Qeeybaha| Wararka

Shabaabkii Magaalada Jowhar oo qabiil u kala jabay

Posted on 31 August 2009 by dadweyne

Dablaydii shabaabka ee Magaalada Jowhar maamul ku sheega ka dhisay ayaa u kala jabay dhawr jufo oo beesha abgaal ka tirsan iyadoo dadaal uu waday Abuu Mansuur oo ku doonayay in maamulka maleeshiyada shabaab ee Jowhar is fahamsiiyo habeenkii xalay ahaa burbur ku dhamaaday.

Kulamo maalmahan u socday shabaabka Jowhar ayaa xalay lagu kala tagay xilli adag oo shabaabka weeraro maamuladooda ka dhan ah ka soo socdaan Gobolada Hiiraan iyo shabeellaha dhexe.

Horjoogaha maleeshiyada shabaab ee shabeellaha dhexe iyo ninka amaanka u qaabilsan maamulkaas ayaa is khilaafay iyagoo u kala jabay labo beelood oo ka wada tirsan beesha abgaal.

Sidoo kale muranka iyo khilaafka ayaa qeyb ka ah maleeshiyada beesha Gaaljacayl oo iyagana qeyb ka ah dablayda joogta Jowhar.

Abuu Mansuur ayaa ku sigtay xalay in isagu naftiisu la rasaaseeyo kadib markii uu isku deeyay inuu qeyb ka mid ah maleeshiyada hubka gaadiidka saaran ka qaado, Abuu mansuur waxaa la socda Fu’aad shangole

Xaaladda Magaalada Jowhar ayaa kacsan lamana oga waxyaabaha ku dambeyn doonta

Leave a Reply