Qeeybaha| Qubane

Xasuuqa ay geysteen Amisom iyo Shabaab sanadaha 2008, 2009

Posted on 18 August 2009 by dadweyne

Mid weliba oo ka mid ah labadaasi midkoodna maaha Somali labaduba waa shisheeye mid welibana wuxuu ku andacoodaa in uu sugaayo amaanka Shacaka somaliyeed , iyadoo aysan jirin shacad u xilsaartay arintaasi.

Amisom

Hawlgalka Africa ee nabad ilaalinta Geeska Afrika ama ciidanka loo keenay Dalka Somaliya inay ilaaliyaan Nabada, Sida ku cad qaraarka 1725 ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobeey (GAQM), la hirgeliyey Disembar 2006dii, wuxuu Golaha
Ammaanku guddoonsaday,
“… in idan la siiyo Hogaanka horumarineed ee ka dhexeeya Xukuumadaha geeska Afrika (HHXDh) iyo dawladaha xubnaha ka ah Midowga Afrika(MA) inay Soomaaliya ka sameeyaan hawlgallo ilaalis iyo tababbarro,” iyagoo haysta amarka sharciga ah ee soo socda:

(a) inay isha ku hayaan Hay’adaha Federaalka Ku-meel-gaarka [HFKMG] iyo sidii loo fulin lahaa wadahaladii u dhexeeyay Dowlada iyo MMI.
;
(b) in la xaqiiyiyo siduu isu socodka, is-dhexmarku u ahaan lahaa mid ammaan ah dhammaan intii wadahadallada ka qaybqaadatay;

(c) in la sugo oo isha lagu hayo ammaanka Baydhabo;oo xarun u ah Dowlada Kumeel gaarka ah .

(d) in la ilaaliyo xubnaha ka mid ah HFKMG iyo Xukuumadda iyo sidoo kale ilaha muhiimka asaasiga ah;

 (e) inay tababbaraan ciidammada ammaanka ee HFKMG si ay ammaanka dalka u sugaan iyo inay sahlaan sidii dib loogu asaasi lahaa ciidanka ammaanka qaranka Soomaaliya.”

Xasuuqa ay geysteen

Hadaba iyaga oo loo keenay Dalka in ay ilaaliyaan Nabada iyo in ay tababar siiyaan Ciidanka dowlada ayaa hadana Ciidamada Amisom mar weliba waxay xasuuq ba ani ku haayan shacabka ku dhaqan Magalada Mogdishu, iyagoo mar alla markiii weerar lagu soo qaado aanan fiirin halka uu weerarka ooga yimid ee madaafiic u qeybiya xaafadha Magaalda Mogdishu oo idil Madaafiicda ay ka tuuraan xerooyinkooda ayaa waxa ay sababtaa dhimshada rayid fara badan iyo dhaawaca, sidoo kale burbur iyo barakac. Taariiq 3-Feb-2009, Ciidamda Amisom waxay si bareer ah u dileen 14 dhalinyaro oo ka akdhowaa xili lagu soo tuuray madafiic. Rayid marayay wadada Maka Almukarama ee magaalada Mogadishu ayay xasuuqeen kuwaasi oo aan waxba galabsan tirade Rayidkaasi somaliyeed ayaa lagu qiyaasaa ilaa 40 ruux.

Ciidamadan Amisom oo ah ciidan laga keenay Dalalka Afrika hadafkooduna uu yahay in Dalka Somaliya ahaado meel Fowdo ah si Mushaarka ay ka qaadanaayaan Caalamka uusan ooga go’in taasi oo ah in sanad weliba ay ku qaataan daadinta dhiiga muslimka ah ee somaliyeed Lacag dhan 500 Milyan oo us dollar ah. Waxaa intaasi usii dheer in Rasaasta ay ku dagaalamaan Kooxaha iyaga la dagaalama laga soo iibiyay Hogaanka Amisom.

