Kooxda haysata horyaalka kubadda dalka Talyaaniga ee Inter Milan ayaa xalay wacdaro ka dhigtay garoonka Caalamiga ee Magaalada Milano kadib markii ay 4-0 kaga badisay kooxda kale ee Milan ee uu leeyahay Ra’iisal Wasaaraha Italy.
Maadama Labada koox ay ka wada dhisan yihiin Magaalada Milano haddana kooxda Inter ayaa waxay ahayd marti oo garoonka waxaa ku badnaa taageerayaasha Naadiga AC Milan balse waxaase waa la iska tagay Inter waxay muujisay awood iyadoo ka dhalisay naadiga Ac Milan 4 gool.
Goolasha Inter waxay ahaayeen kuwa sidii Roobka oo kale u da’ayeen waxaana 3 ka mid ah dhaliyay ciyaartoyda reer Braziil Miccon,Milto iyo Motta.
Guushaas Inter gaartay ayaa ka dhigaysa in ay tahay koox awood u leh weli in ay difaacato horyaalka dalkeeda.





