna Waljameeca yihiin Siyaasada ahaan kuwo siweyn ugu dhaw dhaw Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

Comments (0)

Shabaabka oo sheegtay in ay weerari doonaan Kampala iyo Bujanbuuro

Posted on 23 October 2009 by dadweyne

Ururka Al Shabaabul oo kamid ah dhinacyada ku kacsan Dowladda KMG Somalia iyo Ciidanka AMISOM ayaa si kulul uga hadlay Duqaymihii khasaaraha dhaliyay ee ka dhacay magaalada muqdisho maalintii shalay.

Waaliga Wilaayada Islaamiga Gobalka Banaadir ugu magacaaban Shabaab Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo Shir Jaraa’id ku qabtay Khadadka Taleefanada ayaa sheegay in ay u Aar gudi doonaan shacabka Muqdisho.

Wuxuu sheegay in ay dhimanayaan shacab rayid ah sidaas darteedna ay iyagu dhimanayaan intii ay Madaafiic ku dhima lahaayeen Haween iyo carruur Masaakiin ah sida uu hadalka u dhigay.

” Mujaahidiintu way Difaaci doonaan shacabka waxaana dhawaan fuli doonaan Fal ka xun kii ay shacabka Bakaaraha ku dhigeen” ayuu yiri Sheekh Cali.

Shabaab waxay sheegen in ay Weeraro la beegsan doonto magaalooyinka Kampala iyo Bujanbuuro wadamada Burundi iyo Uganda.

Kooxda shabaab ayaa si cad u sheegatay in ay qaadi doonto labo weerar oo laga fulin doona caasimadaha dalalka Uganda iyo Brundi.

Comments (0)

Xildhibaanada Beelaha Hawiye oo furka tuurtay, kana dhiidhiyay duqeymaha arxan darada AMISOM

Posted on 22 October 2009 by dadweyne

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta markii u horeysay si caro leh uga hadlay Duqeymaha joogtoobay ee Ciidamada AMISOM ku hayaan xaafadaha magaalada Muqdisho, iyadoo duqeyntii u dambeysay ee maanta ay galaafatay nolosha dad kor u dhaafaya 20-ruux.

In ka badan 20-mudane oo ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa cambaareeyay duqeyntii maanta Ciidamada AMISOM u geysteen Xaafadaha Muqdisho, gaar ahaan suuqa furan ee Bakaaraha oo bartilmaameed u noqday dhinacyada iska soo horjeeda.

Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ahaa mudanayaashii Baarlamaanka ee sida aadka ah uga xumaaday Duqeynta ayaa sheegay in aanay mar kale loo dulqaadan doonin duqeyn kale.

“Madaxtooyada anaga waxaa u naqaanaa meel dadka looga taliyo ee ma ahan meel dadka lagu laayo, sidaas darteed waxaa Dowladda u sheegeynaa hadey ay af garaneyso AMISOM duqeynta haka joojiso Shacabka”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay wado gumaad la mid ah tii Ethiopianka ka wadeen dalka, waxaana uu sheegay in taasi aan laga yeeli doonin sida uu hadalka u dhigay.

Kulanka Xildhibaanada ayuu sheegay in qodobo badan ka soo saareen, isla markaana ay ugu baaqeen AMISOM inay joojiyaan duqeynta.

“Waxaa la yaab leh qori mortar ah oo cabirkiisu yar yahay ayaa lagu ridayaa markaasey ku jawaabayaan qori culus oo aanan loo adkeysan karin”ayuu yiri Bootaan Ciise Caalin oo intaa ku daray in Ethiopia ay ku baxday Madaafiicdii ay ku garaaci jirtay shacabka.

Xildhibaanadan ayaa noqonaya xildhibaanadii u horeeyay ee si cad uga horyimaada Duqeynta culus ee AMISOM u geystaan Magaalada Muqdisho, iyadoo duqeymahaas ay dhacaan xilliyada la soo weeraro oo si aan kala sooc laheyn Madaafiic ugu harqiya qeybaha kala duwan ee Caasimada Muqdihso

Comments (0)