Amisom joogitaanka ay joogaan Somaliya waxay ku dhisaan dalalka ay asal ahaan kasoo jeedaan waxayna burbur iyo halaag ku haayaan Dalkeena iyo Shacabkeena Somali. hadii aanu tusaale ahaan usoo qaadano Ciidamada UGANDA waxaa sanad weliba la siiyaa Dowlada Uganda 380 Milyan US Dollar ah si ay oogu howl galaan gudaha somaliya.Dowlada Ugandhana waxay mushaar ahaan u siisaa askarta ka joogta somaliya 700 USD/Askari 100 ka mid ah ayaa loogu diraa somaliya si ay biil ahaan ugu isticmaalaan 600-kalena ee usoo hartay koonto ugu taal bank ku yaala kambaala ayaa loogu shubaa si ay ugu aruurto. Looma ogala in ay ku isticmaalaan inta badan gudaha somaliya.

halka ciidanka jooga gudaha dalka Ugandhana ee ugandeseka ah ay mushaar ahaan u qaataan lacag ka yar 50 Dollar bishii. Waxa intaasi usii dheer Agabyo Milatery , Agabyada Miltery ee loogu deeqo waxay u iibgeeyaan suuqyada Magaalada Mogadishu iyaga oo uu hadafkooda yahay in ay sii joogaan somaliya oo uu weerar ooga yimaado dhanka mucaaradka si aanan loo dhihin somaliya nabad baa ka dhalatay ee Amisom haka baxaan. Yacni si aysan u weynin dhaqaalaha kasoo galo xasuuqa ay ku haayaan shacabka aanan loo maqneyn ilaaheey kasokoow.

Dilalka Qorsheysan

00.00

Alshabaab

Waa Urur diimeed oo xiriir la leh ururo ka dagaalama Afghanistan iyo shaqsiyaad aan magacyadooda laga sheegin warbaahinta. Alshabaab ayaa waxay si xowli ahi ugu faafeen Kofurta somaliya sanadka 2006. Alshabaab waxay sheegtaan in ay yihiin urur diini ah una  dagaalama diinta iyo danaha islaamka balse arintaasi waxaa shaki weyn ka muujiyey shacabka somaliyeed,waxay ka dagaalmaan oo halaag u soo hooyeen dalka somaliya gaar ahaan Koonfurta Dalka.
Waxay feejignaan  ka qabaan dhammaan ama inta badan culimada Soomaaliyeed ee kala itijaahyada duwan, sida Suufiyada, Ikhwaanka, Salafiyada iyo sidoo kale ururrada kala duwan sida Itixaad, Ictisaam, Islaax, Majmaca Culimada iyo kuwa kaleba.
Dhaqdhaqaaqa Alshabaab malahan culumaa-udiin hogaamisa oo ay wax ka dhageystaan marka laga reebo dhalinyaro cilmigooda diinta aan sidaasi usii buurneyn, mana aha urur ku yimid rabitaanka shacabka Somaliyed ama heshiishyo Caalami ah sida AMISOM ku soo galeen dalkeena.

Xasuuqa ay geysteen

Si joogta ah ayay u xasuuqaan shacabka somaliyeed ee ku nool kofurta iyo bartamaha somaliya , bililiqo ayay u geystaan meel weliba oo ay qabsadaan iyaga oo ku tilmaama qaniimo waxay biliqeystaan hantida Dowladaha Maxaliga ah Waxay xasuuq ba’ani ku haayaan bulshada somaliyeed gaar ahaan goobaha ay iyagu ka taliyaan iyagoo marweliba soo roga qawaaniin ka baxsan shareecada islamka kuna tilmaama shareeco.

