Keeydka | September, 2009

Shabaabka naftooda been u sheegay kadib maamul ay kaga dhawaaqen Jubbooyinka

Posted on 30 September 2009 by dadweyne

Maleeshiyada shabaab ayaa maamul been been ah oo aan dadku raali ka ahayn u dhisay gobolada Jubooyinka oo ay isku haystaan maleeshiyadaas iyo xisbul islaam.

 

Afhayeenka dablayda Al Shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa waxaa uu sheegay in Maamulada haatan ka jira gobolada Jibooyinka ay ku dhawaaqeen in ay ka mid noqonayaan Walaayada Jubooyinka iyagoo sii hoostaga Al Shabaab taasoo uu sheegay in ay si aad ah u soo dhaweeyeen.

 

“Waxaad ogtihiin Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo waxaa uu ka koobaan sedax daraf sedaxdii daraf oo maamulka dhistay ragii ay u magacaabeen maamulka ayaa go’aansaday in ay walaalahoodaasi ay la midoobaan waxaana leenahay inaguna soo dhawaada”ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

“sida aad ka war qabtaan xaaladda kismaayo ma aha mid wanaagsan, dadweynaha ayaa laga doonayaa in ay raacan maamulkan haddii kale waxaa loo laabanaya maleeshiyaadkii beelaha ee sanad ka hor ka talinayay jubbooyinka”sidaas ayuu ku dooday afhayeenka dablayda shabaab.

 

 

Maamulka Guud ee ay hoostagaan degmooyinka jubooyinka

Waaliga Walaalayada Islaamiga ee Jubooyinka :-Sheekh Abuu Bakar Al Saylici

Kuxigeenka W/Walaayada Islaamiga ee jubooyinka:-Sheekh Xuseen Cabdi Geede

Taliyaha Xisbada Guud ee Walaayada Jubooyinka:-Sheekh Aadan Salaad C/raxmaan.

Taliye Ku Xigeenka Xisbada Walalayada jubooyinka:-Sheekh Ciise Sheekh Max’uud.

Masuulka Dacwada Walaayada gobolada Jubooyinka:-Sheekh C/raxmaan M.Nuur

Ku xigeenka Masuulka Dacwada Jubooyinka:- Sheekh c/naasir Yuusuf Cabdule

Masuulka Maaliyadda Walaayada Islaamiga ee jubooyinka:-Cabdi Wali aadan Max’ed

Ku xigeenka Maaliyadda ee Maamulka Jubooyinka:-Yuusuf Saciid Tooxin

Masuulka Warfaafinta ee Walaalayada Jubooyinka:-Sheekh Xasan Yacquub Cali

Ku xigeenka Madaxa Warfaafinta ee Jubooyinka:-C/Fitaax Ibraahim Cali

Masuulka Hormarinta Walaayada Jubooyinka:- Sheekh Farxaan Daahir Warsame

Ku xigeenka Masuulka Hormarinta Jubooyinka:-Sheekh C/raxiin Cali Muudeey

Masuulka diiwaanka Sakada ee gobolada Jubooyinka:-Sheekh Fu’aad Sheekh Axmed.

 

Masuuliyiintii loo magacaabay Magaalada Kismaayo

Gudoomiyaha degmada Kismaayo:-Ugaas Max’ed Ugaas Cabdule

Taliyaha Ciidanka Xisbada ee Kismaayo:-Sheekh C/raxmaan Cali Axmed

Taliye ku xigeenka Xisbada Kismaayo:-C/raxmaan Wacdi Barre (Carab)

Masuulka Dacwada ee Maamulka Kismaayo:-Sheekh Ibraahim C/raxmaan

Masuulka Garsoorka degmada Kismaayo;-Sheekh C/raxmaan Xuseen Jarato

Iyo Sheekh C/qani Max’ed Yuusuf Kaba Jecel oo horay u ahaa ku xigeenka waaliga Magaalada Kismaayo islamarkaana haatan laga dhigay xigeenka Waaliga Goboka Sh/hoose.

 

Lama oga sida ay ka yeeli doonaan xisbul islaam tallaabadan ay qaadeen maleeshiyada shabaab.

Comments (0)

Dagaalyahano ajanabi ah oo calooshood u shaqeystayaal ah oo ku sii jeeda Kismaayo

Posted on 30 September 2009 by dadweyne

Calooshood u shaqeystayaal ajanabi ah oo ka barbar dagaalami doona kooxda shabaab ayaa ku sii jeeda magaalada Kismaayo si ay ula dagaalaman maleeshiyada Xasan Dahir Aweys madaxda u yahay oo ah xisbul islaam.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanadaas ay ka tageen magaalooyinka, Marka Muqdisho,Baraawe iyo Baay iyagoo ku sii jeeda magaalada xeebta ku taala ee kismaayo.

Xaaladda kismaayo ayaa maalmahan waxay tahay mid cakiran kadib markii magaalada ka xirteen maleeshiyaadka shabaab iyo kuwa Xisbul Islaam.

Waxaa isku dhinac ah Xasan Turki iyo Axmed Madoobe, labadan nin ayaa waxay ka hor yimaadeen maamulka shabaab iyagoo ku tilmaamay in shabaabka ay doonayaan in ay wax booban.

Laakiin Xasan Yacquub oo afhayeen u ah shabaabka Kismaayo ayaa saaka waxaa uu sheegay in Axmed Madoobe iyo Xasan Turki diinta ku soo duuleen sidaas darteedna ay iska difaaci doonaan.

Shabaabka ayaa maalmahan sugayay dagaalyahanada ajanabiga ah iyagoo markii qaar ka mid ah dagaalyahanadas markii ay gaareen Kismaayo shabaabka ku dhawaaqen in lala dagaalami doono xisbul islaam.

Comments (0)

maleeshiyada shabaab iyo Xisbul Islaam oo qarka isku saaran dagaal

Posted on 30 September 2009 by dadweyne

Ilaa iyo hadda Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa cakiran,ma jirto goob ganacsi oo furan marka laga reebo meel meel oo hal albaab u furan,sidoo kale waxaa xiran dhamaan dugsiyada waxbarashada magaalada Kismayo.

Shabaabka ayaa saaka ku baaqay in lala dagaalamo Xasan Turki iyo Axmed Madoobe oo labada ka tirsan Xisbul Islaam, sidaas darteedna baaqaas markii soo yeeray ayaa guud ahaan dhaqdhaqaaqa magaalada istaagay.

 

Meel walba oo wado marta gudaha magalaada waxaa taagan maleeshiyaad iyo gaadiidka dagaalka sidaas waxaa inoo sheegay goobjooga ku sugan magaalada.

Daqiiqad walba magaalada Kismaayo waxaa la filayaa dagaal dhex mara shabaabka iyo xisbul islaam.

Comments (0)

Shabaabka oo nin ay qoorta ka gooyen meydkiisa soo dhigay Suuq Bacaad

Posted on 29 September 2009 by dadweyne

Meydka Wiil dhalinyaro ah oo qoorta laga gooyay ayaa maanta la soo dhigay Xaafada Suuq Bacaad ee Degmada Yaaqshiid, kaasoo dadka deegaanka ku beeray cabsi xoogan.

Dad soo arkay muuqaalka wiilkaas ayaa sheegay in da’diisu ay u dhaxeysay 20 jir ilaa 25, iyadoo qoorta laga jaray ayna hareer taalay.

Wiilka dhalinyarada ayaa jirkiisa wax rasaas ah ka muuqan, waxaana muddo saacado ah oo uu yaalay halka la soo dhigay kadib ka qaaday dad bar gartay.

Meydka Wiilka dhalinyarada ee laga jaray Qoorta ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne fara badan oo ku dhaqan xaafadaha degmada Yaaqshiid, kuwaasoo aad uga walaacay qaabka arxan darada ah ee loo dilay.

laakiin dadka arkay meydka ayaa ku tilmaamay dhaqanka noocaan oo kale in looga bartay kooxda shabaab ayna suuragal tahay in shabaabka ay qoorta ka gooyeen wiilka.
Ehelada wiilka ayaa sheegay in wiilkooda ay dileen dablayda shabaab

Comments (0)

Shabaabka oo Kismaayo ku dilay xubin Xisbul Islaam ka tirsan

Posted on 29 September 2009 by dadweyne

Xaaladda ayaa sii xumaanaysa iyadoo qof ka soo jeeda beelaha waa weyn magaalada dega xalay lagu dilay gudaha magaalada Kismaayo.

Dilka marxuumka ayaa waxaa ka dambeeyay sida ay sheegayan dad xog=ogaal ah dablay ka tirsan kooxda shabaab ee mayalka adag.