Ra’iisal wasaare Cumar oo ku sii jeeda London

Posted on 22 October 2009 by dadweyne

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa wuxuu 28-ka bishan uga qeybgeli doonaa shir looga hadlayo nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya, kaasi oo ay soo qabanqaabisay Xarunta Chatham House qeybteeda Africa.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa shirkan wuxuu ka jeedin doonaa hadal ku saabsan dadaallada iyo muhiimadaha ay Dowladda Soomaaliya siineyso sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya iyo weliba waxyaabaha u qorsheysan mustaqbalka ee ay dooneyso in ay qabato Dowladda uu Raa’iisal Wasaaraha ka yahay.
Wuxuu kaloo ka hadli doonaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya dhibaatooyinka soo wajahay Soomaaliya iyo sida dhibaatooyinkan looga gudbi karo. Kaddibna wuxuu Ra’iisal Wasaaraha ka jawaabi doonaa su’aalo ay weydiin doonaan ka soo qeybgaliyaasha
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada London wuxuu la kulmi doonaa madax ka tirsan Dowladda Britain, kuwaasi oo laga xusi karo Wasiirka Arrimaha Dibadda Britain David Miliband iyo weliba Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Britain.
Waxaa kaloo qeyb ka ah socdaalka Ra’iisal Wasaaraha safarro uu ku tegayo Magaalada Brusells ee Dalka Belgium iyo Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya, halkaasi oo ay xarumo ku leeyihiin wakiillada Beesha Caalamka ee daneeya Arrimaha Soomaaliya.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma-arke ayaa waxaa xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya loo magacaabay bishii Febraayo ee sanadkan, waxayna Xukuumaddiisa wajaheysaa caqabado kaga imaanaya dhinaca kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda jiritaanka Dowladda Soomaaliya iyo weliba in dalka Soomaaliya lagu soo celiyo sharcigii iyo kala dambeyntii.

Comments (0)

In ka badan 30 qof ayaa ku dhimatay Weerar madaafiic ah oo lala beegsaday Madaxweyne Shariif

Posted on 22 October 2009 by dadweyne

Inka badan 30 qofood ayaa ku dhimatay ku dhawaad 70 kalana waa ay ku dhaawacmeen madaafiic fara badan oo saakay la isku weydaarsaday Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho xilli uu dalka ka dhoofayay Madaxweynaha Dowladda KMG ah Shariif Sh Axmed.

Degaanada Madaafiicda lala helay waxaa u badan degmada Hodan,waxaana xiga Howl wadaag iyo dayniile sida ay sheegayan wararka..

Sida ay ku waramayaan gaadiidka gurmadka ku dhawaad 60 ayaa dhaawacyo culus ka soo gaaray madaafiicdaas oo ay is weydaarsanayeen Ciidamada AMISOM iyo kooxaha Dowladda ka soo horjeeda, iyadoo dhimashadana ilaa iyo hadda la soo wariyay in ku dhaw 30 qof.

Kooxda shabaab ayaa madaafiic ku weerartay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada muqdisho halkaas oo ka dhoofayay madaxweyne Shariif iyo wafdi la socday kuwaas oo ku sii jeeday dalka Uganda.

Madaafiic fara badan oo ay soo ridayaan ciidamada AMISOM oo is daba joogta islamarkaana jawaab u ahaa kuwii lagu riday Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa ay ku dhacayeen Xaafadaha degmada Hodon waxaana ka mid ah goobahaasi Xaafadda Barmuudo,K.p.p iyo Isgoyska Suuqa Bakaaraha,waxaana madaaficdaasi ay sameyn ku yeesheen dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee saakay ka bilaaban lahaa gudaha Suuqa Bakaaraha.

Comments (0)

Real Madrid 2-3 AC Milan: Pato Double Helps Sink Blancos

Posted on 22 October 2009 by dadweyne

Real Madrid 2-3 AC Milan: Pato Double Helps Sink Blancos
There was more than a hint of a goalkeeping nightmare for both glovesmen during an exciting tie at the Bernabeu, which lived up to its pre-match billing…
Oct 21, 2009 10:15:11 PM
Photo GalleryZoomAlexandre Pato, Real Madrid, Milan (Getty Images)
Related Links
Teams
Milan
Real Madrid
Real Madrid 2-3 AC Milan – Line-Ups/Stats
Champions League Results/Fixtures

Real Madrid went down to AC Milan in the Champions League group stage at the Bernabeu to leave the two clubs level on 6 points in Group C; a brace from Alexandre Pato and a stunning Andrea Pirlo strike were enough to sink the hosts, who registered goals through Raul and Royston Drenthe.

Dida’s interventions on 19 minutes gifted the Blancos’ captain a 66th goal in the competition before Milan restored parity though Pirlo’s wonderful effort just after the hour.

A defensive calamity, a combination of awfulness between Pepe, Raul Albiol and Iker Casillas, allowed a Massimo Ambrosini through-ball to find Pato a moment later; the Brazilian could not believe his luck and stroked the ball home with minimal fuss.

