Khilaaf dhanka awooda maamulka ayaa soo kala dhex galay maleeshiyada Alshabaab ee gacanta ku haya Magaalada Jowhar iyo deegaanada Shabellaha Dhexe, waxaana khilaafkan salka ku haya arrimo dhaqaale.
Wararka laga helayo Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Alshabaab ee Gobolka Sh/Dhexe uu eriyay Sarkaal qaabilsan dhinaca ammaanka, waxaana durba ceyrintaas ka dhalatay khilaaf adag.
Khilaafkan ayaa waxaa uu ku saleysan yahay arrimo ay ugu weyn tahay alaabihii laga bililaqeystay Xarunta Unicef, waxaana isku dayo la doonayay in gudi loo dhiibo xarunta Unicef ee magaalada Jowhar keentay inay isku mari waayaan saraakiisha qaar.
Xarunta Unicef ayaa noqotay tubo dhaqaale oo saraakiil dhowr ah ka dhuuqeen, kadib markii ay kala baxen alaabo muhiim ah oo xarunta laga bililaqeystay, taasoo gaareysa ilaa Nus milyan, waxaana tani keentay inay isku qabtaan saraakiisha qaar.
Khilaafka Mas’uuliyiinta Alshabaab ayaa si weyn looga dareemay magaalada xilli ay ku sugan yihiin ciidamo fara badan iyo saraakiil sar sare, kuwaasoo magaalada isugu geeyay cudud milateri oo ay ku difaacaan deegaanada yoolka saaran yahay in laga fara maroojiyo
Xubnaha Jowhar ku sugan waxaa ka mid ah abuu Mansuur