Magaalada ayaa kala xiran, dadka oo dhan ayaa degaha u taagan, lama oga waxaa dhici doona, sida muuqatana shabaabka iyo xisbul islaam waxaa dhamaanaya waqtigooda wada shaqeynta waxay galayaan xilligii dagaalka dhexdooda ahaa.

Daqiiqad walba ayaa Kismaayo laga filan karaa dagaal inuu dhaco sida uu sheegayo Mukhtaar Maxamed Jamac oo reer Kismaayo ah

Ninkan la dilay waxaa uu ka tirsanaa sida ay sheegayan wararka qaar Xisbul Islam, shabaabka ayaa waxay damacsan yihiin in ay sii ugaarsadan cid walba oo xisbul islaam ka tirsan

Comments (0)

Shabaabka oo yeeshay sheikh beenaad dilaa ah

Posted on 28 September 2009 by dadweyne

Magaciisa dhabta ah aad loooma yaqaan Cabdi aya la yiraahdaa waxaana loogu yeeri jirey Cabdi namiim basle hada waxa la siiyay jago been ah ee sheekha iyo waliba Cabdul-Xaq.

Waa ninka dilka ku Xukuma dadka shabaabku ay nacaan isagoo soo daliiliya aadayo Quraan ah ee si qalad ah loo fasiray, waa dila khaa’in ah, malaha aqoon diimeed iyo mid dadnimo waana qof ka fog naxariista rabi.

Wadaad ku sheegani waxa Bisha Sebtamber 28 uu ku xukumay dil labo qof oo wax danbi ah an galin.

Mid waxa u yiri waxa u ushaqeeyn jiray xafiiska sirdoonka ee Mareeykanka ee CIA, kan kalena waxa u dhahay waxa bassas u aha Dowlada Federalka ee Somaaliya.

Waxa ka muuqday dhib jirkiisa oo waxaana barasana wajigiisu, astaamo jirdil iyo xanuun is biirsaday aya laga arkayay, lamana yaqaan inta u xirna, waliba cunto lama siiyo qofka ay ogyihiin ineey dilayaan shabaabku.

Ninka hore ee aha Xassan Macalin Cabdullaahi (Xassan Jareer) waxa lagu dilay saddex qodob oo kala ah, 1 in laga helay jeebkiisa 100 dollar, 2 in laga helay telefoonkiisa magac qof ajinabi ah iyo inu mar hore diiday inu ku biro shabaab.

Markii la qabtay ayuu lacagta ka qaatay xawaalad, waxaana la yiri waxa si buuxda u garan waayay qofka u soo diray.

Waxa kalo iyana ka mid aheeyd sababaha loo dilay inu ka tirsana beesha Jareer Weeyne oo an laheeyn qof magac weeyn ku leh kooxda dhagar qabayaasha ee shabaab anu heeysan.

Sheekh ku sheegan u Axmed Cabdi Godane ku dilayo dadka, ma ogolaado qof u dilayo inu yeesho qareen ama u racfaan ka qaato xukunkiisa beenta ah ee ka fog cadaalada Rabi.

Waa shakhsi daciif ah ee wax macluumaad yar ka heeysan shareecada Islaamka.

“Waa tuug heeysta dad wax u dila, isaga aya u hadla kuwa xukunkiisa beenta ah lagu fuliyo,” Ibrahim Yaxya Cabullahi oo qofka la dilay adeerki dhalay aya sheegay.

“Maha qof jira, sheekhna ha ku sheegin, waa mindi u Godane ku dilo dadka, qofka lacagta u soo direyna waa u sheegay,” ayu yiri isaga oo jooga K4 ee Muqdisho.

Waxa kaloo u yiri bal ninkani ma mutadawacninmo ayu kula shaqeeynayay mar haddi ad arkeeyseen inu dhar muuqda xata anu heeysan.

Marxuumka kaleh ee dilka sharci daroda ah lagu fuliyay waa marxuum Maxamed Salaad oo la yiri wax u bassaas u yahay DFK.

Marka kowaad waxa la yaab leh inu dilayo qof ka tirsan urur la xaaraantimeeyey ee shabaab qof u ku eedeeynayo inu u shaqeeyo dowlad sharci ah.

Waxa Cabdi-xaq ninka la baxay u ku dilay Marxuumka isagoo yiri waxa u hogaaminayay madaafiiicda lagu soo riday dhulka ay shabaabku joogaan.

Waxa daliil looga dhigay inu dambiile yahay in madfac ka yimid dhanka askarta AU u ku soo dhacay goob u marxuumka ka tagay, taasina ay keentay tuhun ah inu wax ka soo hgaamiyay.

Marqaatiga la keenay waxa u aha in ninkaasi u ku hadlay telefoon marki u sii socday.

1 askarta AU ee madaafiicda soo rida ma yaqaanaan af Somaali, 2 Marxuum Maxamedna ma aqoon wax an aheeyn Soomaali.

Hadaba ma af dhagoole ayu ku hogaamiyay madaafiicda, waxa kalo jirta illa shabaabku qori ay tuuraan cidi uma jawaabto oo weey ogyihiin sababaha la isku duqeeyo, si kasta ha ahaate qoraalkani ma difaacay dhaqanka xun ee madaafiicda askarta AU (AMISOM).

Ninka sadeexaad waxa lagu xukumay 29 karbaash kadib marki lagu eedeeyey inu lacag been abuur ah u sameeyay.

Shabaab wixi u sameeyay iyo qalabki u adeegsdayna weey qaateen waxayna ku xukumeen oo kaleh lix bilood inu ka baxo Muqdisho.

Waxa in laga xumaado ah dadka Somaalida oo ka aamusaya danbiga la galayo ee dhanka ka ah dadka an dagaalo ku jirin, waliba marka ay noqoto arrin la xiriirta dadka laga hub badanyahay.

Waxaan tacsi u direeyna qoyska u ka geeriyoodeen marxuumiintaasi, waxaanu Rabi uga Baryeeyna Naxriis iyo Jano, waxa dishasy gacan ka xaq daran.

Comments (1)

Shabaabka oo bannaanbax qasab ah ka sameeyay magaalada Kismaayo

Posted on 28 September 2009 by dadweyne

 Dadweynaha magaalada kismaayo ayaa lagu qasbay saaka in ay dhigaan bannaanbax qasab ah oo looga soo horjeedo Sh Xasan Turki iyo Axmed Madoobe oo maalmahan siyaasad ahaan ka hor yimid nidaamka shabaab ka wada degaanada jubbooyinka.

 

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa u xaqiijiyay www.dadweyne.com in bannaanbaxan uu soo abaabulay maamul ku sheega shabaab ee al qaacidada ka amar qaata, dadka ayaa si qasab ah looga soo waday aqaladooda waxayna socod ku mareen waddooyinka magaalada.

 

Waxay shabaabka u sheegeen dadka eriyo ah in ay ka soo horjeedan Axmed Madoobe iyo Xasan Turki arrintaas oo ujeedo weyn ka lahaayen shabaab.

 

Dhinaca kale waddooyinka dhex mara gudaha Magaalada Kismaayo ayaa saaka lagu arkayay jidgooyooyin fara badan oo ay dhigteen maleeshiyooyin ka soo horjeeda kooxda shabaab.

Comments (0)

Dagaal daqiiqado ka hor ka bilawday galbeedka Magaalada B/weyne

Posted on 28 September 2009 by dadweyne

Dagaalyahanada Al qaacida oo kaashanaya maleeshiyada shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa dagaal ku soo qaaday galbeedka Magaalada B/weyne oo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda KMG ah oo saaka aroortii hore halkaas la wareegeen.

 

 

Dagaalkan cusub ayaa waxaa uu daba socdaa dagaal saaka halkaasi ay ku qabsadeen Ciidamada Dowladda waxaana la sheegaya in magaalada oo dhan saameeyay dagaalka.

 

 

Ilaa iyo hadda lama oga qasaaraha iska horimaadkan ka dhashay iyadoo ay adagtahay sida loo helo xogta rasmiga ee dagaalada ka dhacaya xaafadaha galbeed ee magaalada Baladweyn maadaama wadooyinka ay xireen ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.

Comments (0)

Dowladda oo dib u qabsatay B/weyne iyo shabaab oo la eriyay

Posted on 28 September 2009 by dadweyne

Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyn ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidan ka amar qaata Dowladda KMG ah ee Somaliya  isla markaana  hoggaaminayay Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax ay saakay la wareegeen gacan ku heynta magaaladaas.

Magaalada Beledweyn ayaa toddobaadyadii lasoo dhaafay gacanta ugu jirtay malleeshiyo uu hoggaaminayo guddoomiyaha gobolkaas, Sh. C/raxman Ibrahim Mocow, oo isagu ku biiray kooxda Xizbul-Islam.

Warar qaarkood ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda KMG ah oo ay taageero siinayaan dadweynaha Gobolka  qabsaday, magaalada.

