Dagaal afka ah oon waxba laysula hadhin ayaa wuxuu todobaadadii ugu danbeeyey ka dhex taagna labada nin ee tartanka xooga lihi ka dhexeeyo ee  pele iyo maradona kuwaasoo isku haysta midka labadooda ah boqorka kubada cagta aduunka waxaana xaalada cirka ku sii shareeyey ciyaarta maanta oo sabti ah dhex mari doonta labada wadan ee argentina iyo brasil taasoo ah isreeb reebka koobka kubada cagta aduunka 2010 ee lagu qaban doono wadanka south afrika ciyaartan oo hadii argentina laga badiyo ay sidaa kaga maqnaan karto koobka kubada cagta aduunka, iyadoo xiligan tababaraha kooxda argentina uu yahay Diego maradona laftiisa, weedho u muuqday kuwo uu ku handadayo kooxda awooda badan ee brasil ayuu ku sheegay in argantina ka fiican tahay brasil isaguna waa maradone uu ka fiican yahay pele.
Â
Hadaba mudo dheer ayaa labadan xidig isku mari la,aayeen midka ah Boqorka kubada cagta aduunka waxaana aad moodaa in ay aad u adagtay sida lagu kala saaraa waxaana arinta sii murginayey iyadoo aanay jirin cid laysku raacsan yahay taasoo keentay in  figrada dadku mar walba qaybsanto oo labadoodii is hayey lala kala safto, shebekada ciyaaraha ka faaloota ee goal.com ayaa dhinacyo badan ka eegtay oo daraasad dheer ku samaysay midka labada xidig ah boqorka kubada cagta aduunka inkastoo iyada lafteedu go,aanka kama danbaysa u dhaaftay akhristayaasha waxay ku soo koobtay sidan hoos ku qoran.
Â
BILADAHA IYO KOOBABKA.
Â
Pele wuxuu ku guulaystay oo dalkiisa brasil u qaaday 3 koob oo aduunka ah oo kala ah 1958,1962,1970 wuxuu kale oo u qaaday  labo koob oo ah qaarada ameerika dhexdeeda ah (intercontinental Cup) 1957,1963 wuxuu kale oo ku guulaystay labo jeer koobka Copa Libertadores, koobkaas oo la mida kan yurub laga ciyaaro ee loo yaqaan champion league dhanka naadiyada koobab badan ayuu u qaaday naadiga reer brasil ee Santos ee u ciyaari jiray iyo naadiga kale ee reer maraykan New York Cosmos wuxu kale qaatay abaal marintii fifa bixisay sanadkii 2000 ee laacibkii ugu wanaagsanaa qarnigii tegay aduunka.
Dhanka kale Maradona wuxuu wuxuu dalkiisa argentina u qaaday hal koob oo aduunka ah kaasoo ku guulaystay koobabka naadiyada argentina hal mar sidoo kale wuxuu ku guulaystay koobka serie A talyaaniga hal mar sidoo kale koobka boqorada ayuu labo jeer ku guulaystay mar spain ah iyo mar talyaani ah.
Waxaana sanadkii 1986 fifa ku abaal marisay laacibkii ugu wanaagsanaa sanadkaas wuxuu kale oo loo aqoonsaday inuu dhaliyey goolkii qarniga ee fifa goolkaas oo xusuus aan duugoobayn ku reebay maskaxaha dadka ciyaaraha xiiseeya ka dib markuu kubadii la dhaafay lix ka mida kooxdii la ciyaaraysay ee reer England iyadoo aad mooday in lugtiisa magnad kubada soo jiidanayaa ku dhex jiro wuxu kale oo noqday laacibkii ugu fiicnaa qarnigii tegay aduunka ee internetka looga codeeyo iyadoo pelena fifa u aqoonsatay laaciibkii qarniga halka marodona shacabku u aqoonsaday laacibkii qarniga sidaas ayey abaal marintii ku wadaageen oo weli lagu kala saari la yahay madaxa ay iskula jiraan.