Drenthe smashed a leveller with just over 10 minutes to play and Raul saw an offside effort chalked off before Thiago Silva thought he won it for the visitors.

His compatriot, Pato, did in the 87th minute from Seedorf’s through pass as the Madrid defensive line was typically shoddy.

Dida: Redeemed Himself After A Nightmare Start

There wasn’t a lot to choose between the sides in the opening stages as Milan set their stall out effectively to prevent the hosts from cutting through them.

Indeed, the visiting side found an outlet for their attacking play on the flanks early on, from where the clever running of Pato and the accurate deliveries of Clarence Seedorf put Madrid on the back foot. However, they could not forced the bearded figure of Iker Casillas into employment.

It was the hosts who showed more conviction in their offence and the trio of Kaka, Raul and Karim Benzema combined for the first chance of the evening, which was blocked by the ever capable Alessandro Nesta on four minutes.

Sergio Ramos then offered a cross to Esteban Granero, who could find only the buttery palms of Dida. Manuel Pellegrini’s side had a steadier base from which to work in midfield, with the efficient Lassana Diarra using the ball well throughout and should have had a penalty on 12 minutes when the ponderous Gianluca Zambrotta ploughed into Benzema from behind; inexplicably, the referee saw nothing untoward and gave a goal-kick.

Madrid did not have to wait long for their opener though, as Dida’s nightmare soon followed. After saving a tame Granero effort, the ‘keeper bounced the ball off his own knee and into the path of the ever conscious Raul, who netted from a tight angle.

Benzema almost added a second for the iconic number 7 a short time later, but the striker’s effort was narrowly off the frame of the goal.

Madrid pressed; Lass’ cross-shot almost caught Dida unaware ten minutes before the break before Marcelo rounded off the first half’s action with a teasing run and a powerful drive that forced a save.

In between, Pato managed to slip Marcelo again to provide for the peripheral Ronaldinho, who could only find the posterior of Ramos with his goal-bound strike.

Raul Would Never Look A Gift Horse In The Mouth

The hosts continued their dominance of the shooting statistics after the break but could not add to their lead; Raul had a chance from Granero’s breakaway but could not trouble Dida.

Kaka jinked past Massimo Oddo and slammed a shot on target but the ‘keeper redeemed himself with a fine stop.

He was also equal to the efforts of Benzema moments later as Real went for the jugular. Their skipper’s chipped finish, from a Casillas clearance, was then weak before the half was sprung to life from the boot of Pirlo.

The hosts were made to pay for their profligacy just after the hour when the Milan midfielder hit the Bernabeu with a 35-yard sucker punch; he struck the sweetest of efforts inside Casillas’ near post to leave the Spanish capital aghast.

Gianluca Zambrotta, as Madrid reeled, tried similar moments later but his shot fizzed wide. But Leonardo’s team were about to turn the encounter on its head.

What followed, only seconds after, was a gift to hand the initiative to the guests. Ambrosini’s speculative punt split Albiol and Pepe and Casillas raced from his goal. He could not get near Pato as the forward rounded him with ease to slot home. The touchpaper had well and truly been lit and the Merengues again had defensive questions to answer.

With 14 minutes to play, they had their equaliser though. Raul’s short corner found Royston Drenthe at the edge of the box and the erstwhile boo-boy elicited cheers with a well-struck shot which beat Dida all ends up.

Madrid thought they won it as the game moved towards its giddy conclusion; Kaka’s shot rebounded to Raul, whose effort barely made it over the line before being ruled illegitimate.

Milan were up in arms moments later when a seemingly valid Thiago Silva header was struck off for a non-existent foul as he beat Casillas and two others at the near post. What followed was fisticuffs and a booking for the pugnacious Raul.

The sting in the tail for Pellegrini came in the 87th minute; Pato was at least 10 yards from his marker, Marcelo, when Seedorf’s pass was clipped across the area. He made use of his his calm surroundings and held his nerve to pass the ball home right-footed on Casillas’ near post.

The Zurich loss has been avenged

Comments (0)

Xasan Dahir “Dagaalka waa sii wadaynaa intaan ka helayno”

Posted on 21 October 2009 by dadweyne

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa waxaa uu maanta sheegay in dagaalada ay sii wadayaan ilaa dowlad islaami ah ay ka dhalato dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Aweys ayaa waxaa uu ka warbixiyay sababaha ay u dagaalamayaan Ururka Xisbul Islaam xili uu ka hadlayay Munaasabad ay soo qaban qaabiyeen Ururkaasi islamarkaana ay kula kulamayeen odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay in sababta ay Ururka Xisbul Islaami u dagaalamayaan ay tahay sidii dalka Soomaaliya loogu heli lahaa dowlada Islaami ah oo ay ku kalsonyihiin shacabka Allana uu raali ka yahay.