Wariyaasha ayaa sheegaya in qabsashadan Beledweyn ay ku soo beegmayso iyadoo roobab xoog leh ay ka da’ayeen Beledweyn 24-kii saacadood ee la soo dhaafay.

Ilaa haatan ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi ay magaalada ku la wareegeen ciidamada dowlada KMG.

Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyada shabaab iyo xisbul islaam laga dilay tiro maleeshiyo ah isla markaana hub fara badan laga qabsaday.

Comments (0)

Seyoum Mesfin “Somaliya waxaa afduub ku haysta Al qaacida”

Posted on 27 September 2009 by dadweyne

Wasiirka Arrimaha Dibada Ethiopia Seyoum Mesfin oo Hadal ka jeediyay Fadhiga Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey ayaa ka hadlay xaalada Soomaaliya, isagoo Beesha Caalamka ku eedeeyay inay dhayalsanayaan waxa ka soo socda Soomaaliya.

Seyoum Mesfin ayaa sheegay in Caalamku aanay wax weyn ka qaban dhibaatada ka jirta Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dagaalada ka socda Soomaaliya uu ka gudbay Soomaalida dhexdeeda, isagoo tilmaamay inay u afduuban tahay dagaalyahano Shisheeye.

Wasiirka ayaa yiri in taageerada ay heystaan Islaamiyiinta ay ka balaaran tahay midda Dowladda ay heysato, isla markaana ay jiraan kooxo kool-kooliya waxa uu ku sheegay xagjirinta mayalka adag.

Isagoo si gaar uga hadlayay qaraxyadii ismiidaaminta ee gil gilay Ciidamada AMISOM todobaadkii hore ayaa waxaa uu sheegay in weerarkaas ay calaamad u tahay qatarta ka soo socota Soomaaliya.

Waxaa uu ka digay wadada ay ku socoto Soomaaliya oo hada uu sheegay in ay faraha ka baxday kadib markii ay majaraha u qabteen Kooxo u adeega Al-Qaacida, kuwaasoo aanay dooneyn Soomaalinimada sida uu yiri.

Mesfin ayaa sheegay in dalkiisa uu il ku haayo xaalada Soomaaliya, waxaana uu ugu baaqay Qaramada Midoobay inay si deg deg u caawiso Dowladda KMG

Comments (0)

3 years on, Somalia’s president ‘full of hope’

Posted on 27 September 2009 by dadweyne

NEW YORK—What a difference three years makes.

Sheikh Sharif Sheikh Ahmed was the head of the Islamic Courts Union in the fall of 2006 when the Star interviewed him inside a heavily guarded Mogadishu villa.

The soft-spoken teacher turned politician had done what no other leader could —bring order to the anarchic city.

A former Toronto grocer, Abdullahi Afrah, was among his closest advisors.

But two months after that October 2006 interview, fears that the ICU would become the “new Taliban” pushed Ethiopian tanks over the border as the U.S. administration propped up a new government. Months of warfare ensued, thousands were displaced and hundreds killed, including Canadian leader Afrah.

Here’s Ahmed now — President Ahmed — sitting in a hotel suite at the Waldorf Astoria with a secret service agent outside his door and the NYPD cordoning off blocks around the Park Ave. hotel.

He’s wearing a dark blue suit with a crisp white shirt and a pin of Somalia’s flag secured to his lapel. Glass bottles of Evian sit on the table beside a tropical fruit tray and flower arrangement of orchids, proteas and roses.

President Ahmed came to the U.S. to address the United Nations Assembly with other world leaders. Last month, he met privately with U.S. Secretary of State Hillary Clinton in Nairobi where she told reporters his government was “the best hope we’ve had in quite some time.”

Same man. Same vision. Different times.

Ahmed laughs when asked if he has changed.

“This is an obvious question,” he said in an interview with the Star Saturday morning.

“The challenges people were facing before were kidnappings, rape, violence, all kinds of problems. No one at that time believed change could come but I had a lot of hope.

“I find myself in the same spot now where we have a lot of serious challenges and people saying this is not going to work. But I’m full of hope.”

He doesn’t answer the question directly. So maybe he has changed slightly — further along in his transformation from teacher to politician.

Ahmed is a unique leader for Somalia because he isn’t a warlord with a bloody past or beholden to a clan —factors that have turned Somalis against past governments and each other in the last 18 years. It is one of the reasons Ahmed briefly had success in 2006 and is why all hopes are pinned on him today.

The problem is that challenges may be bigger now than they were three years ago.

Ethiopia’s invasion attempted to quash a militant offshoot of the ICU known as al Shabaab (the Youth). But as a longtime rival, Ethiopia’s presence only unified Somalis, attracted foreign fighters and bolstered al Shabaab’s ranks.

“The world could have moderated the behaviour of the ICU through engagement. At the time the moderate wing was more powerful,” notes Canadian Afyare Abdi Elmi, who received his PhD from the University of Alberta and is now teaching at Qatar University’s International Affairs Department.

“In fact, the occupation radicalized the whole population.”

Ethiopian forces withdrew in January and Ahmed was appointed president a month later with blessing of the international community.

But despite this diplomatic nod, he still struggles for control and most believe without the support of 5,000 African Union troops in Mogadishu his government would collapse.

Ahmed conceded Saturday that the mandate of the AU troops might expand from that of peacekeepers —only able to react if attacked — to a more offensive role.

“That is something we are working on,” he said.

Al Shabaab formally pledged allegiance to Al Qaeda in a widely circulated online statement last week and orchestrated twin suicide bombings on an African Union compound this month that killed 21. Using stolen UN vehicles, the attacks showed a new level of planning and sophistication.

Ahmed said that he believes al Shabaab (which has been designated a terrorist group in most countries, including Canada) remains unpopular inside Somalia. Without Ethiopia as a common foe, most Somalis do not adhere to the strict interpretation of Islam or support the global fight against the West that the group preaches.

But with an impoverished and desperate generation that has grown up on war, young Somalis might not need to ideologically support the group to join its ranks if al Shabaab becomes a better paying, or more secure option.

And the group appears to be successfully appealing to disenfranchised youths outside of Somalia as well. Up to 20 Somalia-born young Americans have disappeared from the Minneapolis area —one of whom authorities say died a suicide bomber. The FBI is also reportedly using DNA samples to determine if Seattle teenager Mohamed Mohamud was responsible for detonating explosives in the AU attack.

There are reports, but no confirmed cases, of Canadian youths also travelling to Somalia after being lured by jihadi Internet sites.

Links between Canada and Somalia have always been strong, since Toronto is home to one of the world’s largest Somali diasporas. Thousands of Somalis sought refuge in Canada following their government’s collapse in 1991 and Somalia’s prime minister and several high-ranking ministers in Ahmed’s government are well-educated Canadian citizens.

Ahmed encouraged more Canadians to return to their birthplace or support those who have, and he called on the Canadian government to provide humanitarian assistance for thousands of displaced Somalis facing starvation and drought.

He also expressed regret and sadness about the kidnapping of Canadian freelance journalist Amanda Lindhout, who along with Australian photographer Nigel Brennan, has been held hostage near Mogadishu for 13 months.

“There was an opportunity at one point to win her freedom where we got very close in negotiations,” he said, but was unable to offer a current assessment.

“We are still involved in her case.”

As the interview ends, Ahmed stands and shakes hands with his female visitor —something he didn’t do in Mogadishu three years ago.

In 2006, Ahmed told the Star he defied expectations by pacifying Mogadishu. “People were not anticipating there would be light at the end of the tunnel,” he said.

After 20 years of rule under a dictatorship and almost 20 more now of war, being optimistic about Somalia’s future is difficult.

But Ahmed says he is.

Comments (0)

Mareykanka oo baaraya Wiil Soomaaliyed oo haysta dhalashada dalkaas oo isku qarxiyay AMISOM

Posted on 26 September 2009 by dadweyne

Saraakiil ka tirsan FBI-da Mareykanka ayaa waxay baarayaan waxa ka jira in wiil Somali-American ah oo reerkiisu degan yihiin Magaalada Seattle ee Gobolka Washington uu ku lug lahaa qaraxyo ismiidaamin ah oo 17-kii bishan lagu qaaday saldhig ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

C/raxmaan Warsame oo ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Seattle ayaa u sheegay Wakaaladda Wararka AP in FBI-da Mareykanka ee ku sugan Magaalada Seattle ay tageen guriga Maxamed Maxamuud si ay u baaraan in Cumar Maxamed Maxamuud oo 18 jir ah uu ku lug lahaa dhalinyaro isku miidaamisay saldhigga ugu weyn ee ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho.