Dilalka Qorsheysan
Gabood-fallada Somaliya ka dhaca ee ay geystaan Ciidama Alshabaab ayaa waxaa ugu daran dilalka qorsheysan  kuwaa oo ay ku bartilmaamedsadaan dad wax tar u leh bulshada taakta daran ee somaliyed .Alshabaab ayaa waxa ay magaalada mogdishu ka dhexbilaabeen sanadka 2007 mashruuc ah dabargoynta Indheergaradka Bulshada kuwaa oo Eebe hibada usiiyay hogaaminta iyo taakuleynta Bulshada, ilaa iyo haatana wey wadaan mashruucaasi oo waxay ku faafiyeen goobaha ay ku badanyihiin.
Hanjabaadyo isdaba joog ah oo ka dhan ah Samafalayaasha iyo indheergaradka somaliyed ayaa waxa soo dirayay Jameceda Shabab iyaga oo ku eedeynaya in ay yihiin Gaal kaal kaaliye ama Murtad.
Hanjabaad toos ah ayaa waxa laga siii daayay taariiq 2-jan-2008, Radiyaha shabelle, waxana ka hadlay nin ku sheegay magaciisa sheikh Mohamoud , sheikh Mohamud ayaa waxa uu digniin kama danbeys ah siiyay Shaqalaha Hay’adaha samafalka, Odiiyaasha, Nabadoonada in ay joojiyaan howlaha ay wadaan ayna iskiiga baxaan dalka hadii kale uu ugaarsan doono meel weliba oo ay ka joogaan dalka .xaqiiqatan Sheikh Mohamud hadalkiisa uu kasii daayay Radiyaha shabelle  waa uu ka dhabeeyay oo waxa uu qaarjiyey ama si toos ah u dileen  ururkiisa mas uliyiinta iyo Rayidka hoos ku xusan magacyadooda:

Mohamud Ahmed oo ahaa xubin ka mid ah  hay’ada DBG Lagu dilay xarunta DBG taariiq 2-Jan-2008.
Isse Abdulqadir Xaji oo ahaa samale u shaqeynayay hay’ada ZAM  ZAM Foundation Lagu dilay Degmada Yaaqshiid taariiq  7-January-2008.
Qarax Bam ah waxay ku qaarjiyeen samafaleyaasha ajaaniibta ah ee soo socda taariiq 28-January-2008 gudaha Magaalada Kismayo:
Victor Okumu oo ah Kenyan, Damien Lehalle oo ah France iyo Billan  samafaleyaashaasi aya waxa ay u shaqeynayeen hay-ada MSF Nederland, Qaraxaasi bamb waxa xitaa ku dhintay Xasan Kafi Xared oo ahaa journalist ka akdhawaa goobta uu qaraxa ka dhacay.
9-saraakiil oo ka tirsanaa  ciidadma dowlada ayay ku Gowraceen duleedka magaalada Baydhabo Taariiq Febraury 9-2008.
Abukar Abdulahi Osman oo ahaa Kumasaarigii Degmada yaaqshiid ee Magaadla Mogdishu lagu dilay Degmada Yaaqshiid.Taariiq 14-Feb-2009.
Sarkaal ka tirsan Ciidamda policeka oo aan magaciisa saxda ah haynin hada ayaa waxa ay ku qaarjiyeen Degmada Xamar Jajab ee Magaalada Mogadishu. taariiq 25-Feb-2009.
Nabadoon Sheikh Muhammad Ahmed Kashka ayay ku dileen Magaalada Mogdishu asiga oo kasoo laabtay Masaajid. Taariiq 10-March-2009.
Ciidanka shabaab ayaa waxa ay weerar ku qaadeen gaari ay laheyd hay ada msf spain oo marayay wadada u dhaxeysa Xamar iyo Balcad waxayna ku dileen shaqaalihii saarnaa , isla maalintaa ayaa waxay bartilmaamedsadeen gudoomiyihii degmada balcad iyaga oo ku weeraray gaari uu la socday kuna dilay. Taariiq 12-March-2008
Ahmed Mudey oo ahaa taliyaha ciidanka Nabad sugida ee degmada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose ayay ku dileen Isla degmadaasi taariiq 17-March-2008.
Ilaadadii hospitalka SOS ayay shashab ku qarjiyeen hospitalka iyaga oo bililiqaystay  cusspitalka waqtigaasi. Taariiq 23-March-2008.

