Qeeybaha| Wararka

Koonfurta Gaalkacyo oo laga furay Xafiiskii Waaxda socdaalka ee somaliya

Posted on 23 August 2009 by dadweyne

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ku sugan Magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug ayaa kaga dhawaaqay in laga furay Koofurta Galkacyo Xafiiskii Waaxda Socdaalka.

Dr, Cumar C/rashiid oo kula kulmay Koofurta Galkacyo Maamulka Galmudug ayaa sheegay in maanta iyo wixii ka dambeeyay laga furay Koonfurta Galkacyo Xafiiskii Socdaalka Dowladda.

Kulan uu kula qaatay Koonfurta Galkacyo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayuu u cadeeyay in Xafiiska Socdaalka uu si rasmiga uga howl galayo, isla markaana uu qabanayo howlihii lagama maarmaanka ee bulshada ee ku aadanaa dhanka socdaalka.

Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, iyagoo ku tilmaamay mid horu mar ah, maadaama loo fududeeyey arrimaha socdaalka iyo qaadashada baasaboorka E-Passport ee ay soo saarto dowlada KMG Somalia.

Maamulka Puntland ee ka arimiya Waqooyiga Galkacyo ayaa diiday in Hal Xafiis laga hirgeliyo Magaalada, waxaana ay ku cataabeen in aanay aqbaleyn arrintaas oo ay cambaareynayaan

Magaalada Gaalkacyo ayaa u kala qeybsan labo Maamul oo midna Puntland ka tirsan midna Galmudug

Leave a Reply