Weerarkaas lagu qaaday Saldhigga Ciidamada Amisom ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo adeegsaday labo gaari oo la sheegay in horay UN-ka looga dhacay, kuwaasi oo waxyaabo qarxa laga buuxiyay kaddibna lagu qarxiyay fariisinka ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Dugsigii Tababarka Xalane. Halkaas waxaa ku dhintay 21 ruux oo isugu jiray 17 askari oo ka tirsanaa Ciidamada Amisom iyo 4 ruux oo shacab ah, kuwaasi oo isbitaal ku dhex yaalla fariisinkaas u doontay adeeg caafimaad.

Seddex wiil oo Soomaali ah oo labo ka mid ah ay ka soo jeedaan Magaalada Minneapolis, halka midka kalena uu ka soo jeedo Magaalada Seattle ayaa horay loogu helay dembi ah in ay falal argagixiso ku lug lahaayeen. 20 dhalinyaro ah oo Somali-American ah ayaa la sheegaa in ay Soomaaliya dib ugu noqdeen si ay uga dhinac dagaallamaan xoogagga Al-shabaab ee dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada Amisom.

Haddaba haddii uu dhaboobo warkan ku saabsan in Wiil Somali-American ah oo ka soo jeeda Magaalada Seattle uu isku qarxiyay Soomaaliya ayaa wuxuu noqonaya wiilkii labaad oo Mareykanka ka tegay oo qarax ismiidaamin ah oo Soomaaliya ka dhacay ku dhinta.

C/raxmaan Warsame ayaa intaas ku daray in Maxamed Maxamuud ay dad qaraabadiisa ah oo Soomaaliya ku sugan ay ku soo wargeliyeen in wiilkiisa Cumar uu ka mid ahaa dhalinyaro isku qarxisay saldhig Ciidamada Amisom ku leeyihiin Magaalada Muqdisho aad ayuuna uga xumaaday Maxamed in wiilkiisa uu ku dhinto Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Saraakiisha FBI-da ayaa baaritaan kaddib waxay ka qaadeen Maxamuud dheecaanka Hiido-raaca ee DNA-ga, waxayna kula taliyeen in uu demiyo taleefoonkiisa sababtoo ah waxaa lagu soo qoray mid ka mid ah Website-yada Soomaalida, waxayna intaas u raacisay FBI-da in uusan saxaafadda la hadlin

Comments (0)

Shabaab oo ku dhaawacay 10 ruux boob raashin

Posted on 26 September 2009 by dadweyne

Tuulooyinka Woomow iyo Waasame oo hoostaga degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa ku dhaawacmeen 10 ruux markii ay soo weerareen maleeshiyada shabaab iyagoo raba in ay booban cuntadii la qeybinayay maadama kooxdu ay ku jirto macluul aad u baahsan, sida ay sheegeen dadkii loo qeybinayay kaalmada.

Bilawgii macaawanada qeybinteeda kama war haynin dablayda shabaab, waxayna u socotay howshu qaab wanaagsan oo dadku ay ilaalinayaan kala dambeynta.

Waxaase arrintu faraha ka baxday markii dhawr ka tirsan dablayda shabaab ay xabado circa u tureen oo ay ka dhigeen dadkii mid dhaawacan mid baxsaday iyo mid korka looga dhacay oo lagu jog joogsaday.

Raashinkii kaalamada ahaa markiiba waxaa la saaray baabuur tikniko ah dushooda iyo mid faaruq ah oo ay uga soo talagaleen dhac.

Mid ka mid ah dadkii halkaa joogay ayaa sheegay in shabaabku ku dhawaaqayen eriyo diini ah markii ay dhaca geysanayeen, taasina waxay ka xanaajisay dadweynihii baahnaa.

Comments (0)

Dagaal dhex maray Ciidamada AMISOM iyo Burcad badeed somali ah

Posted on 25 September 2009 by dadweyne

Kooxaha burcad badeed Soomaalida ah ayaa xalay waxaa ay weerar ku soo qaadeen markab watay calanka Banama oo ku xirnaa dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho iyadoo dagaal uu dhexmaray kooxahaasi iyo ciidamada AMISOM ee dekedda ilaalo ka ah.

 

Markabka la bartimaameedsaday ayaa ahaa  Markab sitay Calanka Banama oo ku sugnaa meel aan ka fogeyn dekadda weyn ee Magaalada Muqdisho,waxaana ay dul fuuleen markabkaasi iyagoo watay labo doomood oo kuwa dheereeya ah kadibna waxaa ay ku amreen kabtankii markabkaasi in uu markabka dhaqaajiyo markii uu arintaasi ka biyo diidana waxa ay dileen kabtanka markabkaasi oo u dhashay Wadanka Siiriya.

 

Arintaasi kadib ayaa waxaa rasaastaasi maqlay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Ilaalada ka hayay gudaha dekadda weyn ee Magalaada Muqdisho iyadoo ay is rasaaseyn ku dhexmartay agagaarka markabka  iyaga iyo kooxdii afduubka geystay

 

Israaseyntaasi ayaa waxaa ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya inkastoo daqiiqado kadib ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay u suurta gashay in ay la wareegaan markabka iyadoo kooxihii burcad badeedana ay ku baxsadeen labo doon oo nuuca dheereeya ah.

 

Markabkaani ayaa waxaa Lagu Magacaabaa MP Barwaaqo waxaana uu u rarnaa ganacsato Soomaali ah iyadoo ay sidoo kale dhaawacmeen labo ka mid ah shaqaalihii markabkaasi saarnaa oo u dhashay Wadanka Soomaaliya waxaana sidoo kale Markabka saarnaa shaqaale kale oo u dhashay wadanka Siiriya.

Comments (0)

Beentii ay ku heshiiyen shabaab iyo Turki oo qaloocatay,dadweynaha kismaayo

Posted on 24 September 2009 by dadweyne

Caasimadda jubada hoose oo ay hoggaamiyan dablay shabaab ah ayaa dhibaato ka taagan tahay kadib markii kooxdani shacabka halkaa ku nool ay ka dhigteen la haystayaal aan xuquuq lahayn oo lagu amar ku taagleeyo, sidaa waxaa yiri nin magaca weyn ku leh beesha Absame oo horeyna ula taliyay Xasan C/llaahi Faarax (Duq Turki) oo isaguna hanaan mugdi ku haayay qeybo ka mid ah jubbooyinka.

Turki ayaa horey u ballan qaaday inuu maamulka Kismaayo ka wareejin doono shabaab uuna ku soo celin doono dad ay degaanku ogol yihiin maamulka, in kastoo isagu jubbada hoose u aqoonsan yahay xubin dhul ah ee ilaahay siiyay beesha Absame oo kaliya ah.

Hadda waxaa ka socda Kismaayo hub urursi ay sameynayaan kooxo aan cidna ka wakiil ahayn oo sheeganaya dhamaantood aqoon diineed iyo mid degaan .

Intaas waxaa ugu liita kooxda shabaab oo aan cidka ka wakiil ahayn degaankana wax weyn aan ka soo qaadin ee xaqiray culumaa’udiinka, odayaasha iyo waxgaradka dhamaan gobolada jubbooyinka.

Dagaalkii hore ee lagu qabsaday Kismaayo waxaa uu ahaa mid looga soo horjeeday hogaamiye isaguba garan waayay waxaa uu yahay, mar waxaa uu sheegan jiray Xildhibaan ka tirsan Golaha baarlamaanka Somaliya, marna waxaa uu isku magacabi jiray Sarkaal qaranka u haaya xil gaashandhig, mararka qaarkoodna waxaa uu sheegan jiray hogaamiye beeleed ka mas’uul ah beelaha Mareexaan iyo xilliyada qaarkood oo u gudbi jiray daaroodnimo.

Waxaa uu ku yimid qofkan aynu ka hadlayno oo ahaa Col Barre Aadan Shire (Hiraale), mudadii uu joogay waxaa uu abuuray maamul xumo, musuq maasuq iyo isku dhacyo beeleed oo ka dhex dhamaan waayay jufooyinka uu ka soo jeedo.

Nacaybkii loo qaaday Maamulkii Hiraale waxaa uu noqday in ay iskaashadan dad aan isku ujeedo ahayn, sida Beelaha Absame, Harti, Gaaljacayl, Shabaab.

Isbaheysigaasi waxaa uu noqday mid cimrigiisu gaaban yahay oo ay kooxahaas isku naceen, hase yeeshe weli ay ka mideysan yihiin in ay arkaan dafdaftii Hiraale iyo waan qabsanaynaa Kismaayo.

Duq Turki shabaabku waa uu isku dhiibay markii hore wuxuuna ka leexday mabaadiisi ahayd inuu ka mid yahay xisbul islaam waxaa la garan waayay waxaa uu yahay mowqifkiisa taas ayaa keentay in ay absamuhu ugu yeeran maalin Absame maalin shabaab.

