Qeeybaha| Cayaaraha

Xulka Braziil oo beerka kaga dhacay Maradona iyo Xulkiisa

Posted on 06 September 2009 by dadweyne

Waxay ahayd Cayaar adag oo isha ku wada haayen dhamaan inta jacayl Cayaarta Kubadda Cagta,waxay kaloo Cayaartan u tahay labada dal xiiso gaar ah maadama uu ka dhaxeeyo xirfatan Cayaareed. 

Abaarihii 3:30 habeenimo ayay bilaabatay Cayaarta waxayna ka bilaabatay Garoonka caalamiga ee Caasimadda dalka Arjantiin.

 Weerar iyo weerar celis ayay Labada xul ku bilaabeen Cayaarta,waxay mid xamaasad ballaaran muujinaysay Cayaarta,Xulka Arjantiin maadama rajo ka muuqatay waxay cayaarto la soo galeen caro iyo xoog fara badan.

 

Difaaca xulka Braziil Luisao kubad uu Madax la helay daba mariyay goolhaayaha xulka Arjantiin,goolka koowaadna waxaa la dhaliyay daqiiqadii 24 aad ee qeybta hore cayaarta.

Weeraryahanka Braziil L. Fabiano ayaa daqiiqadii 31 aad waxaa uu dhaliyay goolkii Labaad cayaartana waxay noqotay 2 Gool oo Braziil leh iyo Arjantiin oo aan waxba dhalin.

Qeybtii Labaad Cayaarta Kooxda Arjantiin waxay dhalisay Gool balse daqiiqado kadib L. Fabiano ayaa gool kale u dhaliyay Xulkiisa Braziil.

Wejiga Maradoona ma fiicanayn xalay waayo nasiib xumo ayaa soo wajahday Xulkiisa wuxuuna u muuqday nin rajo beel ka ah in uu sii hogaamiyo xulkiisa.

Leave a Reply