Gudaha magaalada beledweyne waxa ay ku dileen:
Da’ud Xasan Cali, Rexana Axmed oo kawada tirsanaa Hiran Cummunity education,
Iyo Macalamin Kenyan ah oo kala ah Gilford Koech iyo Andrew Kibet. Taariiq 14-April-2008.

Ahmed Moalim Bario oo ahaa agaasimaha hay’ada  Horn Relief lagu dilay Gurigiisa dhexdiisa oo ku yaalay Magaaldaa Kismaayo Taariiq 17-May-2008.

Nasteh Dahir Farah oo ahaa journalist lagu dilay gudaha Magaalada kismaayo taariiq 7-jun-2008.

Col. Ali Barre oo ahaa sarkal ka tirsanaa ciidamda Dowlada ee Degmadaasi Qansaxdhere ayay ku dileen isla Degmadaasi gudaheeda taariiq 7-Jun-2008.

Mohammed Abdulle Mahdi oo ahaa Agaasimaha Women and Child Care Association, lagu dilay Magaalada Beledweyne taariiq 11-Jun-2008.

Nabadoon Mohamed Hassan Kulmiye Lagu qarjiyey gudaha Magaalada Beledweyne Taariiq 22-jun-2008.
Siyaad Mohamed Owroow oo ahaa Agaasimaha ASAL aid agency lagu qarjiyey Gudaha Magaalada Mogdishu.
Abdikarin Sheikh Ibrahim  oo ahaa Agaasimaha   Hay;ada Takuleynta Agoonta ayay ku qarjiyeen Gudaha Magaadla Mogadishu taariiq 2-ju-2008.
Osman Ali Ahmed oo ahaa Madaxa UNDP ee Somaliya ayay ku qarjiyeen Gudaha magaadla Mogadishu taariiq 6-Jul-2008.
Mohamed Muhamoud Qeyre oo ahaa Kuxigeenka Agaasimaha Hay’ada DBG ayay ku qaarjiyeen Daafaha Magaalada Mogdishu xilli uu dadka barakacaayasha ahi u qeybinaayay mucaawino.
Mohamud Ahmed Roble oo ahaa Agaasime hay’ad Maxali ayay ku dileen Bartamaha Somaliya taariiq 11-jul-2008.
Ali Bashi Alore oo ahaa Madaxa Hay’ada SORDO ayay ku dileen Daafaha Magaalda Mogadishu xili uu ku jiray shaqo taariiq 11-jul-2008.
Safhan Moalim Muktar oo ahaa Agaasimaha South Somali Youth Organization. Lagu dilay agagaarka magaalada Baydhabo Taariiq 14-jul-2008.
Abdulkadir Yusuf Kariye oo ahaa Madaxa Lafole Orphanage Centre ayay ku qarjiyeen xaruntiisa ee lafoole taariiq 6-Aug-2008.
Abdullahi Jahawarer oo ahaa sarkaal dhanka amaanka u qaabsinaa dowlada gobalka bakool ayay ku dileen gurugiisa Degmada Xudur.

Adan Quresh oo ahaa samafale ajnabi ah ayaa waxay ku qarjiyeen Magaalada wajid Tariq 12-Augost-2008.

Abdulkadir Diyad Mohamed oo ahaaa sarkaal u shaqeynayay hay’ada WFP ayaa waxey ku dileen Magaalada Dinsor tariiq 15-Augost-2008.

Guled abdi oo ahaa Xeer ilaaliyaha Maxkamda Gobalka Banaadir ayaa waxay ku dileen Magaalada Mogadishu. Taariiq 25-Augost-2008.

Dacar Xoshow oo ahaa Gudoomiyaha Odiyaasha Gobalka Hiiraan ayay ku qaarjiyeen Magaalada Beledweyne, taariiq 7-October-2008.

Mohamed Osman oo ahaa shaqaale u shaqeynayay hay-ada Mercy Corps ayay  ku dileen Gudaha Magaalada jamaame. Taariiq 9-Nov-2008.

