Qeeybaha| Wararka

Nin u dhashay Faransiiska oo ka soo baxsaday gacanta kooxda shabaab

Posted on 26 August 2009 by dadweyne

Warar lagu kalsoonyahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in mid ka mid ah raggii Faransiiska ee dhawaan lagu afduubtay Muqdisho uu ka baxsaday gacanta kooxihii Afduubka ku haystay.

Mid ka mid ah labo Sarkaal oo Faransiis u dhashay ayaa kooxo hubaysan waxay kala baxeen Hoteelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho waxaana la sheegay in uu ka soo baxsaday gacanta kooxihii afduubka u heystay iyadoo haatan la sheegay in uu galay dhanka Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Sarkaalkan oo aan Magaciisha la shaacin ayaa waxaa uu mudooyinkii ugu dambeyay ku jiray gacanta shabaab,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in ninkaasi uu la socday wariye kale oo cadaan ah kaasoo ilaa iyo hadda la la’yahay meel uu carib iyo Jaan dhigay.

Sarkaalkan soo baxsaday oo la hadlayay Masuuliyiin ka tirsan Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya ayaa sheegay in uu soo baxsaday xili habeen ah islamarkaana ay is waayeen wariye cadaan ah oo ay isla soo baxsadeen.

Leave a Reply