Qeeybaha| Wararka

Madaxweyne Shariif oo gaaray Dubai

Posted on 29 August 2009 by dadweyne

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waabarigii saaka ka degay Magaalada Dubai ee dalka isuy taga Imaaraadka Carabta, iyadoona Madaxweyne si diiran loogu soo dhoweeyay.

Madaxweyne Shariif oo ka soo kicitimay Magaalada Doxa ee dalka Qadar oo uu gaaray maalinimadii Khamiista ayaa Madaxweynaha waxaa socdaalkiisa ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Dibada Cali Axmed Jaamac Jengli iyo xubno kale.

Madaxweynaha ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii taageero ugu heli lahaa dalalka Carabta, isagoo doonaya inuu dib u soo nooleeyo xiriirka Carabta iyo Soomaaliya oo mudooyinkii u dambeeyay ku jiray mad madow.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa la kulmi doona Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta,iyadoo la filayo in taageero dhaqaale ka helaan, waxaana Imaaraadka Carabtu ka mid aheyd dalalka carabta ee dhaqaalaha faraha badan ugu yaboohi jiray Dowladda Soomaaliya

Leave a Reply