Qaar ka mid ah Garoomada Kubadda Cagta ee dalalka Yurub ayaa xalay waxaa ka dhacay kulamo aad u xiisa badan kuwaas oo qeyb ka ah kulamada ay cayaaran kooxaha Horyaalada Ingiriiska,Talyaaniga,Spain,Jarmalka,Faransiiska iyo dalalka kale ee Yurub kaalimaha 3-aad iyo afaraad ka galeen.
Tusaale ahaan Horyaalada dalalka Ingiriiska,Talyaaniga,Spain kooxaha galay kaalimaha 3 aad iyo 4 aad ayaa waxay soo marayaan is arag si ay uga qeybgalan tartanka European Cups – Champions League,laakiin faransiiska,Jarmalka iyagana kooxaha kaalinta labaad galay ayaa ka qeybgalaya.
Sidoo kale Yurubta kale kooxaha Horyaalada dalkooda ka galay kaalinta koowaad ayaa ka qeybgalaya is wada aragan kooxaha Yurub kadibna kooxaha badiyay ayaa si toos ah uga qeybgalaya European Cups – Champions League.
Celtic oo martigelisay kooxda Arsenal ee dalka Ingiriiska kaalinta afaraadna ka gashay Horyaalka dalka Ingiriiska ayaa gurigeeda lagu dubtay kooxda Celtic.
Kooxda Arsenal ayaa ku badisay 0=2, waxaana goolasha u dhaliyay Gallas oo Faransiiska u dhashay iyo gool kale oo difaaca Celtic iska dhaliyay.
Sidaas darteed Arsenal in ay u soo gudubto kama dambeys tartanka Yurub ama Champions League waxba ma aha waayo waxay heysataa fursad maadama guriga Celtic labo gool ku soo dhalisay isla markaana badis wadato, sidoo kalena kooxda Celtic rajo sidaas u buuran ma laha maadama gurigeeda looga soo badiyay balse waxaa la cayaarayo waa kubad madow iyo cad ah wax kastana waa ay is bedeli karaan.
Kulamada kale oo la cayaaray kooxaha sidan ayay isku arkeen
Celtic 0 – 2 Arsenal FT FC Copenhagen 1 – 0 APOEL Nicosia FT FC Sheriff 0 – 2 Olympiakos Piraeus FT FC Timisoara 0 – 2 Stuttgart FT Sporting Lisbon 2 – 2 Fiorentina
Sidoo kale kulamo kale ayaa caawa la cayaari doonaa haddii rabi yiraahdo.