Sarkaal oo hada aan heynin magaciisa una shaqeynayay Hayada Cunida Aduunka WFP ayaa ay ku dileen Degmada Dayniile ee Magaalada Mogadishu, taariiq 8-Jan-2009.

Abdirahaman Xaji Mohamed oo ka mid ahaa saraakisha Dowlada ee Gobalada jubooyinka ayaa waxa ay ku Daldaleen Gudaha Magaalda kismayo.taariiq 16-Jan-2009.

Sheik Hussein Khalif oo ka mid ahaa Culumada somaliyeed ayaa waxay ku dileen bartamaha Somaliya. Taariiq 5-Feb-2009

Caasha Dhuxulow oo aheyd gabar yar oo 13 sano jir ah ayay ku daldaleen gudaha Magaalada Kismaayo kadib markii ay ku kufsadeen xeebta magaalada kismaayo. waxay ku eedeeyeen alshabaab gabadhaasi yar in ay sinaysatay hadii aanu eegno xukunka islamka o ay ku andacoonaayaan.  ma gabar kaligeed miyaa iska sinaysatay aayadu micnaheedu waxa waaye (Azaani wazaaniyatu)aawey wiiilkii ka sinaystay (zaanigii)taasi waa ay iska cadatay in ay kufsadeen kadibne dhagax ku dileen. Halkaan ka daawo Video- ah aabaha Marxuumada yar waxa uu ka yiri Nimanka Alshabaab (guji-riix) mar uu ka hadlaayay dhacdadaasi.

Ahmed Hussein oo ahaa  Samafale u shaqeynayay Hayada WFP ayay ku dileen Magaalada Mogadishu taariiq 19-March-2009.

2-Sarkaal oo hada aanan heynin magacyadooda  kana tirsanaa Midow Maxkadaha islamiga ayaa waxa ay ku Gowraceen Gudaha magaalada balcad ee Gobalka Shabeelaha Dhexe taariiq 19-March-2009.

Hussein Omar Mohamud iyo laba kaalkaaliye u ahaa oo u shaqeynayay hay ad maxali ah ayaa waxay ku daldaleen Degmada ceelbarde ee gobalka Bakool. Taariiq 10-April-2009.

Cumar Sherif oo ahaa Samafale u shaqeynayay Hayada Care International ayaa waxa ay ku qaarjiyeen Bartamaha Somaliya tariiq 20-Apr-2009.

Qarax ismiidaamin ah oo ay ka geysteen Gudaha Magaalada Beledweyne Taariiq 18-jun-2009 waxa ay ku qaarjiyeen Mas’uuliyiinta hoos ku qoran magacyadooda:

Xildhibaan Cumar Xaashi Aadaan oo ahaa wasiirkii Amniga Qaranka ee DFKM.
C/kariin Faarax Laqannyo oo ahaa safiirkii somaliya u fadhiyey Eithopia.
Max’ed Cabdi Yaroow (Gaashaanle sare)
Max’ed Barre Fiidow (Gaashaanle Sare)
Cumar Xasan Dhudi (G/sare iyo Taliyihii Ciidanka Asluubta Hiiraan.)
Yuusuf Xuseen Tima Cadde (Korneel.)
Faarax Cabdule Fiidow (Nabadoon.)

Xasan Dariiqow (Nabadoon.)

Xasan Cilmi Hure (Nabadoon.)
Axmed Carabay (Nabadoon)
Cilmi Shire  (Nabadoon)
Max’ed Cabdi Cibaar (Abwaan)
Cabdi Dhuux Guure Cali (Abwaan).
Buule xaashi Aadan (Ganacsade)
C/fitaax Cali xaydar (Injineer)

Xildhibaan Mohamed Hussein Addow (ENG Adow)oo ka mid ahaa xildhibaanadda Barlamaanka DFKM ayaa waxa ay ku Gowraceen gudaha degmada Kaaraan ee magaalada Mogadshu taariiq 19-Jun-2009.

