Ciidamo fara badan oo kuwa Daraawiishta ah ayaa goor dhoweyd la wareegay gacan ku heynta Ex Koontarool Afgooye oo ah isgoys muhiim u ah isu socodka gaadiidka qeybo ka mid ah Muqdisho iyo Afgooye.
Ciidamadan oo ku hubeysnaa Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa horkacayay Goobaanle oo ah Taliyaha Ciidamada Daraawiishta, isla markaana ka mid ah Saraakiisha gacanta midig u ah Madaxweyne Shariif.
Munaasabad lagu kala wareegaya Ex Koontarool oo ka dhacday Xaruntii Asluubta ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Indha Cadde, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Dhagaxtuur iyo Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Goobaanle.
Ciidamada Daraawiishta ayaa lagu badalay Ciidamo Boolis iyo Ciidamo daacad u ahaa Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaasoo lacago leejo ah uga qaadayay Gaadiidka isaga kala goosha Afgooye iyo Muqdisho.
Xaalada Ex Koontarool ayaa ah mid degan waxaana soo buux dhaafiyay Ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka, kuwaasoo ammaanka si weyn u sugayay, waxaana Gaadiidka halkaas isticmaalayay uu ahaa mid aanu jirin wax lacago ah oo laga qaadayay.
Ciidamada laga badalay goobtaas oo ahaa kuwo had iyo jeer shacabka iyo gaadiidka dhib ku hayay ayaa la ogeyn halka la geyn doono, waxaana Taliska Daraawiishta uu maalmahan ku howlanaa sidii loo sugi lahaa Ammaanka.