Hadalkan ayuu jeediyay waqti Xisbul Islaam inta badan maleeshiyadiisa isu dhiibeen Dowladda KMG ah, halka qaar kale oo ururkiisa ka mid ah dagaal kula jiraan kooxda shabaab.

Comments (0)

Xassan Turki oo la isku heeysto jagada u baneeyeey, inkastoo u nool yahay

Posted on 20 October 2009 by dadweyne

Xunbaha Absame ee ku sugan jubooyinka aya ku muransan sidi loo wadi laha hanaanki u taagay Xasan Cabdullahi Turki oo aad xanuunsan oo la rumeeysan yahay xata haddi u noolaado inu dhamaaday xiligi u wax ku ool ka aha.

Waxaa cadaan noqotay in xiligi u talin laha u dhamaaday caafimaad awgeed.

Waxa khilaaf ka jira cidi badali laheeyd isag oo sariirta saaran, waxaana ugu cad Sheekh Ibrahim Shukri, Sheekh Daahir Axmed Cabadullahi iyo Axmed Madoobe oo dhawaan ku hungoobey dagaalo u qaaday oo u rabay inu ku qabsado Kismayo iyo dhulka la xiriira.

Ibrahim Shukri oo gacan yare u aha Turki isla markaana ka tirsana golihii maxaakiimta aya rumeeysan  in Axmed Madoobe waxtar anu u geeysan danaha shacabka Jubooyinka sidoo kalena ay yar tahay cida aamini karta marka lagu daro dowlada ku meel gaarka ah.

Runti ahaan Sheekh Daahir waa nin dagaal aqoon ah, degen oo an muran siyaasadeed an galin, sidoo kaleh waxa u Xassan Turki ku diidana qaabka u xirxiray dadka jubooyinka ee dhulka u heeysto ka yeelay inu noqdo xabso korka ka feeydan.

Sidoo kale Sheekh Daahir waxa u diiday inu dagaal la galo Turki sanadki an soo dhafnay dhamaakiisii iyo billowgi sanadkan, xataa waxa la gaaray in gurigiisa la baaro oo la yira waxaad qarineeysa rag ka tirsan ONLF ee dhaawac ah.

Xiligaasi Turki oo wareersan aya rabay in la dilo xubno ka tirsan ONLF oo wax an u dhimin maamulkiisa ku dhisna cabsi galinta.

ONLF waxeey u dagaalamaan in dadka ku hoos nool Ethiopia ee Soomalida ah helaan madax- banaani, balse Turki ila hada lama yaqaan sababtu u leenayeey. 

“Hadda Xassan waa daruur na dhaftay oo waxa nala jooga qolafkiisa balse wax ku ool dambe ma noqon karo,” nin Suldaan ah oo diiday masgaciisa in la sheego aya yiri.

“Xumaan iyo samaan waxa u lahaaba waa inaga socda oo meel ayu u batay, balse dad eheladiisa ah aya rumeeysan in beesha Absame ay dhaxal u qaataan,” ayu yiri isagoo ka hadlaya Afmadoow, degmo ka tirsan Jubada Hoose.

Inkasta oo hooy ay u thay dad badan oo Somaaliyeed Jubada Hoose hadana waxa ugu badan dadka ku abtirsada Beesha Absame, taasina micnaheedu maha in ay beeshu ka tashan karto beelaha kele.

Axmed Madoobe waxa ku xiran tuhuno badan, sida Itoobiya oo lagu soo daaweeyey xili dagaal, dhinacyo  badan oo sheegtay dagaaladiisan cusub  iyo isagoo la hadla beesha Absame iyo mida Harti reer abtigiis oo kaliya, wuxuna kasban kari waayay beelaha Dir, Mareexaan, Gaaljecel, Mushunguli, Digil iyo Mirifle oo dhulkaas wax ka dega.

Haatan waxa ka jira Jubooyinka  xukun ku saleeysan waali oo la yimaadeen dhilin sheegata iney shareecada wax ku xukunto oo la yira shabaab.

Waxa inyana dhibta ka mid ah xukun Maxamed Subeeyr oo u badan Reer Cabdulle oo Absamaha kaleh an si micno leh u qadarin.