Afar Dhalinyaro reer Mogadishu ah ayay si arxandaro ahi ooga gooyeen Gacan iyo Lug isdhaaf ah. Kadib markii laga jaray gacan iyolug  isdhaaf ah afartaasi ayaa waxa ay u dhinteen dhiig bax. Taariiq 26-Jun-2009.

Nuur daqli oo ka mid ahaa saraakiisha DFKM ayaa waxa ay ku dileen gudaha Magaalada Mogadishu taariiq 11-Jul-2009.

Abdiraxman Warabow oo ahaa Sarkaal ka tirsanaa DFKM ayay ku Gowraceen duleedka Magaalada Baydhabo Taariiq 11-jul-2009.

Maamulka Alshabaab ayaa waxa uu xabsiga magaalada Balcad dhigay 350 haween kadib markii ay iibsankari waayeen dharka adag ee jalaabiibka ahi taasi oo aheyd awaamir cusub oo ay alshabaab kusoo rogeen magaalada balcad, waxayna u sheegaan raga dhalay ama qaba dumarkaasi inay ka guursandonaan hadii ay u gadi waayaan dharkaasi . Halkan ka dhageyso cabashada dadka reer balcad ay ka cabanayaan maamulka maylka adag ee alshabaab, dhacdadaasi waxay dhacday  tariiq 27-jul-2009: (guji-riix)

Alshabaab ayaa waxa ay ku saleeyaan dilalkaasi qorsheysan iyo xukunada foosha xun ee ay ku dileen/xukumeen mas uuliyiinta iyo muwaadiniinta kor ku xusan aayado iyo axaadiis iyaga oo ay ujeedadooda tahay in uu ahaado dalkeena soomaaliya fowdo iyo meel ay  qalalaasi aanu ka dhamaan si ay ugu dhuuntaan dambiile yaal ay Laaluush iyo qandaraas lasoo qaateen kuwaa oo dalalkooda ku noolaan waayay  taas oo ah in umada ay u qaxinaayaan una laaynaayaan in dad aan dalka u dhalanin lagu badbaadiyo dhiiga shacabkeena soomaaliyeed taasna waxaa si cad uga soo horjeestay Culumaa’udiinka Somaliyeed . Hadaba halkan ka dhageyso Majmaca Culumaa’udiinka Somaaliyeed sida ay u xaaraantinimeeyeen Dhaqanka iyo ahdaafta alshabaab ay ka wadaan Dalka Somaliya: (guji-riix)

Barakaca ka dhashay  is herdinta AMISOM & SHABAB

3-milyan oo Somali ah ayaa ka barakacay guryahooda iyaga oo ka cararay Dagaalka u dhexeeya Amisom iyo Shabaab. Muwaadiniintan ka Barakacay Dalkoodii ayaa qarkood waxa ay ku nafwaayeen Badaha, Saxaraha, halka qaar kalena lagu dilay xuduudahda ay ka tahriibaan.

Meeqa Muwadiniin Somali ah dooni la shiiday maraakiib la ga tuuray ama mator la shiiday Meydkoodu sabeeyay Malaaybadeedka cuneen ?
Meeqa ayaa meel lagu sheegin miriqdoodu laheynin ama macrifo aan laheyn ?.
Meeqa ayaa waaali ku nool oo maanka looga jiraa Maskaxdooda isku yaacday oo daclada Dunida ku macluulsan ?. Ma xisaab tirakoobna waa mas’allo la yaab badan.

Barakacayaal farabadan ayaa ku dhibaateysan gudahda somaliya, daafaha magaadla Mogadishu waxaa ku dhibaateysan Kumanaan guryahooda ay kasoo cayrsadeen Gashaanbuurta Shabab iyo Amisom.

Bada u dhaxeysa Somaliya iyo Yemen waxaa ku nafwaayay Muwaadiniin Somali ah oo lagu qiyaasay Boqolaal qof taariq 2008 ilaa 2009, halka tira Kumanaan kalena ay ku macluulsanyihiin xerooyinka ku yaala gudaha Yemen.

