Wasiirka Warfaafinta Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Dahir Maxamuud Geelle ayaa xaqiijiyay in gacanta Dowladda uu ku jiro mid ka mid ah La heystayaashii faransiiska ee afduubka u aheysteen Xoogaga islaamiyiinta.
Isagoo warbaahinta si kooban uga warbixinayay Sarkaalka Faransiiska ee ka soo baxsaday gacanta kooxaha afduubka ku heystay ayuu sheegay in faah faahin ka bixin doonaan saacadaha soo socda.
Dahir Geelle ayaa sheegay inuu ku sugan yahay Xarunta Madaxtooyada uuna bad qabo sarkaalka Faransiiska, waxaana uu wax laga xumaado ku tilmaamay afduubka loo geystay.
maleeshiyada shabaab ayaa wali gacanta ugu jira mid ka mid ah Saraakiisha Faransiiska oo aan la ogeyn halka ay ku hayaan, waxaana warar si xoogan u soo baxayay saacadihii u dambeeyay uu sheegayay in sarkaalkan uu soo baxsaday xalay saqdii dhexe.
14-kii bishii Juun ayay aheyd markii Kooxo Hubeysan ka qafaasheen Hotelka Saxafi Labo nin oo saraakiil faransiis ah, kuwaasoo aaqirkii u gacan galay Xoogaga Islaamiyiinta