Xassan Turki taliyihiisa ciidan waa Sheekh Maxamed Gacma Dheere oo ka soo jeeda beesha Talomoge ee  Ogaadeen, balsein ka badan 10 jeer aya loo soo jeediyay Turki inu in reer Cabdulle ah ku badalo, xataa xilkaa waxa rabay rag u sodog u yahay, balse Turki waa diiday, inakstoo Gacamodheere lagu hoos maamulan jiray jagadiisa.

Xubno ka tirsan Besha Cowlyahan ee ogaadeen aya heshiis an la fulin Karin la yeeshay shabaab oo lagu maamulayo jubooinka, dadka heshiis la galay Shabaab waxa ay diidan yihiin maamulka reer Cabdulle sida la sheegay ee wax jaceeyla uma hayaan dableeyda shabaab oo dhulka ku heeysta xoog ka baxsan rabitaanka dadweeyne.

Comments (0)

Madaxweyne Shariif oo ku sii jeeda dalka Uganda

Posted on 20 October 2009 by dadweyne

Madaxweynaha Dowladda KMG ah somaliya Shariif Sh Axmed ayaa lagu wadaa inuu u duulo dalka Uganda oo ka furmi doono shirka looga hadlayo barakacyaasha adduunka eek u barakacay dagaalada dalkooda ka dhaca.

 Sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya Ali Jamac Jangali shirka Madaxweynayaasha ayaa furmaya 22 ka bishan iyadoo madaxda lagu casuumayna uu ka mid yahay Madaxweynaha somaliya.

 

19 kii sano aynu soo dhaafnay dalka somaliya waxaa ka barakacay dad aad u faran kuwaas oo qabtay dalalka Yurub,America iyo qaaradda Afrika

Comments (0)

Saraakiisha AMISOM oo wacad ku maray in ay tagayaan meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah

Posted on 20 October 2009 by dadweyne

Saraakiisha Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay tagi doonaan meel walba oo ka mid ah Soomaaliya, iyagoo sheegay in ay tagayaan iyagoo nabad Ilaalin ah, isla markaana fasax ka helay Midowga Afrika.

Afhayeen u hadlay AMISOM ayaa sheegay in qorshahooda kaliya aanu aheyn in ay joogaan Magaalada Muqdisho oo kaliya, hase ahaatee uu damacooda yahay in iyaga iyo Dowladda KMG ay tagaan meel kasta oo ka mid ah magaalooyinka dalka.

“Anaga halkan waxaan u joognaa nabad ilaalin, qorshaheena ma ahan inaan iska fadhino, hadii ogolaansho aan helno waan tageynaa meel kasta oo Soomaaliya ka mid ah”ayuu yiri Afhayeen u hadlay AMISOM oo ku sugan magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Uganda ayaa horay u sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada AMISOM lagu ballaariyo Magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo, oo aan lagu ekeyn Ciidamada Magaalada Muqdisho kaliya.

Waa markii u horeysay ee Saraakiisha AMISOM ee ku sugan caasimada Muqdisho si cad u sheegaan in ay tagaan meel kasta oo soomaaliya ka mid ah, iyagoo hela ogolaansho kaliya

Comments (0)

Qarax lala beegsaday Ciidamada AMISOM ee jooga Muqd

Posted on 19 October 2009 by dadweyne

Qarax miino ayaa saaka aroortii lala beegsaday Gaari ay leeyihiin Ciidamada Nabad ilaalinta Midowga Afrikka ee ku sugan Caasimadda Somaliya ee Muqdisho, iyadoo qaraxan uu ahaa mid dhawaaqiisa si weyn looga maqlay magaalada muqdisho

Gaariga Ciidamada AMISOM ayaa marayay Wadada Warshadaha iyagoo ku sii jeeday xerada Ciidamada Brundi ay ka degan yihiin Muqdisho ee Kuliyaddii Jaalle Siyaad.

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha rasmiga ee Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ka soo gaaray qaraxa miino ee lagula eegtay Wadada Warshadaha waxaana xiligaasi kadib ciidamada AMSIOM ay aruuriyeen bur burkii ka soo gaaray gaarigooda qaraxii lala eegtay.

Balse Afhayeen u hadlay AMISOM ayaa xaqiijiyay jiritaanka Qaraxa balse waxaa uu sheegay in aysan jirin wax khasaaro ah oo soo gaaray ciidamadii gaarigaas la socday

Comments (0)