Dooda ku saabsan in ay Absame dhulka kaligooda leeyihiin waa dhibaato weyn oo aan raali gelin Karin dadka soomaaliyed ee ka wax ka wadaaga degaan ahaanta jubbooyinka oo isugu jira daarood,hawiye,dir,digil iyo mirifle iyo beesha shanaad.

Qaylida Turki waxay timid xilli dambe oo uu doonayo in uu kismaayo ku dhex dhuunto markii la ugaarsaday Saalax Cali Nabhan oo sarkaal sare ka ahaa ururka Al qaacida.

Itaal darada turki iyo kooxdiisa Raaskanbooni waxay u muuqdeen sidii hogaamiye kooxeedyada ama maleeshiyo beeleedyada cabanaya marka ay shabaab ka barakaciyeen degaankooda taasana muujinaysa in marka hore aanu heshiis buuxa la gelin kooxda Al shabaab.

“Ma aqoonsanaan doono maamulkan, Al shabaab waa ay naxaqireen, waxay nooga baxeen ballantii aynu wada galnay” sidaas ayuu ku celceliyay Xasan Turki, balse is weydiintu waxay tahay waa xilligee? .

Waa markii ay isku ballaariyeen jubbooyinka hoose, shabaabka ay keensadeen calooshood u shaqeystayaal, marka ay isticmaaleen xarumihiisa tababarka.

Waxay kaloo qayli dhaantaan soo baxday markii uu turki boqolaal dhalinyaro ah u diray dagaalada iyagoo ay ku jiraan ubad aan qaan gaarin si ay uga dhintaan mabaadiida aan la fahamsanayn ee shabaab.

Waxaan qura ee anfici kara ee sharaf u sameyn kara turki waxaa ay tahay inuu cambaareeyo taariikh nooleedkiisii madoobaa, u xiilaya nabada isagoo aqoonsada Dowladda KMG ah kuna wareejinaya dhamaan dhalinta uu gacanta ku haayo, ugu dambeyna cafis weydiisanaya dadkii dambiga ka galay mudadii uu haayay xukunka wax magaradka ah oo uu ku laayay shacab badan oo soomaali ah haba ugu tira badnaaden beelaha Absame.

Comments (0)

Madaxweyne-xigeenka Somaliland oo sheegay inay dalka soo galeen Dad loo soo diray Is-qarxin

Posted on 24 September 2009 by dadweyne

Madaxweyne-xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay inay dalka soo galeen dhalinyaro uu sheegay in la soo khaldan oo loo soo diray inay is-qarxiyaan. Waxaanu Bulshada ugu baaqay inay fiiro gaar ah u yeeshaan deriskooda iyo guryaha la kiraynayo.

Madaxweyne-xigeenka Somaliland waxa uu Bulshada ku tilmaamay inay yihiin Indhaha Booliska, isla markaana loo baahan yahay in ay wada-shaqayn la yeeshaan. Waxaanu sheegay in dhalinyaro la soo khalday ay dalka soo galeen, kuwaas oo aaminsan in is-qarxinta Janno lagu tegayo. “Waxaan doonayaa inaan fariin gaadhsiiyo Shacbiga Somaliland. Waxa jira dhallinyaro inaga hallowday maanta oo waxa la baraa sida la isu-qarxiyo.

Waxaan leeyahay, Ilaahay ha soo hadeeyo. Laakiin, maanta shacbiga Somaliland wa Indhihii Booliska, waxaanan u soo jeedinayaa in indhaha la furo, guryaha la kireynayo in la eego oo jaarkaaga loo fiirsado.” Ayuu yidhi Axmed Yuusuf Yaasiin oo shalay ka hadlayay Xaflad qalin-jebin ah oo shalay loo qabtay Dufcaddii u horraysay ee ka qalin-jebisa Jaamacadda Admas. Waxaanu Madaxweyne-xigeenka Somaliland intaa raaciyay oo uu yidhi, “Waa la soo kordhay maanta, Innamadaasi la khalday ee la yidhi Jano ayaad gelaysaan way ina soo galeen. Dabcan, baadhis xoog leh ayaanu ku haynaa kuwii hore, laakiin qaar cusub ayaa imanaya sida aan warka ku hayno. Waxaan mar kale soo jeedinayaa in Indhaha la furo haddii ay tahay Ciidamada Qaranka iyo Shacbiga Somaliland.”

Barkhad M. Kaariye

Comments (0)

Qadaafi oo mar kale difaacay burcad badeeda Somaliya

Posted on 24 September 2009 by dadweyne

Madaxweynaha Libiya Col. Mucaamir Al-Khadafi ayaa mar kale bogaadiyay howlaha burcad badeedka soomaalida ka hayaan Badweynta Hindiya, isagoo ku tilmaamay inay yihiin ilaalada xeebaha.

Isagoo qudbad qiiro leh ka jeedinayay Fadhiga guud ee Qaramada Midoobey ayaa Col Khadaafi waxaa uu weeraray Maraakiibta reer Galbeedka ee ku sugan xeebaha Soomaaliya, kuwaasi uu sheegay inay guranayaan kheyraadka iyo kaluunka ku jira badda.

‘Burcad badeedka waa kuwo difaacanaya xuquuqdooda, kheyraadkooda iyo kaluunka, waxaa burcad badeed ah sida Mareykanka, Japan iyo India”ayuu yiri Mr Khadaafi oo sheegay inuu la kulmay Rag ka tirsan Burcad badeedka.

Col. Mucaamir Al-Khadafi ayaa sidoo kale ku dhaliilay wadamada reer Galbeedka in ay beegsadaan Burcad badeedka oo ay qab qabtaan, isagoo ku sifeeyay kuwo xaq u dirir ah, waxaana uu tilmaamay in la dagaalamaan maraakiibtaas kuwa burcad badeedka rasmiga ah.

Qudbada Khadaafi oo aheyd mid dhinacyo badan taabaneysay ayaa cambaareeyay awooda qayixan ee ay ku leeyihiin shanta dal Golaha Ammaanka, isagoo dalka Shiinaha ku tilmaamay mid istaahila ka mid ahaanshaha, hase ahaatee afarta dal ee kale aan lagu soo dooran Dimoqraadiyad.

Duulaanka Mareykanka uu ku qaaday Dalalka Afganistan iyo Ciraaq ayuu ku tilmaamay mid gardaro ah, waxaana uu soo qaatay in Usama Bin Laden aanu aheyn nin u dhashay Ciraaq iyo Afganistaan toona.

Ma ahan markii u horeysay oo taageero u muujiyo Col.Khadafi Burcad badeedka isagoo sidan oo kale qudbad uu uga jeediyay fadhigii Midowga Afrika ku taageeray howlaha burcad badeedka

Comments (0)

Yuusuf Indha Cadde oo fariin u diray Somaliland

Posted on 23 September 2009 by dadweyne

Wasiiru-Dowlaha Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa ugu baaqay  Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee ka soo horjeeda in aysan sameynin wax burburin kara nabadda ay heystaan dadka Somaliland.

Yuusuf Indha Cadde ayaa sheegay in dhinacyada isku haya siyaasadda Somaliland looga baahan yahay in aysan dagaallamin oo markaasina uusan khilaafkooda horseedin in ay burburto nabaddii ay mudada dheer heysteen.

“Waxaan leeyahay Walaalaheena Somaliland soo xusuuta sida ay Koofur tahay, kana feejignaada in aan nabaddiina wiiqaya”ayuu yiri Yuusuf Indha Cadde.

Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Soomaaliya waxaa uu sheegay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya ay sidoo kale ka soo horjeedaan Maamulka Somaliland, sidaas darteedna wuxuu uga digay in aan laga faa’iideysan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland.

“Waxaan ognahay in ay Somaliland joogaan qolyahan ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, sidaas darteed waxaan leeyahay dhinacyada isku haya Somaliland khilaafkiina wada hadal ku dhameysta”ayuu mar kale yiri Yuusuf Maxamed Siyaad Indha-Cadde.

