Roobab ay Xalay saqdii dhexe ka bilawdeen degaano ka tirsan Gobolka shabeellaha dhexe ayaa ilaa saakay aroortii waxaa ay ka da’ayeen deegaanada hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo degmada Afgooye oo qiyaastii 30 km dhinaca koonfureed kaga toosan magaalada muqdisho roobabka ayaa saameeyey qaar ka mid ah dadka barakacayaasha ee daadsan nawaaxiga degmada afgooye iyo afka hore gobolka banaadir.
Roobabka iyo neecoowda Alle ayaan geysan wax qasaare ah iyadoo ay si xowli ah ugu da’een deegaanada lagu barakacay gaar ahaan wadada dheer ee Xariirisa Muqdisho iyo Afgooye.
Inta u dhaxeysa Afgooye iyo muqdisho ayaa waxaa degan oo degaano rasmi ah ku yeeshay kumanaan barakacayaal ah oo ka qaxay dagaalada ka socda muqdisho tan iyo bishii Decembar 2006 kii waqtigaas oo magaalada caasimadda ah gudaha u galeen ciidamadii itoobiya.