Â
Qaar ka mida Dadka ciyaaraha qaada dhigaa waxay leeyihiin maadaaba Pele ku guulaytay 3 jeer koobka aduunka ma jirto cid kula tartami kartaa boqorka kubada cagta aduunka iyadoo koobka aduunku noqonayo bilada kugu qaalisan ee laacib kubada cagta ka soo hoyn karo si kasta ha ahaatee mar walba laacib kaliya laguma qiimayn karo guul kooxi gaadhay waayo 1958 markii brasil qaaday Pele wuxu ahaa 17 jir kolkaa guusha isagaa keenay lama odhan karo sidoo  1962 wuxuuba dhaawacmay ciyaartii labaad ee kooxdoodu ciyaarto markaa iyadana guusha kooxda isagaa keenay lama odhan karo sanadkii 1970 waxaa hareerihiisa safnaa oo garbihiisa buuxinayey kooxdii aduunka ugu fiicnayd sida Tostao, Rivelino, Gerson and Jairzinho.
Su’aasha lays weydiinayaa waxay tahay brasil ma ku guulaysan lahayd koobkii aduunka sanadkii 1970 hadaan Pele u ciyaareyn sidoo kale argentian ma ku guulaysan lahayd 1986 hadaan Marodona u ciyaareyn .
DHANKA GOOLASHA.
Â
Pele wuxuu qarankiisa brasil u dhaliyey 77 gool 92 kulan oo uu saftay waxaana ku jira 12 gool kuwaasoo uu dhaliyey kulanada koobka aduunka halkaasna waxaa kaaga muuqanaysa in illaahay hibo u siisay pele habka gool dhalinta iyadoo uu ku dhawaaday in ciyaar kasta ugu yaraan gool dhaliyo dhanka kale Mardona wuxuu dalkiisa u dhaliyey 34 gool 91 kulan oo uu dalkiisa u saftay kuwaasoo ay ku jiraan 8 uu ka dhaliyey kulanada koobka aduunka dhanka gool dhalinta waxaa laysku raacsan yahay in labada ninba fursad kasta oo ay helaan khatarteeda lahayd oo aanay kala dhacay weliba kulanada isreeb reebka iyo kuwa koobabka lagu kala qaadayo.
Â
Dhanka kale dadka dhaliila maradona waxay tusaale u soo qaataan goolkii muranka badan dhaliyey ee gacanta ahaa ee uu ka dhaliyey England 1986 ciyaartaasoo ahayd quarter final ee koobka aduunka iyagoo ku dooda inuu mihnadiisii khiyaameeyey sidoo kale dadka taageera waxay ku doodayaan hadaad ka baxsato siidhi walaha oo sidaa guul ku gaadhsiiso kooxdaada taasi waa raganimo ee maaha mid marnaba dhaliil kuu soo jiidaysa waxaa kale oo iyana jirta inkastoo Maradona drugs isticmaalo sida taasi u dhaawi karto sumcadiisa iyo magaciisa uu ciyaaraha ku leeyahay waa mid lagu kala duwan yahay taageerayaashiisuna waxay u badinayaan waxba iskama xidhna drugs uu isticmaalo iyo mihnadiisa kubada cagta laakiin dad badan ayaan taas la qabin laakiin waxaan muran ka joogin in drugs wax yeelaan awooda qofka maskax ahaan iyo jidh ahaanba waxaaba la saadaalin lahaa In maradona guulo intaas ka badan gaadhi lahaan hadaanu drugskaas isticmaalin.
Â
Isku soo wada duuboo labadan nin weli madaxa ayey isku jiraan mid walibana wuxuu isu qabaa inuu yahay boqorka kubada cagta aduunka waxaana intaas dheer Maradona oo had iyo jeer Fifa ku dhaliila in ay dhanka pele u janjeedhaan isagoo leh raga fifa haysta sida gudoomiyaha sepp blatter waxay isku fac ahaayeen pele sidaa ayeyna iiga hiilinayan.
Â