Comments (0)

Ina Godane oo ku ooyaya Labeeka ya Cusama

Posted on 23 September 2009 by dadweyne

Axmed Cabdi Godane aya lagu shaciyay in dableeyada shabab daacad u tahay Cusama binladen, isaga oo halki u dhihi lahaa Labeeka ya Rabi u leeyahay Labeeka ya bin laden. Cajalada waxa ku jira oo kaleh nin koraya bir dheer oo ku suraya calanka madoow ee al qaacida. Muqaalka waxa kaloo laga arka sawir baabur GMC ah ee maraya meel jid ah oo cidna anay taagneeyn ee u suran yahay calanka madow ee towxiidku ku qoran yahay, balse waxa loo adgeesaday calankan dil, dhac iyo barakicin. Godane oo ku hadlaya af Carabi ee aya videoga ku sheegay Cusama inu sheekhisa yahay. Odayaasha dhaqanka iyo culimada an ku jirin siyaasada aya ku tilmaamay nin khaldan oo diinta waxa yar ka fahmay. “Labeek yaa Allah ayaan maqalna ee labeek yaa Cusaama maxaa noo keenay,” ayu yiri sheekh Xassan Cabdi Ibrahim oo an sheekh madax banaan. “Ninkasta oo diin sheeganaya ee wax dila anigu Rabbi ayaan ka magan galay,” ayu yiri. Salaada ciida oo meelo badan looga hadlay aya lagy cambaareeyeey cajalada oo ay askarta shabab ku so qoreen hadiyada Ciida.

Comments (0)

Shabaabka oo bilaabay in ay boobaan Dhismayaashii Dowladdii hore ee Magaalada Kismaayo

Posted on 23 September 2009 by dadweyne

Dablayda shabaab ayaa waxay bilaabeen in ay dadka xoog uga saaran dhismayaashii hore ee Magaalada Kismaayo iyagoo raba in ay boobaan kadibna ay iibsadan guriyahaas oo ay lahayd Dowladdii hore ee somaliya.

Maleeshiyada shabaab ayaa waxay doonayaan in ay dadka ka saaran dhismayaasha kadibna ay dejiyan xubno al qaacida ah.

Sida ay sheegayan dad jooga magaalada Kismaayo ku dhawaad 200 oo dagaalyahano ajanabi ah ayaa ku sugan magaalada kismaayo kuwaas oo uu ka mid yahay Fasuul C/llaahi oo Mareykanka ku raad joogan isagoo dambiyo ka geystay dalalka Kenya,somaliya iyo Tanzania.

Haween iyo caruur fara badan ayaa laga saaray dhismayaashii dowladda,qoysaskaas oo u badan qaxooti haysanin cunto iyo jiif ayaa daadsan banaanada magaalada kismaayo.

Amarka guriyaha looga saaray dadka ayaa waxaa bixiyay maamul ku sheega shabaab ee magaalada kismaayo waxaana taageeray Xasan Turki oo ah dambiile 78 jir ah oo rafaad badan ka geystay somaliya.

Comments (0)

Taliyaha cusub ee Ciidamada Brundi oo gaaray Magaalada Muqdisho

Posted on 22 September 2009 by dadweyne

Taliyaha cusub Ciidamada Brundi ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho, kadib markii khamiistii lagu dilay Taliyihii hore weerar is qarxin ah oo ay fuliyeen baabuur laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo lala galay Xarunta Xalane ee AMISOM.

Dowladda Brundi ayaa soo magacowday Taliyahan cusub oo lagu magacaabo Major Gen, Cyprian Hakiza oo lagu lagu badalay Taliyihii hore Major Gen, Juvenal Noyoyunguruza oo ka mid ahaa 12-askari oo u dhashay Brundi ee lagu dilay Weerar Ismiidaamin ahaa 17-kii bishan

Gen. Hakiza ayaa la wareegi doona hogaanka Ciidamada Brundi ee ku sugan magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale uu noqonayaa Taliye xigeenka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya.

Wararka laga helayo Xarunta ugu weyn AMISOM oo ammaankeeda si adag loo adkeeyay ayaa sheegaya in Taliyahan lagu wareejiyay faylkii howl galka Nabad ilaalinta, waxaana uu booqanayaa Fariisimaha Ciidamada Brundi ka degan yihiin caasimada sida Jaamacada iyo Kulyadii Jaalle Siyaad oo ah labo xarun ay si gaar u degan yihiin Ciidamada Brundi.

Midowga Afrika ayaa horay u sheegay in aanay waxba u dhimi doonin weeraradii ismiidaaminta ee lagu dilay 17- ka tirsan AMISOM iyo Taliye xigeenkooda, waxaana ay sheegeen in ay soo xoojin doonaan Ciidamada ku sugan Soomaaliya.

Dhinaca kale Dowladda Brundi ayaa dhinaceeda sheegtay in aanay niyad jebin doonin weerarka lagu laayay askarteeda ayna diyaar u tahay in ciidamo dheeraad ah ay u dirto.

Comments (0)

Ciidamada Dowladda oo ku wajahan Magaalada Xudur

Posted on 22 September 2009 by dadweyne

Kadib markii laga eriyay degmada Yeed maleeshiyooyinka shabaab ayaa Ciidamada Dowladda KMG ah waxay ku wajahan yihiin degaanada kale ee Gobolka Bakool gaar ahaan magaalada Xudur sida uu saaka shaaciyay Aadan Saransoor oo ka mid ah Saraakiisha Dowladda.

Ku dhawaad 70 Baabuurta dagaalka ah oo ay saaran yihiin Ciidamada Dowladda ayaa ka soo dhaqaaqay magaalada Yeed iyagoo soo wajahay dhinaca magaalada Xudur.

Magaalada Xudur ayaa laga dareemay xaalad kasan kadib markii laga maqlay magaaladaas in ciidamada Dowladda ay soo dhaqaaqeen kuna soo wajahan yihiin magaalada Xudur.

Shabaabka ayaa bilaabay in ay kala cararaan iyagoo maskaxda ku haaya jabkii ka soo gaaray dagaalkii ka dhacay degaanka Yeed oo looga qabsaday gaadiid dagaal isla markaana lagaga dilay dablay fara badan.

Comments (0)

Ciidamada Dowladda KMG ah oo qabsaday degmada Yeed ,Xaalada oo caawa degan

Posted on 21 September 2009 by dadweyne

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Degmada Yeed ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in halkaasi ay la wareegeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka KMG ah iyadoo dhinaca kalena maleeshiyadii shabaab cagta ku baxsadeen

Degmada Yeed ee gobolka Bakool oo dagaallo goos goos ahi ay ku dhex mareen Ciidamada Dowladda KMG ah ee gobolada Bay iyo Bakool iyo xoogagga ka horjeeda kaddib si toos ah ula wareegay ciidamada Dowladda KMG ah sida uu sheegay Aadan Saransoor oo galabta Warbaahinta Magaalada Muqdisho la hadlay.

Ciidamada Dowladda KMG ah ayaa la sheegay inay fariisimo ka sameysteen gudaha iyo daafaha magaalada, waxaana caawa degan xaaladda Degmada Yeed, hase yeeshee Aadan Saransoor oo ka mid ah Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Dowladda KMG ah ayaa sheegay in dagaalka halkaasi ka dhacay ay seeriga u yeeriyeen kooxaha ka horjeeda.

“Kooxaha nabad-diidka ah ayaa weerar nagu soo qaaday, si aad ah ayaana isaga caabinay waxayna ciidamada Dowladda u geysteen dharbaaxo kulul” ayuu yiri Aadan Saransoor oo sheegay in wax uu ugu yeeray kooxaha nabad-diidka ah aanay uga hari doonin meel kasta oo ay ka joogaan gudaha dalka.

Shabaabka ayaa qirtay in laga qabsaday Yeed waxayna sheegeen in dablaydooda isaga carareen halkaas

Comments (0)

Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku aaday Boqrtooyada Sucuudiga

Posted on 21 September 2009 by dadweyne

Villa Somalia- Muqdisho: Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed  ayaa saakay u anbabaxay Dalka Sucuudiga ka dib markii uu ka helay martiqaad  Walaalkiis Boqor Cabdulaahi Bin Cabdul Casiis (Boqorka Boqortooyada Sucuudiga).

Madaxweynuhu inta uu Sucuudiga ku sugan yahay waxaa uu ka qeybgalayaa furitaanka Jaamacad caalami ah oo  la yiraa “Jaamacada Boqor Cabdalla ee Sayniska iyo Tiknooloojiyada” oo looga faaidyen doono dadka sucuudiga iyo dalalka saaxiibka la ah sida soomaaliya in ardaydoodu ay tacliinta sare  ku qaataan.

Wafdiga Madaxweyaha waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Maaliyada  Shariif Xasan Sh. Aadan iyo Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Cabdi Gaandi. Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyay, Wasiirka arimaha Gudaha Mudane Sheekh C.qaadir Cali Cumar iyo Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, Mudane Maxamed C.laahi Oomaar.

Dalka Sucuudigu waxaa uu ka mid yahay dalalka ay soomaaliya xiriirka soo jireen ah ay leeyihiin, waxaana ay booqashadaan sii xoojineysaa xiriirka soke ee ka dhaxeeya labada hogaamiye, labada shacab iyo labada dalba.

