Waaberigii saaka ayaa Ciidamada Isbaheysanaya ee Dowladda iyo kuwa Ururka Ahlu sunna waljameeca waxay la wareegen degmada Luuq ee Gobolka Gedo halkaas oo ay gacanta ku haayen maleeshiyada mayalka adage e ka amar qaadata al qaacida ee shababka loo yaqaano.
Wararka ayaa sheegaya inaan wax iska hor imaad ah anay la kulmin ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu sunna waxayna si fudud kula wareegen degmada luuq.
Labo Maalin ka hor ayay labadan ciidan waxay la wareegen degmada B/xaawo iyagoo ka eriyay shabaabkii xooga ku haystay degmadaas oo ka tirsan gobolka Gedo.
Goobjoogayaal ku sugan Luuq ayaa sheegaya in markii ciidamada dowladda iyo kuwa urur diimeedka ahlu suna soo galeen magaalada dad fara badan isku soo baxeen kuwaas oo ku faraxsanaa in laga dul qaado kooxda shabaab ee dhibaatada ba’an ka geystay somaliya.
Haddaba wixii faahfaahin ah oo ka soo baxa dhinaca luuq wararkeeni soo socda ayaad kala socon doontaan haddii ilaahay yiraahdo.