Kenya waxaa gaaray ilaa 50,000 oo qaxooti Somali ah kuwaasi oo lagu hayo xerooyin ku yaala waqooyi bari ee dalkaasi sida xerada dhadhaab Wax mustaqbal ahi ma heystaan waxa ay la ildaranyihiin Malariya waxa intaasi usii dheer hoy xumo oo waxa ay deganyihiin guryo ka samysan Cariish guryahaasi ma celin karaan roobabka marka uu roob yimaado.

Hadii aanu eegno qaxootiga somaliyed ee ka cararay Dagaalka u dhaxeeya Amisom iyo Shabaab ee gaaray Dalka Libya, waxaa Libya gudaheeda ku xeran oo ilaa mudo sanad ka badan ah xeran qaxooti tiradoodu gaareyso ilaa 1,430 oo Somali ah waxayna ku kala jiraan xabsiyada kala ah:
1-Hankar oo kuyaala Duleedka Magaalda Kufra ee Kofurta dalkaasi Libya waxa ku jirta 250 somali ah.
2-Jawasad Ijdabya 00 ku yaala bartamaha dalkaasi Libya waxaa ku xeran 200 somali ah.
3-Kunfudiyo oo ku yaala Duleedka Magaalada Benghazi ahna Bariga Libya waxaa ku xeran 500 somali ah.
4-Falaax oo ku yaala Tripoli ahna caasimada Dalkaasi Libya waxaana ku xeran 200 Somali ah.
5-Masaraata oo ah galbeedka wadankaasi Libya waxaa ku xeran 130 Somali ah.
6-Zawara oo ah Galbeedda Dalkaasi Libya waxaa ku xeran 150 Somali ah.

Maxaabiistaasi Somalida ahi ee lagu haayo xabsiyada aan soo xusnay wax daryeel ahi kuma heystaan xabsiyada ay ku jiraan waxay u dhexeeyaan nolol iyo geeri ,waana ay ka daaleen qeylo dhaan ay u qeylo dhaamiyeen hay-adadaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo  Dowlada Maqaar saarka ee Somaliya. Mar aan la xiriiray mid ka mid ah maxaabiista oo ku jira xabsi ku yaala Tripoli aya waxa uu ii sheegay in ay ka rajo dhigeen inay xuriyadoodii dib u helaan. Halkan ka aqriso warqad ay soo direen iyo sawiradooda:(guji-riix)

“waxaan xeranahay mudo ka badan sanad wax danbi ahna kama aanan gelin Dalka Libya Maxkamadna layma marin oo waa lay haaya xili aan xuriyadeyda dib u helaayana ma garanaayo” sidaasi waxaa ku calaacalay maxbuus kusoo koobay magaciisa Cumar.

Maxabiista qaarkod ayaa waxa ay ku eedeeyeen safiirka somaliya inu wax u qaban waayay.oo xitaa uu ku soo booqanwaayay xabsiyada ay ku jiraan.

Bada u dhaxeysa Libya iyo Italy “Miditranean sea” waxaa ku nafwaayay ilaa 2000 Somali ah taariiq 2008 ilaa 2009. kuwaa oo doonayay in ay ka gudbaan badaasi si ay u gaaraan meel ay ku nasankaraan oo aanan loaga daba tageynin.

Gaba gabo iyo Tallo bixin

Ka cali ahaan waxaan ku talin laha in waxgaradka, Culumaa’udiinka aynan ka daalin wacyigelinta bulshada iyo in loo   is taago islaaxa umada somaliyeed iyada oo la raacaya dariiqada alle tilmaamay ee ah in dadka loogu yeero wadada toosan iyada oo la adeegsanaayo xikmad lagana fogaanaayo wax alla wixii keeni kara kala shaki ama qalalaas. Isku meelna looga soo wada jeesto gaashaanbuurta marweliba shaarka noo soo bedelata.
Wabilaahi toowfiiq.

Leave a Reply