Madaxweynuhu ka hor intii aanu dhoofin waxaa uu soo booqday xarunta Ciidamada AMISOM, isagoo halkaa kula kulmay Saraakiisha ugu sarsareeysa, soona indha indheeyay goobihii uu qaraxu ka dhacay(17-09-2009).

Madaxweynuhu  waxaa uu kulan la qaatay hogaanka sare ee ciidamada AMISOM, waxaana uu ka dhageeystay faahfaahin dheeri ah, dhibaatadii gaartay, ciidamada AMISOM. Hogaanka sare ee AMISOM ayaa Madaxweynaha intuu kulanka uu socday ku wargeliyay in dhibaatadii soo gaartay aysan wax u dhibin ayna sii labalaabayaan adeega ay u ahayaan ummada soomaaliyeed.

Gabagabadii kulankaas ayaa Madaxweynuhu uga  tacsiyeeyay geeridii iyo dhibaatadii soo gaartay Ciidamada AMISOM, isagoo u sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan hilmaami doonin sida ay u garabistaageen in dalkeena dowladnimadu ka hano qaado.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu kulan gaaban la qaatay sarkiil ka tirsan Qaramada midoobay.  

Booqashada Suucuudiga ka dib Madaxweynahu wuxuu usii anbabaxi doonaa Dalka Maraykanka si uu ugu qeyb galo kulan madaxeedka Qaramada midoobay.

Dhamaad

C/qaadir Maxamed Cusmaan(Barnamij)

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya

========================================

NB: wixii faahfaahin dheeri ah fadlan la soo xiriir:-

Telephone: 002521237314 -002525941071

Mobile: 0025250767575

Mobile: 0025215460417

Email: presidentialpress1@gmail.com

Comments (0)

Shabaabka oo jab ka raacay dagaal ka dhacay degaanka Xoosh

Posted on 21 September 2009 by dadweyne

Dablayda shabaab ayaa jab iyo khasaaro karaacay dagaal saaka ka dhacay qeybo ka mid ah Xaafadaha Magaalada Caasimadda ah ee muqdisho

Dagaalkan oo saaka ka dhacay xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir halkaasi oo ka mid ah meelaha ay gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya.

Dagaalka oo bilowday saaka aroortii ayaa waxaa laga maqlayey qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho iyadoo markii hore uu ku bilowday rasaas fudud balse marki dambe isu rogay dagaal culus oo la isu adeegsaday madaafiicda waa weyn.

dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in meydad fara badan oo shabaab ah waddooyinka daadsanaayan iyadoo maleeshiyadii shabaabna halkaas isaga carareen.
Dowladda ayaa ilaa iyo hadda ka hadlin dagaalka iyo jabka ku dhacay kooxda shabaab.

Comments (0)

Ka jawaabid qoraal micno dara ah uu soo mala awaalay Xildhibaan C/llaahi Maxamed Afrax

Posted on 20 September 2009 by dadweyne

Waxaan si argagax leh ku aqrisanay qoraalka Xildhibaan Afrax uu ku weerarayo Dowladda Federaalka KMG ah isagoo codsanaya in laga jaro dhamaan taakuleynta Dowladdu ay ka helayso ama ka filanayso adduunka intiisa kale.
War saxaafadeedka uu soo saaray Xildhibaan Afrax oo sheegtay in ay ku wehelinayaan 5 Xildhibaan ee ka mid ah 550 Xildhibaan ee Goluhu ka kooban yahay.
1=Eedeynta Afrax waxay ku aadan tahay xilli madaxweynaha Dowladda Somaliya uu safar shaqo ugu aadayo dalal ay somaliya saaxiib yihiin oo ay ka mid yihiin Kenya,Sacuudi Carabi iyo dalka Mareykanka.
2=Ujeedada lagu codsanayo in la joojiyo kaalmada loo fidinayo shacabka soomaaliyed waxaa ay soo baxday isla maalinta madaxweynuhu codsaday in dalka lala soo gaaro kaalmo bani’aadanimo, dhaqaale iyo mid militari si looga hortago xoogaga shareeca diidka ah ee al shabaab iyo kuwa korka ka maamulaya ee Al qaacida.
3=Warka Afrax isku soo ururiyay waxaa kaloo uu soo baxay xilli maalmo laga joogo markii la soo weeraray ciidamada AMISOM iyo Saraakiisha Dowladda KMG ah oo khasaare ka soo gaaray xoogaga wadaniga ah iyo kuwii u soo gurmaday dalka.
4=Warka Afrax waxaa kaloo uu soo baxay kadib markii la magacabay Wasiir warfaafinta mudane Sheekh Dahir Maxamud Geelle oo isku heyb yihiin Afrax balse ka karti badan  una filanayay in lagu soo daro markii dib u habeynta lagu sameynayay Golaha Wasiirada.
FAAHFAAHIN KALE
A=Qoraalka Afrax waxaa ka muuqda in uu si buuxda u diidan yahay heshiiskii taariikhda ahaa ee ka dhacay dalka Jabuuti maadama uu si weyn u canaantay in la kordhiyay tirada baarlamaanka .
B=waxaa kaloo qoraalka kooxda Afrax si weyn u qeexayay inuu diidan yihiin awood qeybsiga lagu soo daray golaha dib u xoreynta Somaliyed (ARS) ee uu madaxda ka ahaa Mudane Shariif Sh Axmed, Madaxweynaha Dowladad Federaalka Somaliya.
TAARIIKH NOOLEED

A=Shacabka Somaliyed gaar ahaan inta nabada iyo is bedel doonka ah waxa ay aqoonsan yihiin raad raaca mugdiga ah ee uu leeyahay Afrax mudadii afarta sanadood ahayd oo ku saleysana inu u taagnaa meel marinta sharciyo dilaa ah oo dadka iyo dalka aan wax tar u lahayn.
B=Waxaa la ogaa oo kale in shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay Jabuuti anu meelmari lahayn haddii la tixgelinayo tallooyinkii Afrax iyo shaqsiyaad fara ku tiris ah.
ISTARAATIJAD CADAW

A = Aragtida Afrax waxay ku saleysan tahay aqiido cadawtinimo oo ah kala qeybi oo kadibna burburi, iyadoo la bartimaamedsanayo shaqsiyaad dalkooda wax tar ku soo kordhiyay ee gacan muuqatana ku lahaa kaalinta dib u heshiisiinta, sida Shariif Xasan Sh Aadan, heshiiska uu la galay hay’adaha caalamiga ee ay dalbadeen deeq bixiyaasho si loo soo mariyo xafiis la aqoonsan yahay hanti dhawrkiisa sida Shirkadda PRICE WATER HOUSE COOPERS, oo ay amaantay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Hillary Cilinton mudadii ay labada dal saxiixdeen heshiiska Taariikhda ahaa.
b = waxaa muuqda inuu ka naxeen qorshihii 3 bilood laha ee loo dejiyay misaaniyada si loo muujiyo dowlad wanaag.
c = dhawaaqa afrax waxaa uu u hadlaya kuwa aan aduunku aqoonsanayn oo raba in ay wax u dhimaan nabadgalayda dalka, mida gobolka iyo aduunka intiisa kale.
d = waxaa kale oo baaqan looga talagalay in madaxda aduunka ay u arkaan Madaxweynaha Dowladad KMG ah  Shariif Sh Axmed inuu yahay hogaamiye ka taliya guri kala qeybsan marka uu la hadlayo madaxda aduunka oo dhan ee ka soo qeybgalaya shirka loo dhan yahay ee qaramada midoobay.
e = Waxaa kale oo aragtida noocaas ah ee aan micno badan ku fadhin ay raali gelinaysaa xoogaga ka soo horjeeda dowladad kmg ah gaar ahaan dowladad Ereteriya.
f = aragtidan cusub waa mid ka soo horjeeda dadaalka uu shaaciyay wasiirka arrimaha gudaha mudane Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo shaaca ka qaaday in ay dowladdu qaadayso iyadoo mideysan tallaabooyin nabadgalayada wax looga qabanayo si loo soo afjaro gardarooyinka shabaab iyo wixii la midka ah.
XADGUDUB

a = dhaqanka uu Afrax ka abuurayo xildhibaanada gudahooda waxay wiiqaysaa wada shaqeynta u dhaxeysa hay’adaha dowladda, gaar ahaan waxay sharaf dhac weyn ku tahay in aragtidooda ay xor u ahaayen ayna  la garab mareen golaha xildhibaanada iyo guddoonkooda oo ay xaq u yeelan kareen in ay soo gudbiyan mashruuc sharci ee lid ku ah shaqsiyaadka sida sharci darada loo cambaareeyay.
B = waxa Afrax iyo kooxdiisu ku xadgudbeen Raisul Wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke iyagoo  ku tilmaamay nin isagu an magacaabin wasiirada balse u magacabay Shariif Sh Aadan, waxayna xuseen Wasiirkii hore arrimaha dibadda Maxamed C/llaahi Omar oo haatan Wasiir ka ah Dowladda sidoo kale waxay soo qaadeen Wasiirkii hore gaashandhigga oo isna ka mid ah golaha wasiirada.
c = waxay kalo oo mudan in laga xumaado in ay u maleeyen Afrax iyo shaqsiyaad la socda in baarlamaanka laga maamulo warfaafinta.
UGU DAMBEYN
a = waxaan ka codsanaynaa xildhibaanada sharafta leh ee soomaaliyed in anayn ka jawaabin eedeynta Afrax iyo kooxdiisa maadama fikiradaas ku saleysan tahay caro siyaasadeed ee aan  loo meel deyn, ku saleysan cadaawad, dowlad diidnimo iyo shaqsi nacayb.
b = waxaan ka raaligelinaynaa Shariif Xasan Sheekh Aadan Ra’iisal Wasaare kuxigenka ahna Wasiirka Maaliyadda eedeynta loo soo jeediyay ee aan waafaqsanayn runta iyo sharciga midna. 

