Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacade) ayaa ka hadlay dagaalkii saaka ka dhacay Xaruntii Asluubta iyo Ex Contarol Afgooye,isagoo beeniyay wararka sheegaya in lagala wareegay deegaanadaas.
Dagaalka oo ka dhacay Asluubta ayaa waxaa uu dhex maray dablayda Alshabab iyo ciidamada daraawiishta oo dhowaan saldhig ka dhigtay halkaas.
Yuusuf Indhacade ayaa sheegay in kooxihii weerarka ku soo qaaday ay jab ku gaarsiiyeen, meydad badana ay halkaasi uga carareen, sida uu hadalka u dhigay.
“anaga gaala ma dhaheynee waa dad islaam ah oo la qalday, dhalinyaradii ay soo qaldeen meydadkooda waa yaalaan, cidii rabtana iyadoo aan hubeysneyn waa soo doonan kartaa”ayuu yiri Wasiiru dowlaha gaashaandhiga.
Waxaa uu sheegay inay baacsadeen kooxihii weerarka ku soo qaaday ayna tageen ilaa deegaanka Km-13 oo uu mar dambe warbaahinta kula hadlay wasiiru dowlaha gaashaandhiga Sheekh yuusuf indhacade.
Dadka socotada ee isaga kala goosha Afgooye iyo Muqdisho ayaa soo sheegay meydadka ilaa 10 ruux oo dhalinyaro ahaa,kuwaasoo ahaa kooxihii weerarka soo qaaday sida ay sheegteen dhinaca dowladdu.





