Maleeshiyada shabaab ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday nolosha dadka somalida iyagoo ku sheegay waa somalida kuwa aan wax qiimo ah ku fadhin marka la is barbar dhigo qiimaha uu leeyahay Salah Cali Salah Nabhan ama xubin kale oo al qaacida ka tirsan.
Cali Max’uud Raage oo horey u ahaan jiray ilaaliyaha bakhaar Maxamed Qanyare hubka ku keydsan jiray balse hadda isku magacabay inuu yahay Afhayeenka dablayda shabaab ayaa yiri”Qiimaha uu noogu fadhiyay Salah Ali Salah Nabhan ma aha mid halkan lagu soo koobi karo, kuma doorsan karno 200 oo ruux oo Somali ah, waxaan dhihi karaa somalida isaga ayaa nooga qiimo badnaa”.
Shabaabka waxay sheegeen in dhimashada dad fara badan oo Somali ah oo maalin walba ku dhinta dagaalada ka socda caasimadda aan wax qiimo ah la lahayn balse ay ka welwelsan yihiin dhimashada Salah Nabhan iyo rag kale oo shabaabka qiimo u lahaa.
“Haddii Boqol dhimato waxba uma aragno waxaa kaliya inoo daran dhibka soo gaaraya dagaalyahanadeena waayo waa dad naftooda u hibeeyay ilahay”sidaas waxaa yiri Cali Dheere.
Shabaabka ayaa madaafiic ka dhex tuura bulshada dhexdooda iyagoo ku tuura xaafado dad rayid ah degan yihiin haddii madaafiicdaas laga soo jawaabo waxaa ku dhimanaya waa dad rayid ah.






September 21st, 2009 at 6:43 pm
al shabaab ilaahay dadka haka qabto baan leeyahay waxaana ila qaba dadkoo
dhan waana waalan yiin diintana dan bi baykagaleen manasaxna baan leeyahay-
ilaahaw dadkaaga KAQABSO NIMANKAA WAALWAALAN AAAAAAAAMIN AAAAAAAAAMIN
AAAAAAAAAMIN.