Xildhibaan Luul Cabdi  Aadan,
Xildhibaan Cabdiqaadir Sheekh Maxamed nur ,
Xildhibaan Faadumo Sheekh Nur

Comments (0)

Shabaabka oo wax kama jiraan ka soo qaaday Nolosha dadka somaliya

Posted on 19 September 2009 by dadweyne

Maleeshiyada shabaab ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday nolosha dadka somalida iyagoo ku sheegay waa somalida kuwa aan wax qiimo ah ku fadhin marka la is barbar dhigo qiimaha uu leeyahay Salah Cali Salah Nabhan ama xubin kale oo al qaacida ka tirsan.

Cali Max’uud Raage oo horey u ahaan jiray ilaaliyaha bakhaar Maxamed Qanyare hubka ku keydsan jiray balse hadda isku magacabay inuu yahay Afhayeenka dablayda shabaab ayaa yiri”Qiimaha uu noogu fadhiyay Salah Ali Salah Nabhan ma aha mid halkan lagu soo koobi karo, kuma doorsan karno 200 oo ruux oo Somali ah, waxaan dhihi karaa somalida isaga ayaa nooga qiimo badnaa”.

Shabaabka waxay sheegeen in dhimashada dad fara badan oo Somali ah oo maalin walba ku dhinta dagaalada ka socda caasimadda aan wax qiimo ah la lahayn balse ay ka welwelsan yihiin dhimashada Salah Nabhan iyo rag kale oo shabaabka qiimo u lahaa.

“Haddii Boqol dhimato waxba uma aragno waxaa kaliya inoo daran dhibka soo gaaraya dagaalyahanadeena waayo waa dad naftooda u hibeeyay ilahay”sidaas waxaa yiri Cali Dheere.

Shabaabka ayaa madaafiic ka dhex tuura bulshada dhexdooda iyagoo ku tuura xaafado dad rayid ah degan yihiin haddii madaafiicdaas laga soo jawaabo waxaa ku dhimanaya waa dad rayid ah.

Comments (1)

Maleeshiyada shabaab ayaa Bakaaraha ku dhex dilay xubin ka tirsan Golaha Xasan Xaad

Posted on 18 September 2009 by dadweyne

Xubin ka tirsanaa Odayaasha Beelaha Hawiye, gaar ahaan garabka uu hogaamiyo Maxamed Xasan Xaad ayaa lagu dilay gudaha suuqa bakaaraha sida ay ku soo waramayaan dad jooga caasimadda soomaaliya ee muqdisho.

C/llaahi Carab oo ahaa Xoghayihii guud ee Odayaasha Hawiye ayaa shalay gelinkii dambe niman bastoolado ku hubeysan ku dileen Suuqa Bakaaraha, iyadoo laga soo xigtay qaar ka mid ah ganacsatada suuqa bakaaraha in dilka marxuumka ay ka dambeeyen maleeshiyada shabaab.

Gudoomiyaha Odayaasha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay falkaas lagu qaarijiyay Xoghayaha Guud ee Odayaasha, isagoo tacsi u diray qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday.

Xasan Xaad ayaa sheegay in ninkaas ka tirsanaa Golahooda Odayaasha si ula kac ah loogu dilay Suuqa Bakaaraha, isla markaana markii hore ay u maleynayeen in uu ku dhintay Duqeyntii ka socotay magaalada.

Si kastaba ha ahaatee dilkan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo Xubin ka tirsan Odayaasha Hawiye Garabka Maxamed Xasan Xaad

 

Maleeshiyada shabaab ayaa caadi u ah in ay suuqa bakaaraha ku dilaan cid kasta oo maalin wax ka sheegta

Comments (0)

Taliye kuxigeenkii Ciidamada Brundi oo geeriyooday iyo Taliyihii Ciidamada Uganda oo dhaawacmay

Posted on 18 September 2009 by dadweyne

10 Askari oo ka tirsan Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan ayaa geeriytootay in ka badan 12 askari oo kalena dhaawacyo kala duwan ayaa soo gaaray kaddib markii labo gaari oo waxyaabo qarxa laga soo buuxiyay ay kula qarxeen fariisin ay ku leeyihiin Ciidamada Amisom Dugsigii Tababarka Xalane.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray khasaaraha Qaraxyadaas ka dhashayna waxa ay intaas ku darayaan in uu Qaraxaas ku dhintay Sarkaal sare oo ka tirsanaa Ciidamada Amisom, gaar ahaan kuwa Burundi.

Afhayeen u hadlay Ciidamada Burundi ayaa sheegay in uu qaraxyadaas ku dhintay taliye ku xigeenkii Ciidamada Burundi ee Soomaaliya ku sugan Brigadier General Juvenal Niyoyunguruza.

Askarta dhaawacantay ayaa ka mid ah Taliyaha Ciidamada Uganda ee Muqdisho ku sugan Maj. Gen. Nathan Mugisha, waa sida uu Wargeyska Daily Monitor ee Kampala ka soo baxa u sheegay Afhayeenka Ciidamada Uganda Lt. Col Kulayigye .

Askarta geeriyootay iyo kuwa dhaawacmay oo ka tirsan Ciidamada Uganda ee nabad ilaalinta u jooga Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka tirsanaayeen ciidamo cusub oo ay Dowladda Uganda dhawaan u soo dirtay Soomaaliya.

Weerarka ismiidaaminta ah ee lagu qaaday Ciidamada Amisom ayaa wuxuu ahaa midkii ugu cuslaa ee lala beegsado Ciidamada Amisom tan iyo markii ay Muqdisho soo gaareen sanadkii 2007.

Afhayeenka Ciidamada Uganda Lt. Col Kulayigye waxaa uu sheegay in taliyaha Ciidamada Uganda ee Muqdisho jooga uu soo gaaray dhaawac sahlan, isla markaana daweyn loogu qaaday magaalada Nairobi ee caasimadda Dalka Kenya.

Afaheyeenka Al shabab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in weerarkaas ay ugu aar-gudayeen sida uu yiri  shacab Soomaaliyeed oo ay Ciidamada Amisom horay ugu dileen Magaalada Muqdisho iyo Saleh Ali Nabhan iyo rag la socday oo maalmo ka hor lagu duqeeyay nawaaxiga Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Comments (0)

Shabaab oo sheegtay qarax loo geystay Labo Bar Ciidan AMISOM

Posted on 17 September 2009 by dadweyne

Waxaa haatan na soo gaaray ayaa sheegaya in labo gaari oo waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay garoonka Aadan cadde International Airport, waxaa goobta qaraxa ka dhacay haatan ka baxaya uuro madow iyadoo halkaasi aan la dhaawan karin lama oga qasaaraha ka dhashay qaraxaasi

Labada gaari ayaa mid ka mid ah waxa uu ku qarxay afaafka hore ee garoonka diyaarha Aadan cadde International Airport halka mid kale kalena uu gudaha u galay garoonka kaasoo geystay qasaare xoogleh inkastoo aan la ogaan karin baaxada uu la egyahay qasaaraha.

kooxda shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaas waxayna sheegeen in labadaasi qarax mid ka mid ah ku weerareen xarun ay sheegeen in saraakiil ka tirsan Maraykanka,NATO iyo Qaramada Midoobay ay ku lahaayeen gudaha Xalane halka midka kalan ay tilmaameen in ay la beegsadeen meel ay kulan ku lahaayeen saraakiil ka socota AMISOM iyo kuwa dowladda kuwaasi oo ay sheegeen in ay qorsheynayeen in dagaalo ay ku qaadeen Ramadaanka kadib goobaha ay gacanta ku hayaan dhinacyada ka soo horjeeda dowladda KMG.

Comments (0)