Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) ayaa sheegay in is badal la taaban karo uu ku yimid amniga magaalada Muqdisho, kadib markii uu sheegay in Ciidamo gaar ah loo howl geliyay sugida ammaanka.
Indha Cadde ayaa sheegay in Dadka ay bilaabeen in dariiqyada Mobilada ku qaataan, ayna jirin wax cabsi ah, waxaana uu sheegay in Ciidamada wax badan ka badaleen ammaan daradii.
“Is beddel la taaban karo ayaan ka samaynay ammaanka magaalada Muqdisho, waa Ilaahay Mahaddiis in shacabka mobayladooda ay dariiqyada ku dirsan karaan, waxaan rajaynayaa in aan dhamaystiri doono inta dhiman si ay dumarka dahabkooda u soo qaataan”ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indha Cadde.
Waxaa uu sheegay in la sameeyay Maxkamad Milateri oo ka qeyb qaadan doonta nidaaminta Ciidamada iyo xukun lagu qaadayo askarigii geysta falal burcadnimo iyo falal kaleba sida uu yiri.
Hadalka ka soo yeeray Sheekh Yuusuf Indha Cadde ayaa ku soo beegmaya xilli is badal weyn uu ku yimid inta badan ammaanka Degmooyinka ay gacanta ku heyso Dowladda, iyadoo Dowladda ku dhaqaaqday is badal muuqda, kadib markii ay ka hor tagtay dhibaatooyinkii ciidamada geysan jireen





