Dagaal u dhexeeya xoogagga dowlada ka horjeeda ciidamo taabacsan Dowladda Soomaaliya ayaa xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyadoo dagaalkaasna uu sababay khasaare nafeed oo kala duwan.
Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in kooxaha dowladda kasoo horjeeda ay weerar ku qaadeen Hotel Wehliye oo ay degan yihiin mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo la arkay markii dagaalku dhamaaday laba qof oo meyd ah.
Agagaarka Isgoyska Dabka ayaa la sheegay in lagu arkay dhaawacyada laba qof oo rayid ah, iyadoo aanay jirin khasaare intaas ka badan oo la sheegay inay dagaalladii xalay iyo saakay oo ahaa kuwo xiriir ah ay dhaliyeen.
Ma jirto hadal ka soo baxay dhinacyada dagaalku dhexmaray oo ku aaddan weerarradii xalay iyo saakay, waxaana dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo ka dhacayay Muqdisho tan iyo markii ay bilaabatay bisha Ramadaan.
Dagaallada ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Shariif iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu baaqeen kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya in ay fadliga bisha ramadaan aawadeed ku joojiyaan dagaallada.





